DEG DEG: Qaraxyo ka dhacay Isgoyska Hawl Wadaag, ninkii geystay oo la-toogtay iyo meydkiisa oo goobtaasi yaalla

May 28, 2012

Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu goor dhaw uu laba qaraxyo oo nooca gacanta laga tuuro uu ku weeraray Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ee joogga Isgoyska Hawl Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Labada bambo oo u dhaxeeyay wax ka yar hal daqiiqo ayaa waxay hareer mareyn Ciidamadda Dowladda, isla-markaana waxay ku dhaceyn goobo ay marayeen dad rayid ah, iyadoo uu ku dhintay hal ruux oo rayid ah, halka seddex kalana ay ku dhaawacmeyn.

Ciidamadda Dowladda ayaa waxay baacsadeen ninkii bambooyinka ku soo weeraray, xilli ay rasaas ka daba ridayeen, isla-markaana waxaa u suura-gashay inay la-hellaan dhawr rasas ah, oo sababtay in uu goobtaasi uu ku geeriyoodo.

Ninkii dhalinyarada ahaa ee ay toogteen Ciidamadda Dowladda ayaa wuxuu iminka uu meydkiisu uu yaallaa Isgoyska Hawl Wadaag ee Degmada Hawl Wadaag, isla-markaana qaraxyada uu ku weeraray Ciidamadda Dowladda ayaan wax-yeelo ka soo gaarin.

Seddexda ruux ee qaraxyadaasi ku dhaawacantay ayaa goobtaasi laga qaaday, iyadoo loola cararay cisbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxana seddexdaasi ruux midkood la-sheegay in dhaawaciisu uu liito.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Ciidamadda Dowladda ay Suuqa Bakaaraha ku toogteen nin dhalinyaro ah, oo doonaayay in uu walxaha qarxo ku aaso Suuqa Bakaaraha, oo goob ganacsi ah.

War deg deg ah: Barakac xoog leh oo ka soconaaya Degmada Balcad iyo Ciidamadda Dowladda iyo Amisom oo ku soo dhawaaday

May 28, 2012

Barakac xoog leh ayaa wuxuu maanta ka soconayaa Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii shacabka ku dhaqan ay baqdin xoog leh ka muujiyeen, inay dagaalo ka dhex qarxaan gudaha Degmada Balcad.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka hellaaya Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Somaliya, ayaa waxay si weyn ugu dhawaadeen Degmada Balcad, waxayna doonayaan inay kala wareegaan Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadaan oo si weyn ugu soo dhawaaday Degmada Balcad ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay dagaalo culus la-gallaan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo iyagu sheegay inay la-dagaalami doonaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ka kala imaanaayay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxay soo buuxiyeen Degmada Balcad, iyagoo doonaaya inay kahor taggaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.

Barakaca xoogga leh ee ka soconaaya Degmada Balcad ayaa waxaa laga dareymay Magaalada Muqdisho, iyadoo Magaalada Muqdisho ay soo gaareyn boqolaal ruux oo iskaga soo cararay Degmada Balcad, si’ay uga bad baadaan dhinacyada ay didirtu u dhaxeyso.

Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”. Ayaa wuxuu sheegay inay taggi doonaan goobo walba oo ay Xoogaga Shabaab ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

SHIRKII Odayaasha ayaa Si Rasmi ah uga furmey Turkey

May 28, 2012

Shirkan oo furmay abaara 9:00 subaxnimo waxaana shirka furay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Davuto?lu isaga oo ergada ka soo qeybgashay kulankana ku booriyay afar qodob oo uu sheegay inuu saldhig u yahay qabashada kulankan kuwaasoo kala ah.
1. In Soomaalidu ay helaan golel ay danahooda si xor ah ay uga tashadaan

2. In si wadajira ah ay waxgaradka Soomaaliyeed ay isula eegaan culeysyada heysta Soomaaliya iyo xalkoodaba.

3. In soomaalidu fursad loo siiyo in ay soo bandhigaan wixii ay xal u arkaan, wixii muhiim u ah si Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku laheyd caalamka

4. In fursad loo siiyo Turkey in ay fahamto baahida amni, midda Siyaasadeed, Bani’aadanimo iyo horumar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda a yaa sidoo kale khudbadiisa ku dhiirageliyay odayaasha iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed inay dib boorka uga jafaan taariikhdii Soomaaliyeed ee dahabiga aheyd isaga oo tusaale u soo qaatay taariikhdii Halgankii Axmed Gureey “Waxaa la idiinkaga fadhiyaa Soomaali haddii aad tihiin in Axmed Gurey taariikhdiisii aad boorka ka jaftaan” ayuu si kaftan ah u yiri Wasiirka oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Soomaalidu waagii dagaalkii Andulus dadkii ka soo cararay wadamo ay ka mid tahay Spain inay Soomaaliya u barakaceen ayna soo dhoweeyeen Soomaalidu taasoo keentay inay ku noolaadaan Soomaaliya oo ay ku tartaam maantana dad faracooda ka mid ah ay ku noolyihiin.

Khudbada Wasiirka kadib, ayaa waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka weyn ee Axmed Naaji Sacad, Cabdishire Jaamac ciyaarjecel, Orodyahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi iyo Amina Muse Weheliye oo ah oo ah gabar weriye caan ah.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu socdo 27 bishan April illaa 02.2012 bisha dambe ee June waxaana cinwaanka shirkani yahay kulanka Istanbuul ee Bulshada Rayadka Soomaalida, iyadoo ugu dambeyntii talooyinka, tusaalooyinka iyo weliba aragtiyada ka soo baxdo kulankan la hor dhigi doono kulanka weyn ee Caalamiga ah kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan matalayaasha dhamaan beesha caalamka, madaxda dowladda, iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo lagu go’aamin doono itijaaha siyaasadeed Augost 20 2012 oo ku eg waqtiga Dowladda haatan jirta ee KMG ah.

Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa caawa soo gaaray magaaladan Istanbul iyada oo sidoo kalena la filayo in labada maalin ee soo aadan ay yimaadaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo weliba madaxda maamul goboleedyada.

May 28, 2012

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Goordhay ka dhacay Dhismo kuyaala Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya kaa oo ka dhasheen Qasaarooyin xoogan oo soo gaaray dadkii kusugna ahalka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan oo aha amid aad u Xooganaa ayaa ka dhacay Dhisme ku yaala wadada wayn ee Moi Evenue ee kutaala Bartamaha magaalada Nairobi.

Qaraxaan waxaa kasoo baxaya Warar kala duwan waxa uu ahaa iyadoona Madaxda Dalkaasi Kenya siyaabo kala duwan uga hadleen Qaraxaasi iyo waxa dhaliyay.

Taliyaha Ciidamada Police-ka Dalkan Kenya Marthew Iteere ayaa isagu sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay Koronto dhismaha ka qaraxday islamarkaana uu dabku qabsaday dhismayaal kale oo ganacsi oo halkaasi ka agdhawaa.

Laakiin Ku xigeenka Wasiirka Amniga Gudaha Kenya Orwa Ojode oo isna ka hadlay Qaraxaasi ayaa isna shaki galiyay qaraxa sababta uu ka dhashay waxa uuna xusay in wali aysan cadayn wxaa dhaliyay qaraxasi.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa dhawacyo kasoo gaareen Qaraxaasi kuwaa oo loola cararay Isbitaalka Kenyatta hospital iyadoona dadka qaarkii la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Ciidamo badan oo katirsan Booliiska Kenya ayaa wali kusugan halka uu qaraxu ka dhacay kuwaa oo ku hoolan oganashiyaha waxa qaraxaani dhalaiyay iyo sidoo kale daminta dabka dhismahaasi kasocda

War deg deg ah: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood loogu hanjabay in loo-gacan gelinaayo Al Shabaab

May 28, 2012

Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan soo wajahday dhaqaalo la’aan baahsan, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya qaarkood farqaha loogu dhegan yahay, lacago lagu lee-yahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay helin wax mushaaraad ah, taasoo keentay inay soo wajahdo dhaqaalio yari baahsan, kadib markii laga jaray lacagihii ay mushaaraadka u qaadan jireyn.

Muddo dhan lix bilood ayaa waxay Xildhibaanada sheegeen inaysan helin wax mushaaraad ah, taasoo keentay in farqaha loogu dhego inay bixiyaan lacagaha amaah ahayd oo ay qaadanayeen, mudadii ay mushaaraadka la’aayeen.

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu tibaaxay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay la-foolanayaan dhaqaalo la’aan baahsan.

Mudane Maxamed Cali Diheeye ayaa wuxuu xusay in Xildhibaanadu ay intoodu badan deggan yihiin Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay muddooyinkii ugu dambeysay qaadanayeen sida uu yiri lacago amaah ah.

Dadkii iska lahaa amaahdaasi ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan farqaha ugu dhegan yihiin Mudanayaasha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, isagoo taasi sabab uga dhigay inaan wax mushaaraad ah la-siin billihii ugu dambeeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada loogu hanjabay in loo-gacan gelin doono Xarakada Al Shabaab, haddii aysan iska bixin lagacaha lagu lee-yahay ee amaah ahaanta ay u qaateen, isla-markaana wuxuu qeexay inay xaalad murugsan soo wajahday Xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye ayaa wuxuu Xukuumadda Dr Gaas uu ku eedeeyay, mid ay iyadu ka dambeysay ceebta xilligaan soo wajahday Xildhibaanada, bacdamaa uu sheegay inay iyadu goysay inaan wax mushaaraad ah la-siin, sida uu yri.

DEG DEG : Dagaal Ahlu Sunna & Ximin iyo Xeeb Ku Dhexmaraya Cadaado

May 28, 2012

Cadaado (WAAJIDPRESS): Wararka ka immaanay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalo u dhexeeya Maamulka Ximin & Xeeb iyo Ahlu Sunna in uu ka qarxay halkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday markii saaka barqadii ay ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeyn degmada Cadaado oo ah xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Dagaalka ayaa la sheegay ilaa hadda in uu socdo, oo la isku adeegsanayo hubka culus, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay, laakin waxa la sheegayaa in uu dagaalka hakad ku keenay dhaqdhaqaaqii Cadaado.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaal uu ku dhexmaro Cadaado Ximin iyo Xeeb , waxana maamulka Ximin uu ku eedeeyay Ahlu Sunna in ay doonayaan in ay qas kawadaan deeganada uu ka arimiyo maamulkooda.

Ma jirro ilaa hadda wax war ah oo ka soo kala baxay Ximin iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna.

Saxiixayaashii Roadmap-Koow Ka Bul Dhaha ( Taxliil Siyaasadeed‏ By: Isaak Hassanow)

May 28, 2012

Waxaan idaacadaha, jaraa’idda iyo mareegaha internetka si xowli ah uga socda qaadacaadda madaxda Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Turkiga.  Labadaan maamul-goboleed kelidood ma ahee waxaa qaadacaadda la qaba waddamada deriska sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo markeedii horeba sameeyey waxa loo yaqaan SAXIIXAYAASHA ROADMAPKA.
Qaadista odayaasha waxay fajacis iyo lama filaan ku noqotay dowladihii dabada ka riixayey barnaamijka saxiixayaasha roadmapka.  Waxay siyaasadii Soomaaliya u rartay meel kaloo aanay ka filaynin.  Waxayna caddeyn buuxda u tahay loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka deriska ah iyo dowladda Turkiga.  Dowladda Turkiga waxay u egtahay inay wadato siyaasad ka tunweyn kana saameyn badan midda ay cayaarayaan dalalka deriska ah.  Waxaan shaki ku jirin in bereten xoog lihi uu jiro, WANG GATHATY WEHELKY MA MIIS WALAALATHAAS.
Haddaba su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay, Maxaa keenaya oo ka dambeeya karka iyo kuleylka Puntland?  Puntland sow ma ahan tii horey ula noqotay odayaashii ka joogay madasha shirka?  Haddaanay iyagu waxba ku lahayn maxaa ka galay cid la qaado iyo cid kale?  Maxay yihiin waxay ka baqayaan?
Jawaabtu waxay tahay, markaan caruurta ahayn ayaa waxaan ku madadaalan jirnay fiidkii ama habeenkii waxa loo yaqaan DIINLEY (googaaleysi).  Googaaleysigaa waxaa kamid ahaa KAAKLEGHO LEY KAAK EREY WALBY KAAK ERAAW KAAK?  Jawaabtuna waa KUTAAB I MAALINSHE.  Puntland iyo Galmudug diidmadoodu waa mid salka ku haysa inay ka daba yiraahdaan wixii macalinkoodu u meeriyo. Dalalka deriska ayaa diidan inay dowladda Turkiga saameyn buuxda ku yeelato siyaasadda Soomaaliya, Puntland iyo Galmudugna waa KUTAABTI. Waxaa taa caddeyn kaaga filan inay sheegi waayeen sabab muuqata oo ay ku diidan yihiin qaadista odayaasha dhaqanka ee dalka Turkiga.
Arinta ugu xiisaha badanse waxay tahay mowqifka madaxda Dowladda Kumeelgaarka ee ku aaddan qaadista odayaasha.  Waxay u egtahay cayaar xiisa badanoo ay cayaarayaan madaxda DFKG si ay u kororsadaan muddada ka harsan dowladdoodaan.  Ma idinla tahay in arin aanay fududeeynin Dowladda KMG ay sidaa saaniga uga dhici lahayd caasimadda Muqdisho?  Mytaawiyaaw?
Waxaan maqli jiray, “HATHEEGI LUKU HATHI OOYTINTIS HINJHIR-HINJHIRU”.  Saxiixayaasha Roadmapka iyo dalalka deriska hadday horey u xadeen ka talinta masiirka ummadda Soomaaliyeed, waxaa iyana maanta ka xaday xariif iyaga ka xariifsane xalaal calayk ha yiraahdeen.

War deg deg ah: Al-Shabaab oo sheegtay in Nashqad Cusub oo Dagaal ah in ay lasoo baxayaan ayna kala jari Doonaan Muqdisho iyo Afgooye

May 28, 2012

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay bilaabi doonaan taatiko cusub oo Dagaal kaa eeku doonayaan in ay ku naafeeyaan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee la wareegay Deegaanada loo barakacay iyo Degmada Afgooye.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ee dhinaca Howlgalada Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Al-Shabaab ee Gobolada Dalka ayaa sheegay in awooda Cadowga wiiqi doonaan ayna lasoo bixi doonaan nashqad Cusub oo Dagaal ah aysan ka seeyn cadowgooda.

‘’Cadawga waan xanuujin doonaa waxaana u adeegsan doonaa Nashqad Cusub oo Dagaal ah oo la yiraahdo Xarbul Cisaabaadka, dagaalka nuucaas ama Taatikadaas ma ahan mid cadowga yaqanaana anaygey noo gaar tahay waana ku naafeeyn doonaan ‘’ ayuu yiri Abuu Musacab

Afhyeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay kala xiri Doonaan Magaalada Muqdisho iyo Afgooye si ay u xiraan saadka ay Helayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee jooga Afgooye eyna go’doomin doonaan.

Hadalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa imaanaya xiili Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ku haminayaan in ay dhul hor leh oo katirsan Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe la wareegaan.

Maxaa ka jira in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka tanaasulay xilkii Gudoomiyenimo?

May 28, 2012

Waxaa soo shaac baxday in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu tanaasul sameeyay, kadib markii uu waa-yahaanba uu diidanaa in uu ka deggo xilka Gudoomiyenimada ee Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, oo maanta wareysi gaar ah siiyay Idaacada Risaala, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka tanaasulay xilkii Gudoomiyenimo.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu gartay sida uu yiri in uu sameeyo tanaasul, maadaama uu sheegay in inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ay kala noqdeen kalsoonidii ay u hayeen, sida uu yiri.

Inkastoo uusan sheegin halka uu Shariif Xasan uu ku sameeyay tanaasulkaan, ayaa wuxuu hadana uu sheegay in uu Shariif Xasan uu ogaa in si Sharci leh loogu sameeyay xil ka qaadista, taasina uu garwaaqsaday markii dambe, sida uu yiri.

Wuxuu tibaaxay inaysan xilligaan sii jiri doonin khilaafaad dambe oo u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, bacdamaa uu sheegay inay meesha ka baxday arintii ay ka dhalatay khilaafaadka, oo uu kala jeedo Shariif Xasan in uu isagu uu xudun u ahaa khilaafaadka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay isugu imaan doonaan kullamadoodiii ay ku yeelan jireyn Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo la-wada xusuusan yahay inay dhawr jeer isu garaaceen Mudanayaasha Baarlamaanka.

Ma-cadda in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sameeyay tanaasul, xilli uu ku maqan yahay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, hase yeeshee tani ayaa waxay ku jirtaa suuqa, oo leeska dhex maraayo in uu sameeyay tanaasul.

Saraakiishii Shabaab oo isaga baxay Balcad iyo Gurmad aad ubadan oo la geeyay difaaca hore

May 28, 2012

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Balcad ee gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay isaga baxayeen Saraakiishii sar sare ee Shabaab.

Gaadiid dagaal oo aad ubadan oo ay la socdaan Saraakiil Shabaab ah ayaa shalay ilaa maanta isaga baxay magaladda iyagoo kusii jeeda Magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Dad lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad.com usheegay in saraakiishii Shabaab sida kuwii magaaladda ka talinayay, Gudoomiyihii Shabaab ee Banaadir, saraakiil cadaan ah ay magaalada ka baxeen iyagoo gaadiidkoodii uqaatay dhanka Magaaladda Jowhar.

Ka bixitaanka saraakiishaas ee Magaaladda ayaa kusoo aadaysa xili Boqolaal askari oo katirsan ciidamada Shabaab ay gaareen Magaaladdaas kuwaas oo aag dagaal oo difaac ah ka furay wadada udhaxaysa Xero Maslax iyo Balcad.

Sidoo kale Shabaab ayaa difaac ka galay wadada isku xirta Afgooye iyo Balcad halkaas oo ay maanta ku jihaysteen Ciidamada iskaashanaya ee dowlada KMG iyo kuwa Amisom.

Xiisado dagaal oo aad ukacsan ayaa ka jira magaaladda Balcad iyadoona dadka deegaanka ay muujinayaan cabsi dagaal oo aad uxoogan.

Shabaab ayaa lagala wareegay Magaa;adda Istiraatiijiga ah ee Afgooye taas oo isku xiri jirtay holwgalkoodii Muqdisho, Sh./Hoose iyo deegaano kale oo Koofurta ah.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.