Feb-28-2007
Siminnaar lagu baranayay anshaxa saxaafadda ayaa manta lagu soo gabagabeeyay Hotelka Naasahablood ee Magalaada Muqdiosho, waxaan siminnaarkaas soo qabanqaabisay Hay’adda Warbaahinta bariga afrika ee EAMIS.
Siminnaarkaan oo loo qabtay 35-suxufi oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya iyo Muqdisho ayaa waxay ku baranayeen muddadii uu socday ee 5-ta casho ahayd anshax-wanaagga Saxaafadda.
Madaxa Hay’adda EAMIS oo soo qabanqaabisay Siminnaarkaan socday mudda shanta maalmood ah C/qaadir Maxamuud Walaayo oo hadal ka jeediyay xiritaanka Siminnaarka ayaa sheegay in saxafiyiinta ka yimid gobollada dalka ay dhammaantood ka barteen siminnaarkaan anshaxa saxaafadda, sidaa daraadeedna looga baahan yahay inay ku shaqeeyaan anshax-wanaagga Saxaafadda. “Waxaan ka codsanayaa saxafi walba oo siminnaarkaan ka qaybgalay inuu ku shaqeeyo si dhexdhexaadnimo ah oo uusan wax gef ah u geysan shaqsi gaar ah, waxaana ku boorrinayaa inay howlaha ay qabanaayan ay ku saleeyaan anshaxa saxaafadda oo ay inta ka barteen” ayuu yiri C/qaadir Walaayo oo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in saxaafadda laga dhowro wax caadif ah.
Mudane C/qaadir Walaayo wuxuu sheegay in saxaafadda ay tahay midda laga doonayo inay indho u noqoto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku soo jiray sidii ay uga bixi lahaayeen, balse ma ahan inay noqdaan kuwo dhibaatooyin hor leh u sii abuura shacabka iyo dalka Soomaaliya oo soo maray xaalado kala duwan oo colaadeed.
“Ha ogaado saxafi walba, haddii carab dalable uu ku hadlo ma aqbali doono hadalkiisaan dalabka leh caqliga fiyow, sidoo kale qalinkaaga haddii uu yahay mid ay maal ka da’ayso dadku ma aqrisan doonaan, balse haddii uu noqdo mid uu ka da’ayo malabka shinnida qof walba waa uu malabsan doonaa” ayuu ka yiri gabagabadii siminnaarka C/qaadir Walaayo oo si weyn ugu dheeraaday sharciyada laga doonayo inuu saxafigu ku shaqeeyo.
Xafladda siminnaarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay buug lagu ururiyay anshaxa saxaafadda oo ay ardayda siminnaarka ka qaybgalay wax ku kordhiyeen, waxaana la sheegay in ardayda shanta casho halkaas wax ku baranayay loo qabin doono si ay sahay uga dhigtaan.