Mar/30/2007
Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii dalka Somalia loogu dhisi lahaa dowlad loo dhan yahay.
War kasoo baxay aqalka cad ee mareykanka ayaa lagu sheegay in mareykanku uu dhiirri galinayo sidii xasillooni looga dhalin lahaa dalka Somalia .
Mareykanka ayaa sheegay in si arrintaasi loo helo uu taageerayo in la soo dhiso xukuumad dhexe oo wax qabad leh oo ay ka qeyb qaataan guud ahaan dhinacyada siyaasadda ee ka jira dalka Soomaaliya.
Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka mareykanka ayaa qoraalka mashruuc ku aaddan arrintan waxa uu u kala diray guddiyo dhowr ah oo kala raacsan labada gole ee odayaasha iyo wakiillada dalka Mareykanka .
Aqalka cad ayaa warbixintan ku sheegay inuu si adag u dhiirri galinayo wadahadal dhinaca siyaasadda ah oo looga gol leeyahay in lagu dhiso xukuumad midnimo qaran oo ay ka qeyb qaataan gabi ahaanba dhinacyada ku loolamaya siyaasadda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Mareykanku waxa uu sheegay in uu kaalmo siinayo dowladda ku meel gaarka Soomaaliya si loo dhameystiro howlaha ciidamada afrikaanka ee nabad ilaalinta ee la keenayo dalka Soomaaliya si xasillooni loogu soo dabbaalo dalka Soomaaliya.
Mareykanku waxa uu sheegay hadafkiisa dhinaca siyaasadda dibadda ee ku aaddan Soomaaliya uu yahay in laga takhalluso cagajugleynta dhinaca argagixisada ah ee kaga imanaysa dhinaca Somalia.