Archive for April, 2007

Is-rasaseyn ay dad ku dhinteen oo galabta ka dhacday Deg.Afgooye

April 30, 2007

30 Apr 07

Saddex ruux ayaa geeriyootay in kabadan 4 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii galabta ay gudaha magaalada Afgooye isku rasaaseeyeen laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Israsaaseyntan ayaa waxa ay u dhexeysaa ciidamada Asluubta dowladda Soomaaliya iyo ciidan kale oo lagu sheegay in ay ilaalo u ahaayeen gudoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye.

Dadka geeriyooday ayaa gabi ahaanba waxa ay yihiin ciidamdii dagaallamayay hase yeeshe waxaa jira dad rayid oo uu dagaalkani dhaawac kasoo gaaray.

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta rasmiga ah ee kadambeysay isku dhaca labadaasi ciidan inkastoo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu fadhigoodu yahay Degmada Afgooye oo HOL u warramayay ay sheegeen in arrintu ay ku dhacday si kadis ah isla markaana aanay oo aan arrimo kale wax xiriir ah la laheyn.

Hase yeeshee dad xog ogaal ah oo aannu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dhacdada maanta ay xiriir la leedahay arrimo dhinaca qabiilka ah iyadoo la sheegay in dhawaanahanba uu is jiid jiid iyo is baadi goob ka dhexeeyay labadaasi beelood.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in mudooyinkanba ay labadaasi beelood isku hub uruursanayeen  isla markaana ay mid walba tan kale il gaar ah isaga eegeysay.

Is rasaaseyntani oo socotay muddo yar ayaa qaboowday kadib markii ay soo kala dhex galeen ciidamada bileyska dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye.

Xaaladda Afgooye ayaa haatan aad u dagan hase yeeshee waxaa jirta cabsi baahsan oo ay qabaan dadka reer afgooye taasoo ku aaddan in ay iska hor imaadyadan oo kale soo laab-laabtaan.

Wafdi ka socda QM oo maanta gaaray Baydhaba

April 30, 2007

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Wafdigaan oo la sheegay inay ka socdaan Hay’ada QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Wafdigaan ayaa ka kooban lex xubnood, iyadoo la sheegay inta ay joogaan Baydhaba inay la kulmayaan mas’uuliyiinta Dowlada KMG ee jooga magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Wafdigaan ayaa la sheegay inay kala hadlaan Dowlada Federaalka dadka qaxootiga ah ee kasoo barakacay magaalada Muqdisho kadib markii ay dagaalo halkaasi ka dhaceen.

Wafdiga ayaa la sheegay inay sidoo kale Dowlada kala hadli doonaan sida ugu haboon oo dadka ka barakacay Muqdisho deeqo QM u gaarsiin laheyd, iyadoo Dowlada KMG ah ee Somalia horey u codsatay in hay’adaha QM la macaamilaan Dowlada.

Imaanshiyada wafdigaan ka socda Hay’ada QM u qaabilsan Qaxootiga ayaa kusoo beegmaya xili gobolada dalka Somalia ay ku dhibaateysan yihiin dadweyne aad u fara badan oo kasoo qaxay dagaaladii Muqdisho ka dhacay.

Ra’iisal Wasaare DF Prof Cali Maxamed Geedi oo ku baaqay in la baneeyo Xarumaha Dowlada

April 30, 2007

 30 Apr 07Muqdisho:-Raisulwasaaraha Df Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegtay in xarumihii dowladii hore ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre, ay isaga guuraa dadka shacabkaa si dowaldu ay ugu hawl gasho.

Geeddi ayaa waxa uu sheegay in hada wxii ka danbeeya maanta ay xarumihii dowladdu yihiin goobo ay is ticimaasho dowlada ku meel gaarka iyo hay’daha kala gadisan ee hoos yimaad.
Pro.Geeddi “Dadweynaha magaalada Muqdisho waa in ay isaga baxaan guryihii” Wasaaradihii,Wakaaladihii,Safaaradihii,xarumihii cidamada ,Saldhigiyadii,Isbitaaladii,Iskuuladii, iyo guryihi shaqaalaha dowlada sida xaafada xamar bile iyo goobo kale oo fara badan” 
Waa masuulkii ugu horeeyey ee ka tirsan DF oo ka dhawaajiya in shacabka magaalada Muqdisho ay faaruqiyaan xarumaha dowlada si dowladu ay ugu shaqayso looguna sameeyo dayactir goobahaas.
Xarumihii dowlada ee kala gadisanaa ee ku yaalay magaalada caasumadaa ee Muqdisho ayaa waxaa dagen dad rayid ah kuwaasoo u isticmaala sidii guryo ay leeyihiin oo kale, iyadoo dadka qaar ayba ja jabiyeen dhismayaashii hore oo ay ka dhisteen dhismayaal cusub.

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan: Muqaawmada waxay bedeshay istaraatiijiyaddii dagaalka.

April 30, 2007

30 Apr 07

Mogadishu - Guddoomiyaha Guddiga fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia, ayaa maanta magaalada Asmara kasoo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda Dalka.

Warsaxaafadeedka ay maanta sida wadajirka ah u soo saareen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekha Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka koobnaa toddoba qodob oo muhim kuwaasi oo looga hadlay xaaladda dalka Somalia, waxayna qodobada warsaxaafadeedka u qornaayeen sidan:

1- Joogitaanka ciidamada ku soo duulay dalka iyo ficillada isir sifeynta ah ee ay kula kaceen dadka soomaaliyeed, loona fuliyay si qorshaysan iyo waxa ka dhashay oo ah dil, burbur , barakac , xarigga joogtada ah iyo boobka hantida dadweynaha waxay muujinayaan in uu dalku ku jiro gumaysi.

2-Iska caabinta shacabka ee barakaysan kuna dhisan naf hurnimada waxay cadawga gaarsiisay khasaarooyin xooggan .

3- Wax iska caabintu waxay badashay istaraatiijiyadeedii dagaal , waxayna qaadatay istiraatiijiyad cusub oo ku haboon xaaladda cadawga. wayna soconaysaa inshaa ALLAH ilaa lagu guulaysto in dalka laga saaro cadawga .

4- In laga tanaasulo iska caabinta iyada oo uu gumaysigii jiro waxay u hiillinaysaa cadowga , waana arrin uusan marnaba aqbalayn shacabka soomaaliyeed .

5-Waxaa lagama maarmaan ah in uu shacabku ku baraarugo qorshaha lagu keenayo ciidamo shisheeye in uu yahay mid lagu xoojinayo gumeysiga dalka qabsaday, taasina waa arin aan marnaba la aqbali karayn.

6- Shacabka soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogaanba in ay joogteeyaan wax iska caabinta aysanna aqbalina heeryada gumaysiga .

7- Waxaan ka xunnahay aamusnaanta beesha caalamka ee ku aadan waxa ka socda soomaaliya iyo xaaladda bani aadminimo ee gaartay meel aan la tilmaami Karin , sidaas darteed ayaa waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay ka qayb qaataan bixinta ciidamada cadawga , nabad galyada dalka , iyo in gargaar degdeg ah lala soo gaaro shacabka soomaaliyeed .

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa  Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Dowladda Federaalka oo la kulantay Odayaashii Beesha Hawiye ee ka soo horjeeday

April 30, 2007

30 Apr 07 

Odayaashii Beesha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Jen. Gabre oo madax u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga.

Kulankaas oo la sheegay in ay labada dhinac uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdii labada dhinac dhexmartay, iyadoo labada dhinac ay isku af-garteen in wada hadal lagu soo af-jaro dhibaatadii iyo dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen.

Afhayeenka Guddigii xabad-joojinta Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac aad isugu soo dhawaadeen, isla markaana ay ka wada qoomameeyeen khasaaraha ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen, hantida badanna ay ku burburtay.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ku ballameen kulamo kale oo ay uga sii hadlayaan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho, isla markaana loo baajin lahaa in ay yimaadaan dhibaatooyin kale, wuxuuna meesha ka saaray in ay Dowladda Federaalka isu dhiibeen oo ay ku qasbanaadeen wada hadallada. Odayaasha Beesha Hawiye ee kulankaas ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Maxamed Xasan Xaad iyo dhowr iyo toban Oday oo kale.

Odayaasha Beesha Hawiye ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed, halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Gaashaanka u daruuray Hadalkii RW Geedi

April 27, 2007

27 Apr 07 

London:-Gudoomiyihii guddiga shuurada ee maxaakimta Islaamiga Sheekh Xasan ayaa warayis gaar ah uu shalay siiyay wargeyska asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London waxaa uu ku baaqay in hogaamiyasha Carbeed ay shir deg deg ah ay ka yeeshan arrimaha Somaliya isla markana ay ku qasbaan ciidmad itoobiya in ay ka baxaan dalk Somaliya.

Waxana uu intaa ku daray in hogaamiyasha Carbeed ay mawqif daacad ah ka istaagan xasuuqyada ay itoobiya kula kacayso shacabka soomaaliyeed.

Wargeyska Ashar qal awsat waxaa uu sheegay in Xasan Daahir uu kula soo xiriiray khadka telefanka isaga oo ku sugan meel qarsoon oo kamid ah gudaha dalka Somaaliya.

Wargeysku waxaa uu sheegay in sheekh Xasan Daahir Aweys uu waxba kama jiraan ku tilmaamay guusha uu Ra’isal wasaare Geedi uu sheegay in ayka gaareen Dagaalkii magaalada Muqdisho.

Waxaana uu sheekhu sheegay in dagaalku uu san weli dhamaan ,dagaal lagu khasaarana aysan micnihiisu ahayn in goobihi dagaalka lagu khasaaray amase la isu dhiibay DF uu ku tilmaamay in ay daba dhilif u tahay Itoobiiya.

Waxana uu intaa ku daray in Somaalidu aysan jihaadka ay kula jiraan Itoob iyanka xooga ku qabsaday dalkoda aysan marnaba joojin doonin ,waxana uu sheegay xalka Somaaliya uusan dhaweyn arrimhuna ay daba dheeran doonan isla markaana ay ka sii dari donan marxalada soo socota.

Waraysiga sheekh Xasan Daahir ayaa daba jooga waraysi uu shalay  Geedi uu  siiyay wargeyska Asharqal awsat uuna ku sheegay in ay ka guulaysteen kooxihi kula dagalamayey Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayo C/laahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

April 27, 2007

27 Apr 07 

Muqdisho:-Madaxweynaha DF Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafti uu hogaaminyo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo duulay xarunta wadanka Ethiopia.

Yuusuf ayaa safarkiisa maanta ku soo aadamey iyadoo xaalada magaalada Muqdisho ay dagen tahay kadib dagaalo 8 maalmood uu ka socday dagaal qaraar oo u dhexeeyey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Df iyo kooxaha diidan joogitaanka Ciidanak Itoobiya.

Cabdulaahi Yuusuf, ayaa lagu wadaa in uu hadal ka jeediyo xarunta madax tooyada Villa Soomaaliya, kaasi oo ku aadan isbadalka ku yimid magaalada Muqdisho.

Xaaladda Muqdisho oo dagan iyo bililiqo ka socota caasimadda

April 27, 2007

27 Apr 07 

Xaaladda goobihii ay dagaaladu ka dhaceen ee shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen ayaa saakay dagan, iyadoo goobo ay ka mid tahay warshadii Coca Cola bililiqo ay ka socoto.

Goobaha maalmihii la soo dhaafay ay isku hardinayeen dhinacyada ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta gaar ahaan deegaanada Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa saakay dagan, iyadoo aanu jirin wax israsaaseyn ah.

Aagagga Hotel Ramadaan, Isgoyska Fagax, Jamhuuriya iyo agagaarka Ex Ctrl ayaan laga maqleyn wax rasaas ah, iyadoo goobahaasi ay sidoo kale ka nasanayaan madaafiic maalmihii la soo dhaafay si toos ah la isku weydaarsanayay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan aagaggaasi ayaa laga dareemayaa feejignaan dheeri ah, iyadoo meelaha qaar lagui arkayo dad tiro yar oo xaafadahooda ku sugan sida agagaarka Suuqa Huriwaa iyo xaafadda Waxar Cadde.

Sidoo kale waxaa la arkayay 50 meeyo dad ah oo maanta dib ugu laabtay xaafadahooda si ay u soo arkaan hantidii uga badbaaday dagaalka.

Waxaa jirta Bililiqo xoogan oo ka soconeysa magaalada Muqdisho gaar ahaan shirkadda weyn ee Coca cola oo la sheegay ilaa maalintii shalay ilaa haatan ay ka soconeyso boob.

Maamulaha shirkaddaasi Bashiir Max’ed Caraale oo qadka teleefoonka aanu kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in ay la xiriireen dowladda KMG ah ee Somalia, isla markaana arinkaasi ay kala hadleen.

Waxa uu sheegay in aysan garaneyn cidda howshaasi ku guda jirta isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay bililiqada lagula dhaqaaqay shirkadda Coca Cola.

Sidoo kale waxaa la bililiqeystay goobo kale oo ku dhow halkaasi. waxaana ka mid ah alaabihii laga qaatay qalab kala duwan iyo gaadiid.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli Ra’isulwasaare Geedi uu shalay ku amray ciidamada dowladda in ay ka hortagaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara muwaadiniinta Somaliyeed isla markaana la joojiyo wax kasta oo bililiqo ah.

Ciidmada Itoobiya oo baaritaan ka bilaabay Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea,

April 27, 2007

 27 Apr 07Muqdisho:-Ciidamada Itoobiya ayaa waxay baaritaano ka bilaabeen xaafado ay shalay qabsadeen waxaana ku weheliya kuwa Df waxaana ay galeen guryaha xaafadaha kala ah Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha.

Dadka dagan xaafadahaas ayaa walaac ka muujiyey baaritaanka ay bilaabeen ciidamada Itoobiya iyaga oo ka baqaya in ay bililiqaystaan hantidooda ama ay u geystaan dhibaato.

Ciidamadii kooxaha Muqaawamada ayaan wili ku jira xaafadah qaar wararka qaarna ay sheegayaan inay baneeyeen goobihii ay ku sugnaayeen qaab xeelad dagaal ah maadaama ay Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DF ay la wareegeen Wadooyin istiraatiiji ah ee ku yaal waqooyiga magaalada Muqdisho.

War Deg Deg ah: Dagaal laysku adeegsaday hub culus oo goor dhaweyd ka dhacay xaafadda Bar-Muuda

April 26, 2007

26 Apr 07

 Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Goor dhaw mar kaliya la maqlay dhawaaqa Rasaasta  Culus iyo waliba Madaafiic ay isweydaarsanayaan Ciidamada Itoobiya iyo  kuwa dowlada oo isku dhinac ah  iyo  kooxaha ka soo horjeeda

Madaafiic culus iyo waliba Rasaas lays weydaarsaday ayaa qaarkood ku soo dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada walow aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaa dhacay,

Dhanka kale waxaa caawa dagan xaafadihii maalmihii aynu soo dhaafnay iska hor imaadku ku dhax-maray dhinacyada is haya, oo intooda badan hada ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

Goobaha ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ayaa waxaa ka mid ah, Fagax, Hotel Ramadaan, Jamhuuriya, towfiiq, Huriwaa, Ex- Koontarool Balcad, iyo waliba qeybo kale oo muhiim u ahaa kooxaha ka soo horjeeda, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in marka la eego  xaafadaha W/Muqdisho oo idil hada yihiin kuwo gacanta ugu jira ciidamda Dowlada iyo Waliba kuwa Itoobiya.

Gacan ku dhigista xaafadaha iyo waliba goobaha muhiimka u ahaa kooxaha kacdoonka wada ayaa dhan marka laga eego la oran karin waxaa ay dhamaan soo afjarayaan dagaaladii ka jiray gudaha caasimada Maadaama wali qeybo ka mid ah magaalada ay ku jiraan xoogaga wax iska caabinta oo mar walba la filan karo dagaalo ka bilaabaan goobaha ay ku sii harsan yihiin, lakiin R/iisul wasaare Geedi ayaa sheegay in dhamaanba la soo afjaray dirirtii ka soctay Caasimada Muqdisho isaga oo dhanka kalna shacabka ugu baaqay in guryadooda ku soo laabtaan.