Archive for May, 2007

Xaafada Gubta oo Galabta baabuur tiknika iyo qooqan ciidaamo ku libisan Tuutada DFKMG ay ka aruursadeen Moobeladii maqayaada CiiseCabdi iyo Taliyahii Ciidamda DFKMG ee Xaafada Gubta oo la qafaashay

May 31, 2007

31 May 07

Ciidamo xoogan watana baabuur Cabdibile ah oo saaran qoriga Dhashiikaha loo yaqaano iyo baabur qooqan ah oo laba shirey ah kuna libisan tuutada ciidamada DFKMG ayaa weerar ku soo qaaday galabta casirkii maqaayada Xinbil kuna taal xaafada Gubta dhinaca garaashta qeybta Ciise Cabdi kuwaas oo ka qaatay 5 moobeel dadkii uu soo shaahiga tagay maqayadaasi.

Sidoo kale waxey ka qaateen Qorigii uu sitay iyo Bistoooladiisii taliyaha ciidamada xaafada Gubta ee DFKMG iyagoona horey u sii kaxeystay taliyayaasi magaciisa lagu magacaabo xiindheere .

Lama oga sababta keentay weerarka xiligaan ay ku soo qaadeen xaafada Gubta ciidamo ku hubeysan baabuurta dagaalka kana tirsan ciidanka DFKMG ,dhacadada ay sameyeen ciidamada DFKMG kuna qafaasheen taliyaha ciidamada DFKMG ee xaafada Gubta ayaa laga yabaa in ay tafaraaruq ka dhex abuuto ciidamada Dowlada madaama ay ku dhisan yihiin Hab beeleedyo .

Magaalada Muqdisho ayaa wax amaan ah ka jirin waxii ka danbeyey la wareegida ay la wareegeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG waxaana dadku ay leyihiin waxaa wanaagsaneyd xiligii ay ka talinaayeen magaalada Muqdisho hoogamiya kooxeedyadii madaama ay sheegayaan in xiliwalba ay socon jireen xiligaana ay Qoraxda inta aysan dhicin ay u hooyadaan qof waliba hooygisii

Dhanka kale xaafada Towfiiq ayaa caawa lagu dhaawacay gabar yar oo 8 jir ah laguna magacaabo Saharo xili ay kooxo tuuga ay gurigeeda horteeda ay hooyadeed iyo Adeerkeed oo loga qaadanaayey Moobeel ka dibna hooyada ku carartay gurigeda oo ka ag dhawa goobta looga furanaayey gabarta hooyadeed ayaa lagu magacaaaba Qamar iaygoona kooxdii tuugada ahaa ay kadaba rideen xabad kadibna ay ku dhaawacntay Sahra yarey iyagoona kooxii tuugada ahaa ay horey ugu sii qaateen Adeerkeed moobeelkii uu sitay , Dhaawaca Saharo ayaa la geeyey isbitaalak Xangul oo kuyaal agagaarka warshada sigaarka iyo Taraqa.

Golaha wasiirada dfkmg oo ku gacan seeray shir dawladda Talyaaniga ay u qabaneyso haweenka Soomaaliyeed.

May 31, 2007

31 May 07

Baydhabo:  Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee DFKMG ee uu hogaaminayay ku simaha Raiisulwasaaraha ahna Wasiirk Maaliyada Dr. Xasan Maxamed Nuur “Shaatigaduud”  ayaa maanta Golaha Wasiirada dood dheer ka dib ku gacan seeray shir dawladda Talyaaniga ay sheegtay in ay u qabaneyso haweenka Soomaaliyeed si loogu dhiiri geliyo door in ay ka ciyaaraan siyaasada dalka.  Sababta ay ku Gacan seereen aya tahay in ay Dowlada Talyaaniga wax xiriir ah ku saabsan casumaadan aysan la soo sameynin DFKMG.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga Patrizia Sentineli oo dhawaan booqasho ku timid magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda uu shir ugu qabanayo haweenka Soomaaliyeed magaalada Roma horraanta bisha June.

Afhayeenka dfkmg Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa u sheegay saxaafada in ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda oo shir guddoominayay kulanka wasiirada uu sheegay in golaha wasiirada ay ka hor yimaadeen hindisaha dalka Talyaaniga maadaama aan la soo marsiin xukuumada dfkmg.

Goobdoon ayaa intaa kudaray in sidoo kale golaha wasiirada uu haatan ka shirayo xeerka saxaafada oo uu soo hordhigay wasiirka warfaafinta ayadoo saxaafada war laga siin doono marka uu soo dhamaado kulankaasi.

English-Maay Dictionary

May 31, 2007

31 May 07

By Mohamed Haji Mukhtar & Omar Moalim Ahmed

Somali people speak quite a number of languages and dialects, Maay and Mahaa being the lingua franca of the majority. In 1972, the latter was put in a written format and became the national language of the country. This experiment alienated the other Somali languages and produced tremendous disenchantment, particularly on the part of the Maay speakers. In 2003, however, the Somali Peace and Reconciliation Conference at Mbegathi, Kenya, acknowledged that Maay will be another official language of the Somali Republic.

This English-Maay Dictionary is the first experiment exploring the roots of Maay language and its relationship to the other Somali dialects as well the Kushitic family of languages in the Horn of Africa. The dictionary provides over 15,000 of the most frequently used words in Maay and their English translations,   with numerous examples of their every day usage.

The dictionary is a vital addition to reference collections supporting undergraduate and graduate programmes on African and Middle Eastern Studies. It is also an essential tool for non-Somali case workers such as those in refugee camps, immigration and naturalization officials or lawyers dealing with Somali asylum seekers. It is equally a vital tool for interpreters and translators working on court cases, hospitals and legal papers as well as for public school teachers on ESL programmes that teach Maay- speaking children in English- speaking countries.

Dr. Mohamed Haji Mukhtar is Professor of African and Middle Eastern History at the College of Liberal Arts and Social Sciences, Savannah State University, USA. His is the author of many scholarly articles and books including Historical Dictionary of Somalia (2003). Dr. Mukhtar, a native Maay speaker, is fluent in Mahaa, English, Arabic, Italian and some Asiatic languages such as Bahasa Malaysia.

Omar Moalim Ahmed is a data processing coordinator at Quality Education Data, a Scholastic Company in Denver, Colorado, USA.  He is a native speaker of Maay and fluent in Mahaa and English. 

               

Category: Reference:

ISBN: 9781905068890 (HB)

Price: $85/£50

Publication date: July 2007

War deg deg ah: Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo oo ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa

May 31, 2007

31 May 07

Kismaayo:-Taliyaha ciidamada Booliska degmada Kismaayo Ibraahim Khaliif Shanfool ayaa xalay ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Kismaayo.

Isku daygan lagu khaarijin gaaray taliyaha ciidamada Booliska ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ceynkiisa ah tan iyo markii uu xilkaasi ka dhaxlay taliyihii hore ee ciidamada booliska Cabdi Gaab oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay isku fureen ilaaladiisa.

Ibraahim Shanfool ayaa u sheegay saxaaada in abaare 8:10-kii fiidnimo xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada laba nin oo hubeysan ay soo weerareen inkastoo uu sheegay inuu ka badbaaday rasaastii ay ku oo fureen dadbleydaasi.

Shanfool waxa uu sheegay in ilaalo badan uusan wadan xiligaasi balse nasiib wanaag uu ka badbaaday isku daygaasi kadib markii ilaaladiisa oo goob farmashi ah waxa uga soo iibineysay ay soo baxday taasoo keentay in ay dableydii ay baxsato.

Dhinaca kale ciidamadii gadoodsanaa ee qabsaday dekada Kismaayo ayaa laga saaray kadib markii waxgaradka beelahooda ay u ballan qaadeen xuquuqdooda, waxaana saaka dib u bilowday hawlihii dekada ka socday.

War deg deg ah: Qarax xalay ka dhacay xarunta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho

May 31, 2007

31 May 07 

Muqdisho:-Qarax ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay xarunta degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaasoo la xaqiijiyay in ugu yaraan hal askari uu ku dhaawacmay.

Ma jirto cid si rasmi ah u garaneyso qaraxaasi waxa uu ka dhashay,hayeeshee warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dadka ku sugan agagaarka xarunta degmada Shibis.

Dadka qaarkood ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay bam ay isku qarxiyeen ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta, halka qaar kalena ay sheegeen in qaraxa uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo tuuray xarunta.

Ciidamo fara badan oo uu horkacayo guddoomiyaha degmada Shibis Abuukar Bandaas ayaa saaka soo gaaray xarunta degmada, waxaana haatan socda baaritaan la xiriira qaraxii xalay ka dhacay xarunta degmada oo si xoogan looga maqlay xaafadaha degmada Shibis.

Guddoomiyaha degmada Shibis ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ka bixiyo qaraxa xalay ka dhacay xarunta degmada, isagoo hadalkiisa ku soo koobay baaris ayaa socota.

Qaraxan ka dhacay xarunta degmada Shibis ayaa ku soo aaday xilli mar kale Maxamed Dheere uu ku celiyay in ay wax ka qabanayaan ammaan darrida ka jirta caasimada kadib kulan uu la yeeshay guddoomiyayaasha gobolka Banaadir.

War Deg Deg ah: Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Bam lagu weeraray

May 31, 2007

31 May 07

Muqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira taliska booliska iyo nabad sugida iyo saraakiil Ethiopian ah ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo intii kormeerkaasi uu waday bam loo dhigay wadada dhinaceeda.
 

Socdaalka Maxamed Dheere uu ku maray degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ujeedkisu yahay sidii abaabul looga sameyn lahaa degmo kasto si loo soo celiyo ammaanka oo ka sii baxaya faraha ciidamada dfkmg iyo kuwa Ethiopia.
 

Maxamed Dheere ayaa khudbado uu ka jeediyay degmooyinkii uu booqday waxa uu ku sheegay in si rasmi ah ay u bilaabeen hawlihii ammaanka Muqdisho, isagoo xusay in waayadan ay ku mashquulsanayeen dhismaha maamulka gobolka balse haatan ay u soo gacmo banneysteen wax ka qabashada ammaanka.
 

Dad badan ayaa isweydiinaya ballan qaadyada soo noq noqonaya ee ka soo yeeraya maamulka gobolka iyo dfkmg ee ku saabsan in wax laga qabanayo ammaanka caasimada xilli qaraxyada ka dhacaya caasimada ay soo badanayaan, waxaana muuqata in ammaanka caasimada uu ka sii darayo marba marka ka danbeysa.
 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Df oo ka dhoofay Muqdisho

May 31, 2007

31 May 07

Muqdisho:-Warar naga soo gaaraya Muqdisho ayaa ku soo waramaya in Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf Axmed uu ka dhoofay Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Thailand

Warar hor dhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in C/laahi Yuusuf uu socdaal ku mari doono Kenya Libya Itoobiya Yemen iyo wadamo kale oo ka tirsan Yurub.waloow aan si rasmi ah loo xaqiijin 

Madaxweynaha DF ayaa ka qeyb gali dona Shirka dalalka SIIN & SAAD oo lagu wado in lagu qabto dalka Libya waxaana horey u joogay dalka Libaya wasiirka Arrimaha dibadda ee DF  Xuseen Celaabe Faahiye oo ka qaybgalaya furitaanka shirka SIIN iyo SAAD.

ADDIS ABABA: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi oo ku sugan Addis Ababa kulammana kula leh Madaxda Ethiopia

May 31, 2007

31 May 07

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo indhawaalaba ku sugnaa dalka Nigeria ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isagoo kulammo kula leh Madaxda dalkaas.

Prof. Geeddi ayaa kaga qaybgalay dalka Nigeria xaflad lagu dhaarinayay Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria, waxaana madaxweynaha loo dhaariyay Nigeria uu noqonaya madaxweyne Muslim ah oo jagadaas loo dhaariyay kaddib doorasho xor ah oo uu ku yimid Abid.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wadaa inuu maanta kulammo la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas isagoo kala hadlaya xaaladda dalka Soomaaliya iyo ciidammada Ethiopian-ka ah ee ku sugan Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxay Ethiopia ka furatay Muqdisho iyadoo xafladdii furitaanka safaaradaas uu ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Seyoum Mesfin, waxaana lagu wadaa in Prof, Geeddi uu kala hadlo Madaxda Ethiopia xaaladda dalka Eritrea ee ku wajahan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wararka laga helayo ilaha ku dhow Ra’iisul wasaare Geeddi ayaa sheegaya in lagu wado in Prof. Geeddi uu imaanayo Muqdisho maalamaha soo socda, waxaana wararku ay sheegayaan in lagu wado inuu kulan kula qaato Nairobi ka hor inta uusan Imaan Muqdisho Madaxweyne Yuusuf.

Bayaan ka soo baxay Shirka Digil iyo Mirifle ee Columbus Ohio

May 30, 2007

30 May 07

Waxaa lagu soo gebagebeeyey Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka shir ay isugu yimaadeen xubno fara badan oo ka tirsan qowmiyadda Digil iyo Mirifle eek u nool waqooyiga Mareykanka, asal ahaanna ka soo jeeday Bay, Bakool, Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose yo Gedo.

Shirka oo socday muddadii u dhexeysay 26 iyo 27 May 2007, waxaa looga dooday qodobo fara badan oo dan u ah qowmiyadda Digil iyo Mirifle, waxaana dood dheer ka dib ka soo baxay qodobada hoos ku qoran:

1.  Waxaan taageereyna Dowladda Kumeelgaarka ah ee Federaaliga ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo soo celinta qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u aragnaa dhsmaha hay’adaha dowliga ah inay tahay arrin muhiim ah oo soo celin karta nabadgelyada guud ee Dalka. Sidaas darted waxaan ku baaqaynaa in muhiimadda kowaad la siiyo dib u soo nooleynta hay’adaha aasaasiga ah sida:

a)    Wasaaradaha iyo hay’adaha hoos yimaada,

b)    Xoogga Dalka Soomaaliyeed

c)     Ciidammada Boliiska

d)    Ciidanka Asluubta iwm.

2.   Waxaa muhiim ah kuna adkeynaynaa Madaxda Dowladda inay ku dhaqmaan axdiga kumeelgaarka ah ee lagu dhisay iskana ilaaliyaan ku xadgudub iyo awood sheegasho keeni karta burbur hor leh.

3.   Annagoo tixgelinayno baaqyadii ka soo baxay Qarammada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika oo ku aaddan joogitaanka Ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya, waxaan ku baaqeyna in la soo dedejiyo ciidammada ay ku yabooheen Dowladaha Afrika si ay u buuxiyaan kaalinta ciidammada Ethiopia loogana hortago in uu faraha ka baxo degganaanshaha iyo wada noolaanshaha dadweynaha Soomaaliyeed.

4.   In Awood qaybsiga lagu heshiiyey shirkii Dibuheshiisiinta Kenya la dhowro laguna dhaqmo layskana ilaaliyo sadbursi iyo caddaalo darro.

5.   Waxaa si buuxda u taageereyna shirka dibuheshiisiinta ee lagu baaqay, annago soo jeedinayno:

a)    Inuu noqdo mid loo dhan yahay’

b)    Inuu isu keeno dadka wax kala tirsanayo’

c)     In qoraal lagu uruuriyo xadgudubyadii loo geystay dadka aan hubeysnayn, lana magdhawo macnawi iyo maaddiba.

6.   Waxaan si buuxda u taageereyna in dalka laga hirgeliyo hannaanka federaaliga ah, lana dedejiyo hirgelintiisa. Qofka soomaaliga ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado, dego ama ka ganacsado meel kasta oo Dalka Soomaaliya ka mid ah, hase yeeshee maamulka iyo talada waxaa xaq u leh dadka asal ahaan u dhashay deegaan kasta.

7.   Waxaan soo dhoweynaynaa maamulka cusub ee laga dhisay gobolka Shabeellada Hoose, annagoo si buuxda u taageereyno xubnaha maamlka cusub oo hiil iyo hooba la garab taagan. Waxaan si kulul u cambaareynaynaa beelaha aan u dhalan gobolka oo ku doodaya inay maamulkaas qayb ku yeeshaan.

8.   Ugu dambeystii waxaan Dowladda Kumeelgaarka ee Federaaliga ee Soomaaliya ugu baaqeynaa inay Jubbooyinka iyo Gedo ka hirgeliyaan maamulo ay leeyihiin dadka asal ahaan u dhashay dhulkaas.

Xubnaha Qabanqaabada:

1.  Malaaq Muqtaar Mohamed Aadan

2.  Suldaan Ibraahim Caliyow Ibrow

3.   Inj Geilani Sheikh Hussein   
Guddiga Qabanqaabada/Ku-xig/Gud/SSU

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Seyoum Mesfin

May 30, 2007

30 May 07 

Muqdisho:-Gudoomiyihii golaha Shuurada ee Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Hassan Daahir Aweys ayaa waraysi uu siiyey Wargayska Al-Sharqalawsat  ayaa waxaa uu Sheikhu ku weeraray hadalkii ka soo yeeray Wasiirkii arimaha dibada ee dalka Itoobiya Seyoum Mesfin oo ahaa “in ciidamadka Itoobiya aysan ka baxayn dalka Soomaaliya”.

Sheekha ayaa ku tilmaamey Hadalka ka soo yeeray Mesfin mid gumaysi oo la rabo in Soomaaliya jiritaan keed lagu xalaashado ,isagoo sheikhu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay dagaal kala hortagaan Ciidanka gumaysiga Itoobiya sida ay dhigayaan xataa qawaaniinta u yaal caalamka ayuu yiri Sheikh Hassan Daahir.

Sheikh Hassan ayaa waraysigaan siiyey Wargayska Al-Sharqalawsat isagoo ku sugan meel Soomaaliya ka mid ah.

Hadalka Sheikha ayaa ku soo aadey ka dib markii uu Wasiirka Arimaha dibada wadanka Itoobiya Mesfin waraysi uu siiyey Wakaalada wararka AFP uu ku sheegay in Ciidanka Itoobiya aysan ahayn kuwa u yimid Soomaaliya inay gumaystaan balse ay u yimaaden inay saacidaan Ciidanka DFKM.

Weerarada lagu qaadayo ciidanka Itoobiya ayaa soo kordhaya iyadoo weerarkii ugu danbeeyey maanta lala beegsadey kolonyo Ciidanka Itoobiya oo dhex marayey Magaalada Baladweyne.

Khasaaraha dhabta ah ayaan ilaa hadda la’ hayn iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in hal gaari oo Uuraale ah laga gubay Ciidanka itoobiya iyadoo markii uu weerarkaan uu dhacay ay Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ay qabqabteen ilaa 40 qof oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.