Waxaa daqiiqado ka hor saakay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka Xamar [Monashiibiyo].
Sarkaalkaan ayaa lagu magacaabi jiray G/Dhaexe Maxamed Muuse Cadow [Ceel Baraf] oo isagu ahaa taliyaha degmooyinka qeybta bari, ayaa waxaa toogasho ku dilay dabley ku hubeysneyd bastoolado, waxaana la dilay isagoo u soo socday shaqadiisa maalmeed.
Daleyda dishay sarkaalkaas ayaa baxasaday markii ay dileen sarkaalkaas, waxaana meydka sarkaalkaan la geeyay gurigiisa, ma aha markii ugu horeysay ee Muqdisho lagu dilo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhinaca kale waa sarkaalkii ugu horeeyay ee ciidamada dowladda hoose ee Muqdisho lagu dilo, waxaana horay ugaarsi ugu socday gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadooda.
Qaraxyo is daba joog ah oo xalay gobo kala duwan oo Magaalada Muqdisho ah laga maqlaayay
Waxaa xalay Magaalada Muqdisho laga Maqlaayay Qaraxyo xoogan, iyadoo mid ka mid ah lagu weeraray saldhigga Galbeed ee degmada Madiina, iyadoo sidoo qaraxyo is xiga ay ka dhaceen isla xalay isgoyska H/wadaag, waxaana qaraxyadaas loo adeegsaday Bambooyin lagu tuuray goobahaas.
Saldhiga Galbeed ee xalay la weeray ayaa la sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Booliska ee halkaas ku sugan, waxeyna xalay qaraxyadaan ku soo aadeen xili uu magaalada bandow saran yahay.
Qraxyo kale ayaa lagu soo waramayaa inay qeybo kale oo Muqdisho ah, iyadoo agagaarka cusbitaalka Carafaat ay ka dhaceen qarxyo xooggan, mana jiraan cid ay u qabteen ciidamada Booliska dowladda fedraalka.
Dhinaca kale qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa isa soo taraya maalmahaan, iyadoo ay soo dhowdaha xiligii lagu balansanaa in la qabto shirweynaha Dib u heshiisiinta oo ay ka harsan tahay oo kaliya muddo 15-cisho ah.