Archive for July, 2007

Xubno ka soo jeeda beelaha Harti Daarood ee Gobolka J/hoose oo maanta Muqdisho kaga dhawaaqay urur.

July 31, 2007

Xubno ka socda Beelaha Harti Daarood ee ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose ayaa kaga dhawaaqay urur Magaalada Muqdisho urur beelaha Harti kulmiya, waxaana ururkaas uu ku dhaleeceeyay madaxda sarsare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka seexdeen wax ka qabashada xaaladda Gobolka Jubbada Hoose ka taagan.

Ururkaan cusub oo lagu magacaabo Guddiga Harti ee Gobolka Jubbooyinka laguna dhisay Muqdisho bishan gudaheeda ayaa waxaa guddoomiye ka ah: Xaaji Cabdi Maxamed (Xaaji Cabdi Yare), xoghayaha ururkaan ayaa ah Sheekh C/raxmaan Maxamed Jabriil, iyadoo uu afhayeen u yahay Ururkaan Caydiid Saleebaan Xaashi.

Afhyeenka Ururka Caydiid Saleebaan Xaashi oo ka hadlay hadafka ururkaan loo aasaasay ayaa wuxuu sheegay in ururkaan loo aasaasay saddex hadaf oo dhammaantood xal u ah Gobolka Jubbada Hoose oo uu sheegay inuu yahay gobol taariikh weyn leh.

Saddexdan hadaf ee loo dhisay Ururkaan cusub beelaha Harti ee Jubbooyinka ayaa lagu sheegay mar shir jaraa’id ay ku qabteen xubanaha sarsare ee ururkaan Muqdisho inay yihiin sidii horumar, nabad iyo dagganaasho looga dhalin lahaa gobolka Jubbada Hoose oo dhan.

Dhanka kale, Afhayeenka Ururkaas Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ka soo jeediyay baaqyo ay qaarkood ku dhaliilayaan dowladda iyo sida ay uga seexatay xaaladda Gobolka Jubbada Hoose, waxaana baaqyadaas ka mdi ahaa:-

1- Waxaan soo jeedinaynaa in dadaal loo galo sidii xal waara loogu heli lahaa Gobolka Jubbada Hoose oo dhan, si gobolka uu u noqdo mid nabadeed oo ka baxa colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan gobolkaas.

2- Waxaan ku dhalliilaynaa Dowldda Federaalka Soomaaliya inay ka seexatay wax ka qabashada dhibaatada ka taagan gobolka Jubbada Hoose, isla markaana aan ku cadaadinayno dowladda inay wax ka qabto arrimaahaas murugsan, waxaan cad in dowladdu ay wax ka qabatay khilaafaadyo la mid ah kan ka dhacay Jubbada Hoose oo horay uga dhacay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, balse ay ka seexatay Dowladdu Gobolka Jubbada Hoose.

3- Waxaan u soo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gudaha Gobolka Jubbada Hoose inay ka waantoobaan dagaalka, ayna wax walba ku dhameeyaan wadahadal iyo nabad.

Dhanka kale, Xoghayaha Ururkaan Sheekh C/raxmaan Maxamed Jabrii ayaa dhankiisa baaq u soo jeediyay beelaha Soomaaliyeed isagoo sheegay in looga baahan yahay beelaha Soomaaliyeed inay meesha ka saaraan yasmada lagu hayo beelaha la hayb-sooco ee Midgaha, Tumaalaha, Yibraha iyo wixii la mid ah, lana simo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeedna laga soo saaro Cahdi lagu tirtirayo hayb-soocaas foosha xun.

Ciiddamadda Ethiopoianka oo maanta dad Ganacsato ah kala baxay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalladda Beled-weyne

July 31, 2007

Ciiddamadda Ethiopianka ee farriisinka ku leh Gobalka Hiiraan, ayaa waxay maanta hawlgal ballaaran ka fuliyeen gudaha magaalladda Beled-weyne, xilli ay dadka deegaanka weli la anfariirsan yihiin duqeyntii ay Ciiddamadda Ethiopianka xalay ka geysteen qeybo ka tirsan Magaalladaasi.Goobjoogayaal ku sugan magaalladda Beled-weyne, oo u waramayey Idaacadda Waajidpress, ayaa sheegay inay Ciiddamadda Ethiopianja oo watay saddex gaari oo Tekniko ah ay isku geddaameen goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalladaasi,  waxayna la baxeen afar gaanacsato oo loo soo far-muuqay,  iyagoo  2-Ganacsade ah kala soo  baxay Bakhaar, halka ay 2-kalena kala baxeen Hotel ka mid ah Hoteelladda ugu caansan Beled-weyne.

Ilo dhinaca Ammaanka, ayaa sheegay in ragga la qabtay lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay Magaalladda Beled-weyne iyo  falkii dhawaan lagu qarxin lahaa Gaari booyadle oo biyo u dhaamin jirey Ciiddamadda Ethiopinka ee farriisinkoodu dhexe yahay Kontoroolka Jente Kuwin-dishe (115-km) ee duleedka magaalladda Beled-weyne.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in raggaasi lagu xiriirinayo Nin Lacag kala soo baxay Xafiiska Canshuuraha ee Kontoroolka Jente Kuwin-dishe ee duleedka Beled-weyne.

Dhinaca kale, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sababaha rasmiga ee raggaasi loo qabtay iyo halka ay Ciiddamadda Ethiopianka ula jiheysteen raggaasi

Geedi, Aadan Madoobe & Masuuliyiin ka socday Talyaaniga, QM oo ka qeyb galay xafladii Maamulka G/ Bakool

July 31, 2007

Bakool:-Ra’iisal wasaaraha DF Cali Maxamed Geedi iyo guddoomiyaha baarla maanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu caleemo saarayay maamulka cusub ee gobolka Bakool.

Khudbad uu Geedi ka jeediyay munaasabadaasi ayuu ku sheegay in maamulka cusub ee gobolka Bakool uu yahay mid shacabka uu soo doortay balse uusan ahayn mid qori caaradiis ku yimid.

Prof. Geedi ayaa u mahad caliyay dawladda Talyaaniga oo dhaqaalo ku bixisay mashruuca maamul u sameynta gobollada Bay iyo Bakool isagoo xusay in dawladda Talyaaniga ay sidoo kale dhaqaalo ugu deeqday shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo isagana ka hadlay munaasabadaasi ayaa ku booriyay maamulka cusub ee gobolka Bakool in uu
u adeego bulshada gobolka.

Sidoo kale munaasabadaasi waxaa goob joog ka ahaa Eric Laroche oo ka tirsan hay’ada UNDP, safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Stefano Dejack iyo masuuliyiin kale. 

Baarlamanka Somalia oo maanta ku kala dareeray mooshin ka dhan ah xukuumadda

July 31, 2007

Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ayaa maanta isku mariwaayay mooshinkii ahaa la xisaabtanka xukuumadda iyo dardar galinta howlaha Baarlamanka, ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.Kulankaan oo ay soo xaadireen in ka badan 168 Mudane ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiye K/xigeenka Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre, iyadoo mudanayaasha ay fikrado kala duwan ka soo jeediyeen halkaasi.

Mudanayaashii ka hadlay maanta ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir K/xigeenka G/dhigga Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in aysan habooneyn xilligaan in la horkeeno baarlamanka mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo isna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda ay mar kale kalsooni weydiisato Baarlamanka.

Sidoo kale mudanayaal kale ayaa halkaasi ka hadlay kuwaasi oo ku kala fikir duwanaa qaabka loo wajahayo mooshinkaan, halka xildhibaano kale oo careysan ay isaga baxeen kulanka.

Guddoomiye K/xigeenka Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu xiran yahay isla markaana la isku soo laabto maalinta Khamiista ah.

Waa kulankii 3aad oo mudanayaasha Baarlamanka ay ku yeeshaan magaalaa Baydhabo oo aan ka soo bixin wax natiijo ah.

Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamanka Kmg sheekh Aadan Madoobe iyo raii’uslwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka qeybgalay Caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee gobolka Bakool oo saakay ka dhacday Degmada xudur ee xarunta gobolkaasi.

War Deg Deg ah: Qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo wadada Banadir

July 31, 2007

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd laga maqlay agagaarka wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha iyo wasaarada maaliyadda ee agagaarka Banadir, iyadoo qaraxa ka dib ay bilowdeen tacshiirado ay fureen ciidamada dowladda.Qaraxaan oo dhacay abaaro 12:50 Pm ayaa loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku leh meel ku dhow isgoyska H/wadaag.

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay qaraxaan, iyadoo qaraxyada ka dib la maqlay rasaas teel teel ah oo ay furayeen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale Qarax xoogan ayaa ka dhacay banaanka hore ee wasaarada arimaha dibadda ee agagaarka isgoyska Banadir, iyadoo qaraxaasi aan la ogeyn wali qasaaraha uu geystay.

Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in ciidamo ka tirsan DF la Maxkamadeyn doono.

July 30, 2007

Maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in Maxkamad la soo taagayo qaar ka mid ah ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay dhac geysteen.

Afhayeenka maamulka gobolka Banadir, Max’ed Muxudiin Cali ayaa Saxaafada u sheegay in la go’aansaday talaabooyinkaan ka dib kulan dhex maray maamulka gobolka Banadir, Taliska ciidanka booliska Somalia iyo kan nabad sugidda.

Waxa uu sheegay in raggaan dhowaan ay soo taagi doonaan Maxkamad Militari oo baari doonta dambiyada lagu eedeynayo, hadii ay ku cadaatana laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga Militariga.

Ma cadda tirada askarta loo hayo eedeymaha la xiriira boobka ay u geysteen dadka rayidka ah, sidoo kale lama shaacin meelaha ay wax ka boobeen iyo waxa ay boobeen inta ay la ekaayeen.

Arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli Qaar ka mid ah maamulayaasha degmooyinka gobolka Banadir ay shalay gudbiyeen cabasho ka dhan ah ciidamada dowladda oo ku aadan in falal amaan darri ah ay ka wadaan degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin.

Mooshinkii la xisaabtanka Xukuumadda Prof Cali Maxamed Geedi oo Mooshin kale la korsaarey.

July 30, 2007

” Mooshinka waa i horyaalaa waxaana ii keeney Xildhibaano, waana idiin soo hor dhigayaa, balse doodan imanka na hortaalo oo ay xildhibaanadu is qoreen marka ay dhamaato ayaan idiin horkeeni doonaa” ayuu yiri Af-hayeenka Baarlamaanka, intaa kadib waxaa inoo suuragashay inaan helno, nuqul ka mid ah mooshinka cusub ee uu Gudoomiyuhu u sheegey Baarlamaanka oo ay habeen-nimadii Jicmcaha ee la soo dhaafey, ku dhowaad 40 Xildhibaan ay ku sixiixan yihiin.

Mooshinka cusub oo cinwaankiisu yahay Xukuumadu inay kalsooni weydiisato Golaha shacabka ayaa wuxuu u qornaa sidatan;-

Mudane Gudoomiye anagoo tixraacayna heshiiskii is af-garadka(MEMORANDUM OF UNDERSTANDING) ee ay wada galeen, ayna wada sixiixdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo Gudoomiyihii Golaha shacabka xiligaas Mudane Shariif Xasan Sh, Aadan , taariikhdu Markey ahayd 5-tii Agousto 2006.

Is-afgaradkaas oo Madaxweynuhu ka hor akh’riyey Golaha Shacabka, kaasoo ku aqbaley aqlabiyad balaaran, sidaasna uu dhaqangal ku noqdey.

Is-afgardkaasi wuxuu xaliyey khilaafkii soo kala dhexgaley Golaha Xukuumadda m,arkii ay is casileen Wasiiro badan, isla markaana wuxuu keeney in la soo dhiso Xukuumada cusub.

Mudane Gudoomiye is afgardkaas ee ay madaxdu wada sixiixdeen Golaha Shacabkuna Ansixiyey, mooshinkuna ku lifaaqan, qodobkiisa ugu horeeya wuxuu qeexayey in Ra’iisul Wasaaruhu xafiiska haynayo mudo Lix bilood ah, si deg deg ahna ku soo dhisayo Xukuumad, una soo gudbinayo Golaha Shacabka Qorsho hawleedka Xukuumaddaas.

Sidaas daraadeed Mudane Gudoomiye annagoo tix raacayna , Is Afgardkaas, markaan aragney qodobada soo socda.

1- In mudadii loogu tala galey Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisuba, inay xilka hayaan ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku heshiiyeen islana sixiixeen, islamarkaana Golaha shacabku Ansixiyey ay 5-bilood ka hor dhamaatey, Golaha shacabka wuxuu xukuumadda ansixiyey 18/Septembar 2006, waxayna lixdii bilood ugu ekeyd 18/Febraayo 2007.

2- In Qorsho hawleedkii xukuumadda loo ansixiyey isla mudadaas uu isna dhamaadey shan bilood ka hor.

3- In Xukuumaddu ay si sharci daro ah xilka ku haysay mudo shan bilood ah.

4- In isla mudadaas ay dalka ku maamulaysay Qorshe hawleed la’aan, iydoo ay dalka ka dhaceen isbedelo waaweyn.

Hadaba Mudane Gudoomiye waxaan soo jeedinaynaa in Xukuumaddaan waqtigii loogu talagalay inay xilka hayso uu ka dhamaadey, ayna Golaha Shacabka soo weydiisato { KALSOONI SIIN } si loo cusbooneysiiyo xilka ama laga gaaro taladii kale ee uu Golaha sharafta lihi u garto.

Mudanayaasha ku sixiixan mooshinkan cusub ee Ugubka ah ayaa waxay kala yihiin:-

1-Maxamed Cusmaan Maye.

2-C/fitaax Sh, Ibraahim Rashiid.

3-C/llaahi Macallin Maxamed (Faax).

4-Faarax Ismaaciil Xuseen.

5- Xasan Cabdi Xiirey (Xasan Deer).

6- Caasho Axmed C/lla.

7-Sh, Nuur Cali Aadan.

8-C/rashiid Cali Cabdulle.

9-C/kariim Naasir Saciid Seef(C/Dheeg).

10-Jen, C/raxmaan Maxamuud Cali.

11-Avv,Axmed Ibraahim Maxamed.

12-Axmed Maxamed Samatar.

13-Shar mar’arke Maxamed Xaashi Gaani.

14-Dr. Cali Baashi Cumar.

15-Yuusuf Maxamed C/qaadir.

16-Dr. Axmed Maxamed Goonle

17-Avv.Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor).

18-Ismaaciil xasan Jaamac.

19- Cusmaan Muqtaar Maxamed (Miirow)

20-Col. Axmed Cumar Jees.

21-Cali Cusmaan Jiddow

22-Col.C/rashiid Aadan C/llahi (Gabyow).

23-Saciid Axmed Maxamed.

24-Ing. Cabdi Buule Xuseen.

25- Faadumo Xasan Cali.

26-Saynab Maxamed Caamir.

27-Caasho Cabdi Sheekh.

28-Xaawo C/llaahi Qayaad.

29-Col.Axmed Xaashi Max’uud.

30-Sheekh Shaacir Sheekh.

31-Cali Aadan Xuseen {Cali Eylow}.

32-Ibraahim Cabdinuur Xasan.

33-Dr.C/raxmaan Cabdi Waarre.

34-Cali Jeyte Cusmaan.

35-Maxamed Dhaqane Cilmi.

Goobaha ganacsiga ee magaalada Marka oo maanta xiran ka dib markii ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka ay maalintii shalay ka geysteen falal dhac ah

July 30, 2007

Ganacsatada magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta goobahooda ganacsi albaabada u laabay ka dib markii ay la soo deristay cabsi iyo wel wel ay ka qabaan ciidamo ka tirsan dowladda federaallka Soomaaliya oo maalintii shalay dhac baahsan ka geystay Suuqa degmadaasi.

Ganacsatada ayaa la sheegay maanta iney hor dhoobnaayeen goobahooda ganancsi, iyadoo ciidamada milateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya oo dheg la qabto aan la laheyna ay gaaf wareegayeen suuqa magaalada Marka iyagoo koox koox u socda, waxaaana suuqa ka muuqday khal-khal fara badan iyo kala carar ay dadku sameynayeen marka ay arkaan ciidamada waxaana gudaha iyo daafaha magaalada Marka laga maqlayaa rasaas ay ciidamada milateriga ridayaan, taasoo aan la garaneyn cida ay la beegsanayaan.

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa horey uga cowday ciidamadan ka tirsan dowladda federaalka oo falal amni daro ah ka waday mudooyinkanba deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, wuxuuna maamulku sheegay in aysan la shaqeyn doonin ciidamadaasi waxayna ka codsadeen wasaarada gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya iney ciidamadaasi ku celiso xeryahooda si aysan dhibaatooyin kale u geysan.

Baladweyne: Madaafiic caawa lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne

July 30, 2007

Inta la og yahay labo qofood ayaa ku geeriyooday tiro kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray madaafiic caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaafiicdan ayaan la ogeyn halka ay ka yimaadeen iyadoo tiro gaareysa afar madfac oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ay ku kala dhaceen xaafado ka tirsan degmadaasi, waxayna geysteen geerida labadaasi ruux iyo tiro dhaawac ah oo aan la ogeyn.

Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi ayaa bilaabay iney isku fidiyaan xaafadaha magaalada Baladweyne iyagoo fiijignaan xoogan ay muujinayaan ciidamadaaasi.

Magaalada Baladweyne oo ah degmo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ka taagneyd amni xumo ayaa hadana waxaa jira qarax shalay lala beegsaday gaari biyo u siday ciidamada Itoobiya balse ka badbaaday gaarigaasi waxaana jira dad loo xer xeray arintaasi.

Garoowe: Isimada Puntland ugu waa weyn iyo wafdi wasiiro ah oo Muqdisho tagaya.

July 30, 2007

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lafilayaa in ay Magaalada Garoowe ka dhoofayaan wafdi ka socda Isimo ugu magaca dheer Puntland iyo wafdi heer wasiir ah oo ka socda dawlad gobaleedka Puntland.

Socdaalka Isimada Puntland ay utagayaan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii ay ugu qeybgali lahaayeen shirka dibu heshiisiinta qaranka beelaha Soomaaliyeed hawshana waxa ay ka danbeysay markii looga fursan waayay tagida xarunta Shirka Muqdisho.

Isimadan ayaa waxaa ka mid ah Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan,Islaan Bashiir Islaan Cabdile Islaan,Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi iyo Isimo kale oo fara badan siweyn looga yaqaano Puntland waxa ay raacayaan wafdi uu hogaaimayo Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed.

Xubnahan ayaa waxaa lafilayaa in fikrado cusub ku biiriyaan shirweynaha qaranka beelaha Soomaaliyeed ayadoo lafilayo in ay Isimadan fadhin doonaan xarunta shirka Muqdisho.

Dhinaca kale wafdi heer wasiir ah kana socda dawlada Puntland ayaa waxaa lafilayaa in ay usocdaalaan Magaalada Muqdisho ,ayagoo safarkoodu ku saabsan yahay sidii ay dawlada Soomaaliya ugala xaajoon lahaayeen waxyaabaha muhiimka u ah xiriirka Puntland iyo kan Faderaalka.

Wafdigan ayaan la ogeyn cida rasmigaah ee hogaaminaysa ,balse warar ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu hogaamin doono Maxamed Cali Yuusuf oo ah wasiirka Maaliyada Puntland.

Waxyaabaha ay kala hadlayaan wasaaradaha dawlada Soomaaliya ee Muqdisho jooga waxaa kamid ah sameynta sharci kala haga dawlada Soomaaliya iyo Maamul gobaleedka Puntland.

Dhamaan masuuliyiintan kala duwan ayaa waxaa lafilayaa in safarkoodu bilowdo ilaa maalinta Khamiistaa,inkastoo aan si rasmi loo aqoon xiliga ay dhoofayaan.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers