War Deg Deg ah: Muqdisho: Qaar ka tirsan ergooyinkii shirka dib u heshiisiinta oo laga saaray hoteeladii

Qaar ka tirsan ergooyinkii ka qeybgalayey shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka socday Muqdisho ayaa laga saaray hoteeladii ay deganaayeen kuwaasoo ka hadlay sababta looga bixiyay hoteelada.

Suldaan Aadan Kuulow Ibraahim Eenow oo ah Suldaanka beesha Jiido ayaa sheegay in 12 xubnood oo ka kala yimid degmooyinka Qoryooley, Kuntawaarey iyo Sablaale laga saaray Hoteelkii ay deganaayeen xili habeenimo ah oo uu weliba jiray bandow ka socday Muqdisho.

Suldaanka ayaa ku eedeeyay guddiga qaban qaabada in ay qaateen amarka wasiirka Saalim Caliyow Ibroow oo isagu ku eedeeyay inuu ka danbeeyay falkaasi lagula dhaqmay ergooyinka beesha Jiido.

Saldaan Aadan ayaa sheegay in C/raxmaan Guulwade oo ka tirsan guddiga qaban qaabada uu isagu dejiyay markii hore Hoteeladaasi balse aanu garaneyn sababta keentay in laga saaro ergooyinka beesha Jiido hoteeladii ay deganaayeen.
Xildhibaanada ku sugan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.