Xuseen Caydiid “Maxaakiimtu kaliya waxay ku qaldanaayeen Dagaalkii Iidaale ee ay ku soo qaadeen dowladda Soomaaliya, taana wey qirteen, anaguna dhinaceena qaladaad ayaa jiray”

 Xildhibaan Xuseen Maxamed Caydiid oo ahaa ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan xilkii laga xayuubiyey ka dib markii uu ka soo horjeestay siyaasadda xukuumada Prof. Geeddi ay ku maamuleyso dalka iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, kuna biiray xubnaha mucaaradka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Eritreya ayaa sheegay inuu jiro qorshe aan aheyn kii hore oo ciidamada Itoobiya ay dalka ku soo galeen, kaasoo uu sheegay inuu ahaa mid gadaal ka yimid oo qilaafsan heshiisku ay labada dowladood wada galeen markii hore.

Xuseen Caydiid oo haatan socdaal ku maraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa intaa ku daray in xukuumada Itoobiya ay bishii Apriil la timid qorshe ay ku dooneyso iney ku burburiso dalka Soomaaliya, kuna xasuuqdo shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo jiray dhibaatada, wuxuuna ku eedeeyey Itoobiya in ay ka baxday qorshihii markii hore lagu soo heshiiyey ee ahaa in marka dalka laga saaro maxkamadaha ay dib ugu laabato dalkeeda.

“Aniga iyo maxaakiimta weligeen xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeyey iguma xad gudbin aniguna kuma xad gudbin, kaliya waxa ay ku qaldan yihiin waxay aheyd dagaalkii Iidaale oo ay ku soo qaadeen dowladda federaalka federaalka Soomaaliya, taana wey qirteen, anaguna dabcan dhinaceena qaladaad ayaa jiray” ayuu yiri Xuseen Maxamed Caydiid oo intaa ku daray inuusan aqbali doonin weligii in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan dalka Soomaaliya shacabka Soomaaliyeedna dhibaato u geystaan.

 

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: