Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in ciidamo ka tirsan DF la Maxkamadeyn doono.

Maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in Maxkamad la soo taagayo qaar ka mid ah ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay dhac geysteen.

Afhayeenka maamulka gobolka Banadir, Max’ed Muxudiin Cali ayaa Saxaafada u sheegay in la go’aansaday talaabooyinkaan ka dib kulan dhex maray maamulka gobolka Banadir, Taliska ciidanka booliska Somalia iyo kan nabad sugidda.

Waxa uu sheegay in raggaan dhowaan ay soo taagi doonaan Maxkamad Militari oo baari doonta dambiyada lagu eedeynayo, hadii ay ku cadaatana laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga Militariga.

Ma cadda tirada askarta loo hayo eedeymaha la xiriira boobka ay u geysteen dadka rayidka ah, sidoo kale lama shaacin meelaha ay wax ka boobeen iyo waxa ay boobeen inta ay la ekaayeen.

Arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli Qaar ka mid ah maamulayaasha degmooyinka gobolka Banadir ay shalay gudbiyeen cabasho ka dhan ah ciidamada dowladda oo ku aadan in falal amaan darri ah ay ka wadaan degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin.

About these ads

One Response to “Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in ciidamo ka tirsan DF la Maxkamadeyn doono.”

  1. c/laahi shaandi Says:

    asc walaale kawaran cafimaadkiina

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: