Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ayaa maanta isku mariwaayay mooshinkii ahaa la xisaabtanka xukuumadda iyo dardar galinta howlaha Baarlamanka, ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.Kulankaan oo ay soo xaadireen in ka badan 168 Mudane ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiye K/xigeenka Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre, iyadoo mudanayaasha ay fikrado kala duwan ka soo jeediyeen halkaasi.
Mudanayaashii ka hadlay maanta ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir K/xigeenka G/dhigga Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in aysan habooneyn xilligaan in la horkeeno baarlamanka mooshin ka dhan ah xukuumadda.
Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo isna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda ay mar kale kalsooni weydiisato Baarlamanka.
Sidoo kale mudanayaal kale ayaa halkaasi ka hadlay kuwaasi oo ku kala fikir duwanaa qaabka loo wajahayo mooshinkaan, halka xildhibaano kale oo careysan ay isaga baxeen kulanka.
Guddoomiye K/xigeenka Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu xiran yahay isla markaana la isku soo laabto maalinta Khamiista ah.
Waa kulankii 3aad oo mudanayaasha Baarlamanka ay ku yeeshaan magaalaa Baydhabo oo aan ka soo bixin wax natiijo ah.
Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamanka Kmg sheekh Aadan Madoobe iyo raii’uslwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka qeybgalay Caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee gobolka Bakool oo saakay ka dhacday Degmada xudur ee xarunta gobolkaasi.
July 20, 2008 at 1:24 am |
Debt Reduction…
checked out the site. good stuff….