Xubno ka socda Beelaha Harti Daarood ee ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose ayaa kaga dhawaaqay urur Magaalada Muqdisho urur beelaha Harti kulmiya, waxaana ururkaas uu ku dhaleeceeyay madaxda sarsare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka seexdeen wax ka qabashada xaaladda Gobolka Jubbada Hoose ka taagan.
Ururkaan cusub oo lagu magacaabo Guddiga Harti ee Gobolka Jubbooyinka laguna dhisay Muqdisho bishan gudaheeda ayaa waxaa guddoomiye ka ah: Xaaji Cabdi Maxamed (Xaaji Cabdi Yare), xoghayaha ururkaan ayaa ah Sheekh C/raxmaan Maxamed Jabriil, iyadoo uu afhayeen u yahay Ururkaan Caydiid Saleebaan Xaashi.
Afhyeenka Ururka Caydiid Saleebaan Xaashi oo ka hadlay hadafka ururkaan loo aasaasay ayaa wuxuu sheegay in ururkaan loo aasaasay saddex hadaf oo dhammaantood xal u ah Gobolka Jubbada Hoose oo uu sheegay inuu yahay gobol taariikh weyn leh.
Saddexdan hadaf ee loo dhisay Ururkaan cusub beelaha Harti ee Jubbooyinka ayaa lagu sheegay mar shir jaraa’id ay ku qabteen xubanaha sarsare ee ururkaan Muqdisho inay yihiin sidii horumar, nabad iyo dagganaasho looga dhalin lahaa gobolka Jubbada Hoose oo dhan.
Dhanka kale, Afhayeenka Ururkaas Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ka soo jeediyay baaqyo ay qaarkood ku dhaliilayaan dowladda iyo sida ay uga seexatay xaaladda Gobolka Jubbada Hoose, waxaana baaqyadaas ka mdi ahaa:-
1- Waxaan soo jeedinaynaa in dadaal loo galo sidii xal waara loogu heli lahaa Gobolka Jubbada Hoose oo dhan, si gobolka uu u noqdo mid nabadeed oo ka baxa colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan gobolkaas.
2- Waxaan ku dhalliilaynaa Dowldda Federaalka Soomaaliya inay ka seexatay wax ka qabashada dhibaatada ka taagan gobolka Jubbada Hoose, isla markaana aan ku cadaadinayno dowladda inay wax ka qabto arrimaahaas murugsan, waxaan cad in dowladdu ay wax ka qabatay khilaafaadyo la mid ah kan ka dhacay Jubbada Hoose oo horay uga dhacay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, balse ay ka seexatay Dowladdu Gobolka Jubbada Hoose.
3- Waxaan u soo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gudaha Gobolka Jubbada Hoose inay ka waantoobaan dagaalka, ayna wax walba ku dhameeyaan wadahadal iyo nabad.
Dhanka kale, Xoghayaha Ururkaan Sheekh C/raxmaan Maxamed Jabrii ayaa dhankiisa baaq u soo jeediyay beelaha Soomaaliyeed isagoo sheegay in looga baahan yahay beelaha Soomaaliyeed inay meesha ka saaraan yasmada lagu hayo beelaha la hayb-sooco ee Midgaha, Tumaalaha, Yibraha iyo wixii la mid ah, lana simo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeedna laga soo saaro Cahdi lagu tirtirayo hayb-soocaas foosha xun.
August 1, 2007 at 2:08 pm |
Waad salaamantihiin akhyaarta Harti salaan kadib, walaalayaal ilaahay hala xasuusto oo xaqdarada hala daayo. Maxaa yeelay idinkana waad ogtihiin Ilaahna waa ogyahay annagana waan ognahay ineydaan Jubada hoose lahayn ee aad marti ku tihiin. Sidaasi darteed xaqqa aan uwada duubano ee aan dhahno Jubada hoose haloo celiyo dadkii lahaa, intaan dhihi lahayn Mareexaan hala qaado ee haloo celiy Harti oo labada midan xaq ulahay gacan ku haynt Jubada hoose “Idinkana waad ogtihiin taa, Ilaahna waa ogyahay, annagana waan ognahay”
March 15, 2008 at 2:31 am |
$anchor$basketball Betting,final Four,final Four Betting,final Four Gambling,final Four Sports Book,final Four Sportsbook,march Madness,march Madness Betting,march Madness Gambling,march Madness Sports Book,march Madness Sportsbook,ncaa,ncaa Betting,…
$anchor$basketball Betting,final Four,final Four Betting,final Four Gambling,final Four Sports Book,final Four Sportsbook,march Madness,march Madness Betting,march Madness Gambling,march Madness Sports Book,march Madness Sportsbook,ncaa,ncaa Betting,nc…