Archive for September, 2007

Dagaal Madaafiic la isku adeegsaday oo ka dhacay duleedka Magaalada Laascaano

September 29, 2007

Laascaano:-Wararka goordhow naga soo gaaray Magaalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta ee DGPL iyo kuwa S/lland ay isku waydaarsadeen Madaafiic deegaanka Abeesaley ee duleedka magaalada Laascaanood oo ay labada Ciidan isku horfadhiyaan.

Magaalada Laascaano ayaa kacsan iyadoo la arkayo Ciidamo farabadan oo taabacsan Puntlland  oo wada dhaqdhaqaaq ciidan halka Odayaasha dhaqanka sida Garaadada  magaalda Laascaanood ay ku howlan yohiin inay dejiyaan ciidamadaas.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in madaafiicda maanta ay is waydaarsadeen labada Maamul ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac walow aan ilaa hadda la xaqiijin karin khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Saraakiil u hadashey dhinac Puntlland ayaa sheegay inay dhaawac iyo dhimasho u gaysteen Ciidanka S/lland inkastoo aan Maamulka S/lland aan wax war ah ka soo bixin ilaa hadda.

Wariyaasha Shabakada Wararka ee Halgan ee ku sugan Puntlland ayaa wada dadaalo ay ku raadinayaa xog iyo warar lagu kal soonaan karo ee ha moogaanin dhawaan Insha Alaahu

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka codsatay Golaha Baarlamaanka in la sii daayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

September 29, 2007

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya waxay uga codsatay in xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun loo eego qaab sharci ah, isla markaana Guddoomiyaha xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo.  Qoraalka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow oo lala soo xiray ay si sharci darro ah ku xiran yihiin, isla markaana eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin. Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in kadib markii ay la tashi la sameysay Hay’adda UNDP ay u soo baxday in uusan jirin wax dhaqaale ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare lunsaday, isla markaana eedeymahaas ay ahaayeen kuwo wax loogu dhimayay Dr. Yuusuf Cali Haaruun. Qoraalka ay Xukuumadda Federaalka u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku xusan codsi ku saabsan in la soo daayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana la eryo Xeer Ilaaliyaha Guud C/llaahi Daahir Barre oo isagu soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare in lunsaday Lacag ay shaqaalaha Garsoorka Mushaar ahaan u siisay Hay’adda UNDP, taasi oo gaareysay 800,000US$ iyo weliba sidoo kale ku takri-fal awoodeed, isagoo si sharci darro ah ku sii daayay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Baydhabo, kuwaasi oo ay ku jireen Rag gacan ku dhiiglayaal ah oo uu xitaa ku jiray nin loo heystay Dilkii Cabdalla Deerow Isaaq oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa muddo todobaad ka badan waxaa uu ku xiran yahay Xabsiga CID-da ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xarigiisana uu iska horkeenay Golayaasha Fulinta iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Khasaaraha Dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo isa soo taraya

September 29, 2007

Waxaa isa soo taraya khasaare ka dhashay dagaal xooggan oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.  Dagaalkii xalay oo xooggiisa uu ka dhacay Saldhigga Degmada Hodan ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamayay. Sidoo kalena, Dagaalkii xalay ayaa waxaa lagu gubay Saldhigga Degmada Hodan kadib markii Ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa ay kala wareegeen Kooxihii hubeysnaa ee soo weeraray, iyadoo sidoo kalena halkaas lagu gubay Gaari ay isticmaali jireen Ciidamada Booliska Saldhiggaas. Kooxaha hubeysan ee la wareegay gacan ku heynta Saldhiggaas ayaa kadib markii ay cabaar heysteen Saldhiggaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis ku xirneyd isaga tegay, iyadoo kadibna ay ku noqdeen Ciidamadii laga ceyrsaday, kuwaasi oo saakay la arkayay iyagoo dhex jooga Saldhiggii oo gubtay. Dadka degan nawaaxiga saldhiggaas ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay arkeen Meydadka askar ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay oo ruux gaarayay, kuwaasi oo aysan suurtagelin in xalay la qaado. Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerarro lagu qaaday fariisimo dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana fariisimada kale ee la weeraray ka mid ahaa Shiirkole, Guul-wadayaasha iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

Sheekh Shariif “Al-Shabaab waxay ka mid yihiin garabyadii golaha maxaakimtu ka koobnaa ee ka qeyb galay shirkii Asmara”

September 29, 2007

“Mar haddii uu shirkii dhamaaday golihii xoreyntana la dhisay talaabada xigta waxay tahay sidii loo sii xoojin lahaa kacdoonka looga soo horkeedo gumeysiga iyo gumeysi kalkaalka dalka ku soo duulay ee qabsaday, in barnaamij siyaasi ah la soo bandhigo in xiriirka caalamiga ah la xoojiyo, isla markaana la ilaaliya sidii uuugu shaqeyn lahaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed dhulkooda iyo caqiidadooda intaba” sidaana waxaa yiri guddoomiyaha Isbaheysiga xoreynta iyo dib u soo noooleynta Soomaaliya ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Asmara ee dalka Eritreya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi dheer siiyey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

Sheekh Shariif ayaa inta aku daray in isbaheysigooda uu joogo gudaha Soomaaliya, uuna ka taliyo goobo aad u fara badan oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho iyo dalka Soomaaliya intaba, isla markaana xubnaha shirka ka qeyb galay intooda badan ay ku wajahan yihiin gudaha dalka si ay ay dardar u geliyaan halganka shacabka Soomaaliyeed looga xoreynayo gumeysiga sida uu yiri.
“Waxaa xaqiiqo ah in umadda Soomaaliyeed aysan aaminsaneyn mabda cilmaaniyada marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo ku raadinaya mansab ay doonayaan iyagoo aan aaminsaneyn, waxaana aminsananahay in dadka Soomaaliyeed dhamaantood ay yihiin dad muslimiin ah cidii markaas la timaada ficil keenaya inuu diinta ka baxona loo baahan yahay in xukun sharci ah la hoos geeyo, laakiin marna aysan suurtalgal aheyn in la yiraahdo hebelna waa cilmaani hebelna cilmaani maahan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayey aragtisiida ku wajahan in dad cilmaaniyiin ah ay wax la wadaageen kaasoo ay qabaan xubnaha garabka hubeysan ee Al Shabaab sida ay hadda ka horba ku faafiyeen websityadooda.

“Al-Shabaab waxay ka mid yihiin garabyadii golaha maxaakimtu uu ka koobnaa, waxayna ka mid yihiin hadda xubnaha ka qeyb galay shirka Asmara, marka haddii isbedelo la sameynayo waa caada in dadka qaar ay siyaabo kale wax ugu muuqdaan xaqiiqaduse waxay tahay iney ka mid yihiin maxaakiimta Islaamka ujeedadana waxay tahay in maxaakiimtu iney mideeyaan inta ka soo horjeeda cadowga dalka ku soo duulay” ayuu yiri Sheekh Shariif oo dhinaca kale sheegay in dowladda Eritreya ay aaminsan tahay in la garab istaago shacabka Soomaaliyeed sidii u gumeysiga isaga dulqaadi lahaa oo isla markaana aysan dheg jalaq u siineyn cadaadiska kaga imaanaya wadamada waaweyn sida Maraykanka.

Baarlamanka Soomaaliya oo ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono xukuumada Prof. Geeddi haddii afar cisho ay ku horkeeni weyso miisaaniyadeeda

September 29, 2007

Waxaa maanta ka dhacay hoolka ADC-da ee magaalada Baydhabo kulankii caadiga ahaa ee xubnaha baarlamanka Soomaaliya, iyadoo kulankii baarlamanka ee maantana uu shir guddoominayey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ah guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulankaasi gebagebadiisa ka hadlay ayaa in xildhinaanadu ay isku raaceen baaq ay u dirayaan xukuumada Soomaaliya oo ah iney muddo afar cisho gudahood ah ku hor keento xilndhibaanada miisaaniyadeeda sanadkan, isagoo sheegay in baarlamanku uu talaabo adag oo uusan carabka ku dhufan ka qaadi doono golaha wasiirada haddii mudada loo qabtay ay ku horkeeni waayaan miisaaniyado.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in xubnaha ka tirsan golaha wasiirada ee aan weli hor imaan xildhibaanada si loo xisaabiyo ay muddo 4 afar cisho gudahood ah ku yimaadaan baarlamanka, wuxuuna tilmaamay haddii ay iyana ku hor imaan waayaan mudada loo qabtay in arintooda loo gudbin doono guddiga anshaxa ee baarlamanka, kaasoo sida guddoomiyuhu sheegay talaabada ku haboon ka qaadi doona kuwa soo xaadidiri waaya oo uu xusay inuusan mid mid u tilmaameyn oo yihiin dad is garanaya.

Baydhabo: Kalfadhiga baarlamaanka oo looga yeeray xukuumadda iyo wasiirada aan lala xisaabtamin

September 29, 2007

Kulankii caadiga ahaa ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeelanayen Baydhabo ayaa maanta looga dooday qodobo la xariira sidii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Geeddi ay u soo gudbin laheyd miisaaniyad sanadeedka loogu talagalay howlaheeda si baarlamaanku ugu doodo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in sadax jeer loo yeeray xukuumadda Prof. Geeddi balse haatan ay u qabanayaan mudo afar maalmood ah iney baarlamaanka ku hor keenaan qoraalka miisaaniyada loogu talagalay xukuumadda hadii ay ku imaan waayaana loo gudbinaya guddiga anshaxa baarlamaanka si tallaabo sharciga waafaqsan ay uga qaadaan.

Kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey Prof. Cali Maxamed Geeddi ayey maanta uga hadleen sidii Baarlamaanka loogu gudbin lahaa miisaaniyada dowladda si ay Baarlamaanku u ansixiyaan.

Dhinaca kale Baarlamaanka ayaa iyaguna u yeeray wasaaraddaha aan weli hor imaan Baarlamaanka ee aan lala xisaabtamin iney iyaguna afar maalmood ku hor yimaadaan baarlamaanka hadii la waayana laga qaadi doono tallaabo cad oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa ka dooday sida ay u arkaan xarigii Guddoomiyihii Maxkamadda Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyagoo ku kala qeybsamay sida uu qabo sharciga.

Xildhibaanada ayaa badankood sheegay iney sharci daro aheyd xariga Guddoomiyaha oo loola dhaqmay sida qof caadi ah ayna habooneyd in sharciga loo maro hadii uu danbi galay halka xildhibaano kale ay ka sarbeebeen in la xeri karo cid kasta oo mas’uul ahna uu sharciga ka sareeyo.

Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Ra’isul-wasaare Geeddi, oo la sheegay in si hoose loo dhameeyey Khilaafkooda

September 29, 2007

Ilo-wareedyo ilaa xad lagu kalsoonaan karo, ayaa waxay sheegayaan inay Saraakiil ka tirsan Dowladda Ethiopia gaacan ka geysteen sidii loo xalin lahaa Khilaaf-siyaasdeedkii soo kala dhex galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo iyagu labadii isbuuc ee ugu dambeeyey  khilaaf dhinaca Maamulka iyo Aragtida ku kala irdhoobay.

Labada Mas’uul, ayaa waxay maanta si wadajir ah uga qeyb galeen Kulankii Golaha Wasiiradda oo lagu qabtay Xaruntii hore ee  Nabadsugidda Soomaalida “NSS”-ta ee magaalladda Muqdishu, iyadoo laga dareemayey inay kaftan siyaasadeed isku dhiibayeen.

Warar Xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan inuu Taliyaha Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia, Jeneral Gabre  uu gacan ka geystay sidii ay Labada Hoggaamiye isaga qancin lahaayeen Khilaafkooda oo saamayn xooggan ku yeeshay Golayaasha Dowladda.

Ma cadda  Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha xeer jajabka ay ka gaareen arrinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka ee haatan xiran, Dr Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed C/qaadir Sheegow, inkastoo ay wararka qaarkooda sheegayaan in la isku af-gartay inuu Madaxweynuhu cafis u fidiyo Mas’uuliyiinta xiran, inkastoo aan arrintaasi la xaqiijinin.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay  Labada Hoggaamiye heshiis ka gaareen xalinta khilaafkaasi, ayaa waxay dad badan is-weydiin karaan  Aayaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. C/llaahi Daahir Barre, oo ay Xukuumadda Federalka xilka ka qaadeen, kadib, markii uu isagu horey u bixiyey amarkii lagu soo xiray arrinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka ee haatan xiran, Dr Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed C/qaadir Sheegow, oo iyagu maalintii 8-aad dhex yurura Xabsi ku yaalla magaalladda Muqdishu.

C/llaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo markii ugu horreysay ka soo muuqday Kulan degdeg ah oo ay Golaha Wasiiradda yeesheen

September 29, 2007

Madaxweyne C/llaahi Yusuuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo iyagu maalmahan xurguf-siyaasadeed u dhexeysay, ayaa maanta waxay si wadajir ah uga soo qeyb galeen Kulan degdeg ah oo ay Golaha Wasiiradda ku yeesheen Xaruntii hore ee Nabadsugidda ee magaalladda Muqdishu.

Kulankii maanta waxay Golaha Wasiiradda kaha xaajoodeen Ajendayaasha dhinacyadda Maamulka, Siyaasadda iyo Nabadgelliyadda, waxaana Kulankaasi goobjoog ka ahaa Wafdi ka socday Dowladda Kuweyt, oo iyagu la sheegay inay Dowladda Federalka gacan ka siin doonaan dhinaca Warbaahinta.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha ee DFKMGS, Md. Maxamuud Sayid Aadan, oo kulankaasi kadib u warmaayey Idaacadda Somaliweyn, ayaa sheegay inuu kulankii Golaha Wasiiraddu ku dhacay jawi wanaagsan, isla markaana laga wada hadlay ajendayaal muhiim ah.

Kulanka Golaha Wasiiradda ee maanta ayaa ah kii ugu horreeyey Madaxweyne Yuusuf ka qeybgalo, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Sare ee DFKMGS,

Dhinaca kale, Ilaaladda Gaarka ee Madaxtooyadda iyo kuwo kale, ayaa maanta la dhigay madasha Shirkaa iyo deegaannadda ku hareeraysan, waxaana dadka iyo gaadiidka laga mamnuucay inay adeegsadaan Waddooyinka soo gala Xarunta NSS-ta oo ku taalla Degmadda Shibis, meel ku dhow Xaruntii lagu qabtay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ee Beelaha Somalia.

Sidoo kale, Ciiddamo aad u xooggan ayaa la dhigay Xarunta Dugsiga Dhexe/Sare ee Saacid  “Ex-Dugsigii Sare ee Sakhaawadiin”  iyo Dugsigii hore ee Nouva Somalia, mana kala cadda inay Ciiddamaddu ku sii nagaan doonaan goobahaasi iyo in kale, iyadoo ardaydii dhigan jirtey Dugsiga Saacid maanta la kala fasaxay markii ay Ciiddamaddu halkaasi yimaadeen.

Faahfaahin ku aadan qasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay wadada isku xirta qabuuraha Barakaat iyo deegaanka Carafaat ee Magaalada Muqdisho

September 29, 2007

Waxaa isi soo taraya qasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay wadada isku xirta qabuuraha Barakaat iyo deegaanka Carafaat halkaasi oo ay isaga horyimaadeen Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxo ka soo horjeeda.

Dagaalkaasi dhexmaray ciidamada xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxahaasi hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa wadada isku xirta jaamacada Muqdisho iyo isbitaalka Carafaat ee degmada Yaaqshiid.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay saaka xaqiijiyeen in la arkayay meydad dhowr ah oo labisan darayska Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo halkaasi yaala iyo waliba gaari cabdiblle ah oo Ciidamaddu ay wateen kaasoo la sheegayo in la gubay.

Iska hor’imaadka ayaa yimid ka dib markii ay gaari ay wateen ciidamada dowlada oo marayay wadadaasi ay soo weerareen kooxo hubeysnaa oo la eegtay weerar gaadma ah

Waxaana la sheegay in labadaasi dhinac ay is waydaarsadeen rasaas aad u xoog badnayd oo qalqal galisay dadka ku nool xaafadaha ka agdhow goobtaasi la isku farasaaray.

Dagaalkaasi oo maqribnimadii shalay yara qaboobay ayaa hadana waxaa la maqlayay rasaas teel teel ah oo ka dhacaysay goobtii lagu dagaalamay ee degmadaasi.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kusugan deegaanka Qabuuraha Barakaat oo ku yaala agagaarka Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ay soo gaareen halka uu dagaalku shalay ka dhacay waxaana saaka ay baaritaano kawadaan deegaanka Tawakal iyo Carafaat ee degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Ciidamo itoobiyaan ah oo shalay maqribkii ka soo baxay garoonka Ciyaaraha ee Stidum Muqdisho oo baaritaano ka waday isgoyska Towfiiq ayaa waxaa lala beegsaday ilaa iyo labo qarax kuwaas oo uu ku dhaawacmay askari katirsan Ciidamada itoobiyaanka halka labo ruux oo kale ii rayid ahna ay dhaawacyo ka soo gaareen sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo marka falkaani dhacayay halkaasi kusugnaa.

Durbaba qoysaskii deganaa xaafadaha ku teedsan halka uu dagaalku ka dhacay ayaa bilaabay barakac hor leh iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto iska hor’imaadkaasi howlgalada Ciidamada ay samaynayaan.

Idaacadda Shabelle oo maalintii 12aad u xiran DKMG ah

September 29, 2007

Idaacadda Shabelle ayaa maalintii 11aad u xiran dowladda KMG ah ee Somalia ka dib markii askar ka amar qaadata taliyaha nabad sugidda oo soo weerartay idaacadda ay amreen in albaabada loo laabo haddii kale ay madaafiic ku garaacaan xarunta, iyadoo rasaastii ciidamada ay ku garaaceen xarunta ay geysatay burbur soo gaaray qalab iyo dhismaha oo lagu qiimeeyay in ku dhow 50 kun oo dollar.Ciidamada dowladda gaar ahaan ciidamada Taliyaha nabad sugidda Max’ed Warsame Darwiish ayaa wali fariisin ay u tahay wadooyinka soo gala xarunta idaacadda, kuwaasi oo rasaas ku ridaya dadka isku daya in halkaasi ay galaan ama ay maraan, iyadoo ay ku adkaatay in shaqaalaha ay saakay dib ugu soo laabtaan xarunta.

Maamulka shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa ku dhawaaqay talaadadii la soo dhaafay abaaro 5:30 Pm in la joojiyo howlihii warbaahin ee shabakadda warbaahinta shabelle amaanka dartiis ka dib markii ay soo dul dageen ciidamo ka amar qaata taliyaha nabad sugidda kuwaasi oo hanjabaado dil iyo handadaado u geystay shaqaalaha shabakadda warbaahinta shabelle.

Ciidamada dowladda ayaa rasaastii kala duwaneyd ay ku rideen idaacadda waxa ay geystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo qalabka rasaastaasi ay burburisay iyo dhismaha qiimahiisa lagu qiyaasay in ku dhow 45 kun oo dollar.

Maamulka shabakadda warbaahinta shabelle ayaa ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo Q.M in ay soo fara galiyaan arimahaan iyo dhibaatada ciidamada dowladda ay ku hayaan warbaahinta madaxa banaan ee ka howl-gasha gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wali waxaa jira rasaas ay ciidamada dowladda ka agridayaan xarunta idaacadda, iyadoo aanu jirin cid gali karta xarunta, waxaana taasi ay keentay in shaqaalaha ay gali waayaan xarunta.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda ay xoog ku soo galeen xarunta kuwaasi oo kaxeystay ilaa 19 ka mid ah shaqaalaha idaacadda, isla markaana ugu hanjabay in ay dilayaan.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa hadana ciidamada dowladda ay weerar ula kac ah ku soo qaadeen idaacadda, iyadoo dariishad walba ay ku garaaceen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud iyo lidka diyaaradaha sida qoriga Dhashiikaha, inkastoo shaqaalaha ay ka badbaadeen rasaastaasi ayaa hadana wariyeyaasha ay ku adkaatay in ay ka baxaan xarunta, iyadoo saacado ka dib wariyeyaasha ay u suurto gashay in ay ka baxaan xarunta.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers