War Deg Deg ah: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Baydhabo gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen.  Wafdigaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Dalxiisa Itoobiya Maxamuud Dirir ayaa haatan waxay kulamo kula leeyihiin Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu ku guda jira todobaadyo uu ka fiirsanayo mas’uulkii uu u magacaabi lahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Wafdigan ka socda Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore waxay Baydhabo u tageen sabab la xiriirta khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo khilaafkii ugu dambeeyay oo dhexmaray uu keenay in uu is-casilo Prof. Geeddi. Is-casilaadda uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeysay Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa haatan wuxuu socdaalka wafdigan ka socda Dowladda Itoobiya ku soo beegmayaa iyadoo la sheegayo in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka wado Magaalada Baydhabo la-tashiyo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in haddiiba is-casilaadda Ra’iisal Wasaarihii hore ay ka timid Dowladahaas ay hadana lug ku yeelan doonaan soo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, hayeeshee la arki doonee sida ay wax noqdaan todobaadyada soo socda.

About these ads

One Response to “War Deg Deg ah: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Baydhabo gaaray”

  1. SHEIKH JEYLAANI Says:

    CABDULLAHI YUUSUF WAX UU MAGACAABI KARO MA JIRTO EE WAA LOO SOO GUDBINAYAA MAGACA AY RABAAN AMXAARADA.

    WAXAA KALE EE LOO SHEEGAYAA HAWL-GALLADA KALE EE LAGA DAMACSAN YAHAY IN LAGA FULIYO SOMALIA .

    SHACBIGA YAAN LA INDHA SARCAADIN EE WAA IN RUNTA LOO SHEEGAA.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: