Wakiilka Qaramada Miidobey ee Somalia oo Baydhabo gaaray, kulan la qaatay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha & Dr. Shaatigaduud

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka ayaa wada hadalo la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo dhinac taagnaa Ra’iisal Wasaarihiisa cusub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) & Wasiirkii hore ee Maaliyada Dr. Shaatigaduud waxayna ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo mida bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya.

Kulankan oo xiiso gaar ah u lahaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Cadde oo bartay diblomaasi Caalami ah tan iyo markii ugu horeysay oo la magacaabay Nuur ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn looga wada hadlayay xaaladda nabadgalyo ee dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ergeyga Qaramada Midoobay fariin soo gaarsiiyay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Cadde & Wasiirkii hore ee Maaliyada Dr. Shaatigaduud

Wafdigan oo ka yimid Magaalada Nairobi ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ku laabtaan isla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

About these ads

One Response to “Wakiilka Qaramada Miidobey ee Somalia oo Baydhabo gaaray, kulan la qaatay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha & Dr. Shaatigaduud”

  1. Adan Shire Says:

    WAKIILKA QM EE SOMALIA WUXUU FARAHA LA GALEY DEMBIYO DAGAAL OO FOOL XUN OO KA DHACAYA SOMALIA, WAXAANSE DAREEMAYAA INUU MARKA AY UGU YAR KA MARKHAATI FURI DOONO MAXKAMDDA QAADI DOONTO DACWADAHA LAGU SOO OOGI DOONO 275 IYO INTII LA SHAQEYSATO OO UU HORMUUDKA KA YAHAY CABDULLAHI YUUSUF.

    WACAD AYAAN KU MARAYAA IN AY ARRINTAASI DHICI DOONTO INSHA ALLAH MAR DHOW.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 35 other followers

%d bloggers like this: