War Deg Deg ah: Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo kala direy Maamulkii gobalka Baay

Baydhabo- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Xaruntiisa Baydhabo ka soo saarey Warqad uu Shaqada kaga joojiyey dhamaanba Maamulkii gobalka Baay iyo kii degmada Baydhabo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sheegay Warqadan in ay arintan ka danbeysay markii uu cuskaday Axdiga dowlada Faderaalka ee Soomaaliya,isla markaana tixgaliyay Cabasho & Talo uga timid Siyaasiinta gobalka Baay ,Waxgarad iyo Malaaqyada Beelaha ku dhaqan gobalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ku amray dhamaanba Xubnaha Maamulada Baydhabo iyo kan gobalka Baay in ay joojiyaan Shaqada ay hayaan ,ilaa amar danbe oo ka soo baxa hay’adaha Dastuuriga ee dowlada Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Madaxweynuhu shaaciyay in khilaafka soo kala dhexgalay maamulada ka jira Baydhabo iyo kan gobalku keentay in ay Istaagaan guud ahaan howlihii degmada Baydhabo iyo kuwii gobalka,loogana baahan yahay Xubnahaasi in ay dhameeyaan khilaafka udhaxeeya.

Warqadaan oo ku saxiixnaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegantay maalmo qura ka dib markii ay samada isku shareereen Khilaafka udhaxeeya golaha deegaanka ee degmada Baydhabo Iyo Gudoomiyahooda taasna waxa ay lugu eedaynayaa faragalin uga timid Maamulka gobalka Baay.

About these ads

One Response to “War Deg Deg ah: Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo kala direy Maamulkii gobalka Baay”

  1. YAAKUNTE Says:

    CABDULLAHI YUUSUF WUXUU BANEYSAN RABAA INUU KU TUNTO AXDIGA LAGU SOO MAGACAABEY DAWLADDA UU U YAHY MADAXWEYNAHA BALSE AYSAN WELIGEEDBA HAYSANIN RABITAANKA SHACBIGA.

    WAA NIN GOYNAAYO LAANTA UU KA SAARAN YAHAY GEEDKA SOMALIA LA ORAN JIREY OO ABOORKA TABAALEEYEY.

    WUXUUNA LA MID YAHAY NIN SOCON LA’ OO MAR KASTA KU TAAHA INUU ORDI RABO.

    WAXAANU LEENAHAY ADEER DHOWR SHARCIGA IYO AXDIGA LAGU SOO DHOO-DHOOBEY NAIROOBI OO SOCON LA’.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: