Archive for December, 2007

Madaxweynayaasha Faransiiska Iyo Masar oo ka wada xaajooday Arimaha Soomaaliya

December 28, 2007

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee dowlada Masar ee loo yaqaano MENU ,waxaa wada hadalo yeeshay Madaxweynayaasha dalalka Faransiiska iyo Masar ,ayagoo ka wada hadlay xaaladaha kala duwan ee xiriirka labada Wadan iyo Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa sheegay in ay dowladiisu taageersan tahay dadaalada dibu heshiisiineed ee ka socda dalka Soomaaliya ,isagoo tibaaxay in looga baahan yahay dowlada Caalamka in ay taageero siiyaan dowlada Soomaaliyeed si ay ugaarto howlaha baaxada leh ee horyaala.

Madaxweynaha Masar ayaa canbaareeyey dagaalada iyo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ,wuxuuna nasiib daro ku sheegay dagaalo waqtigan ka dhaca dalka Soomaaliya ,isagoo ugu baaqay Kooxaha dowlada Soomaaliyeed ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada & Rabshadaha ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay Qof walboo Soomaaliyeed in uu masuuliyad muujiyo si ay dalka Soomaaliya uga saaraan dagaalada iyo Rabshadaha aan laheyn meel ay hiigsadaan ee maalin walba ka dhaca ,isagoo markaasina si gaar ah ugu baaqay Madaxda dowlada Soomaaliya in ay muujiyaan tanaasulaad dheeri ah.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in ay dowladiisu soo dhaweyneyso dadaal walba oo nabad loogu raadinayo dalka Soomaaliya ,isagoo markaasina walaac xoog leh ka muujiyey dagaalada iyo Rabshadaha ay sheegeen in ay ka dhacaan Soomaaliya meelo ka mid ah.

Madaxweynaha France ayaa siweyn uga hadlay Waxyaabaha aan Soomaaliya ka dhici jirin ee dhawaan ka bilowday ,isagoo farka ku fiiqey Afduubka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Puntland oo uu sheegay in ay tahay wax laga naxo.

” Waxa ay ila tahay Soomaaliya umalaheyn Sinjiyad Afduub la afduubo dadka utagey howlaha Samafal ,gaar ahaan gobalada Waqooyi bari ee dalka Soomaaliya hadana la yiraahdo Puntland waxaana dhihi karnaa waa kuwa ay ka danbeeyaan gacmo Shisheeye” Ayuu yiri Madaxweynaha France.

Shirkaan ay wada qaateen Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Masar ayaa sidoo kale lugu soo qaaday arimaha Lubnaan ,Falastiin ,Daafuur iyo Xiriirka ka dhaxeeya Labadaasi wadan ,ayagoo markaasi ka dibna kala saxiixday heshiis ganacsi oo dhexmaraya dowladaha Faransiiska iyo Masar.

Waa markii ugu horeysay oo ay wada xaajoodyo ku saabsan Arimaha Soomaaliya yeeshaan Madaxda Xukuumadaha Qaahira & Paris ,balse sida ay sheegtay MENU Wada xaajoodyadan waxaa diirada lugu saaray Arinta Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ah qaab qabiilka 4.5 oo bilihii ugu danbeeyey tababaro uga socdeen dalkaasi Burundi ayaa todobaadkan soo gaaray dalka Soomaaliya ,ayagoo ka soo dagey Magaalada Baydhabo.

December 28, 2007

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyey tababaro uga socdeen dalkaasi Burundi ayaa todobaadkan soo gaaray dalka Soomaaliya ,ayagoo ka soo dagey Magaalada Baydhabo.

Ciidamadan oo aan tiradooda la aheyn ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo qaadanayey tababaro ku aadan sidii ay ula dagaala milahaayeen Kooxaha Magaalooyinka ku dhex dagaalama.

Ciidamadan ayaa tababarada waxaa siinayay Saraakiil Khibrad uleh dagaalada sida looga hortago iyo Ilaalinta wadan mudo dowlad la’aan ahaa ,Maadaama dalka Soomaaliya aysan dowlad ka jirin.

Garoonka diyaaradaha markii ay ciidamadan ka soo dageen waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Taliyaasha ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayagoo Saraakiishiisii ciidamadaasi horkacayso ay gaareen Magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey uga codsatey dowladaha Africa iyo Beesha Caalamka in tababaro lasiiyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,si ay amaanka dalka ugala wareegaan ciidamada Shisheeye ee uyimid wadanka Cawinta dowlada Soomaaliya.

Xukuumada Burund-ina waxa ay horey usheegtay in ay tababaro Casri ah siineyso ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayna ciidamo nabad ilaalin ah geyneyso dalka Soomaaliya ,ayagoo qeybahoodii ugu horeeyey todobaadkii hore ay tageen Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

Tababaradan kala duwan ee ay soo qaateen Saraakiishan Soomaalida ah ayaa la filayaa in mudooyinka dhow laga dareemo dalka Soomaaliya oo dhan ,gaar ahaana goobaha ay dowladu hada amaankooda sugeyso ee ay ka mid yihiin Caasumada Soomaaliya ee Xamar.

Mahan markii ugu horeysay oo tababaro ciidamo Soomaaliyeed oo soo qaatey ay tagaan Magaalada Muqdisho ,ayagoo maalmihii ugu danbeeyey Magaalada ay tagayaan ciidamada Itoobiya kala wareegaya amaanka Muqdisho.

Dowlada Federalka Somaliya oo ku dhawaaqday in ay Ciidamo u dirayso Magaalada Kismaayo

December 28, 2007

Warar xog-ogaal ah aanu helnay ayaa sheegayo in Dowlada Federaalka Somaliya ay wado olole balaaran oo ay Magaalada Kismanyo Ciidamo ugu diri laheed. Xiriir aanu la samaynay masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ee soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyeen in dhawaan la rajeenayo in loo diro ciidamo iskugu jiro kowa xooga dalka iyo kuwa nabad Ilaalinta Itoobiyaanka oo ku soo caliyo gacanta Dowlada magaalda Kismaayo.

Masuuliyiintan waxay intaasi kudareen in Dowlada ay og tahay in qaar ka mida ururkii maxaakiimta oo xoog leh ay ku sugan yihiin Magaalada Kismayo. Dhinaca kalana warar aanu ka helnay magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay magaaladu ka socoto abaabul ay haraadigii maxaakimiintu dhalinyarada magaalada ku qoranayaan, si hadii Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa nabad Ilaalinta Itoobiyaanka ay yimaadan oo ay ula diriraan.

Sidoo kale magaalada Kismaayo waayahandanbe ayaa laga soo sheegayey in boobka iyo dhaca hantida shacabka Magaaladu uu noqday mid joogta ah, iyada oo wali ilaa iyo haatan Dowlada Federalka waxna aysan ka qabatin dhibaatadan shacabka kismaayo loo gaysanayo.

Dowlada federaalka ayaa waxaa khasab ku ah in ay ka shaqayso nabadgalyada shacabka magaalada Kismaayo ku sugan.

War Deg Deg ah: War deg deg ah Taliyahii Siinka dheere iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo la dilay

December 28, 2007

 Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in goor dhaw la khaarijiyay Taliyihii siinka dheer Aadan Cabdulle Weydow iyo mid ka mid ah ilaaladiisa xili ay ku sii jeeday Degmada afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay KM,13,waxaa fuliyay kooxo ku hubeysan baskoolad tiradooda lagu khayaasay 2 nin ,ayadoona markii dambe ay baxsadeen kooxaha dilka u geystay Taliyahii siinka dheer Aadan Cadulle Weydow iyo mid ka mid ah ilaaladiisa sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka,
Lama oga sababaha ka dambeysa dilka Taliyaha waxaana tani ay ka qeyb tahay u gaarsiga lagu haayo Saraakiisha ciidanka DFKM iyo dadka la shaqeeya DFKM.

Sheekh Aadan Madoobe”Booliska Waa Laf dhabarka Amniga dalka, laakiin ma aha in ay noqdaan”

December 28, 2007

Gudoomiyaha baarlamanka ahna Siihaya xilka Madaxweynha Dowladda Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay yihiin laf dhabarta amniga guud ee dalka sidaa daraadeedna loo baahanyahay in ay laba laabaan dadaalkooda ku aadan Sugida amniga iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

Hadalkaan ayuu Gudoomiyuhu ka sheegay xilli uu maanta lahadlayay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Baydhabo oo ay hogaaminayeen Saraakiisha iyo Madaxda sarsare ee Ciidamada Booliska oo uu ka mid ahaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye guuto Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Sheekh Aadan ayaa kahadlay marxalada uu maanta dalka ku suganyahay iyo sida lagama maarmaanka utahay in Ciidamada booliska Soomaaliyeed ay doorkooda kaga aadan kaqaataan sida horeyba loogu bartay Sugidda amniga qaranka si loogu guuleysto dhaqangelinta iyo meelmarinta qorshaha dowlada Federaalka eek u aadan nabada iyo Xasiloonida dalka.

Godoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu ka waramay xilka iyo Waajibaadka ciidamada Booliska kaga aadan u adeegida Bulshada Soomaaliyeed iyo kasamata bixinta dhibaatooyinka xiligan dalka ka taagan, oo ah muhiimada guud ee dhinaca amniga Qaranka, wuxuuna ku adkeeyay inay si daacad ah ugutaan waajibaadkooda islarkaana gacan bir ah ay ku qabtaan kooxaha carqaladeynaya degenaanshaha dalka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Generaal Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid oo gudoomiyaha kahor ka hadlay goobta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay had iyo jeed heegan uyihiin inay gudashada wajibaadkooda qaran ee ku aadan sugida amniga iyo u gargaarida bulshada tabaaleysan.

Isagoo xusay inay jiri karaan carqalada ka hor imaankara gudashada waajibaadkooda balse ay arintaasi uga gudbayaan iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ay lala leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobta ay hadalkaan kajeediyeen oo ahyed Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale goobjoog kahaa xildhibaano katirsan golaha Baarlaman iyo Saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Booliska.

War Deg Deg ah: Kolonyo gaadiid ah oo uu watay taliyaha ciidanka Booliska oo qarax Miino lagula beegsaday degaanka Ceelashabiyaha iyo Askari oo lagu dilay isla degaankaas

December 28, 2007

Mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo uu watay taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa barqonimadii maanta qarax Miino lagula beegsaday inta u dhaxeya Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaana degaanka KM 13 (Ceelashabiyaha) oo ay u barokaceen kumanaankun oo shacab ah.

Qaraxan Miino ayaa sigay gaari ay saarnaayeen kooxda fanaaniinta ee Heegan oo ay saarnaayeen qaar ka mid ah fanaaniinta iyo weliba qalabkoodii ay garaaci jireen, waxaana la sheegay in qaraxani aanu wax qasaare ah soo gaarsiinin kooxdaasi iyo ciidankii kale ee Booliska ee ka mid ahaa kolonyada gaadiid ah.
Goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay ka qodan tahay haadaan weyn maadaama uu aad u xooganaa qaraxaasi, waxaana qaraxani uu khal khal weyn geliyay kumaankun ee ku barokacay degaankaasi, kuwaasoo wadnaha farta ku haya, maadama ay markoodii horeba ka soo barokaceen rabshaddaha ka jira magaalada caasimadda ah ayna halkasai doorbideen.

Dhinaca kale, waxaa maanta lagu toogtay degaanka Ceelashabiyaha labo ka tirsan askarta canshuuraha ee degaankaasi ceelashabiyaha, waxaana ka mid ahaa taliyihii ciidanka canshuuraha ee degaanakasi oo lagu magacaabi jiray Aadan Cabdulle Weydow kana tirsanaa ciidamada jooga fariisinka Siinka dheer, waxaana toogtay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo rasaas madaxa kala dhacay iyagoo isla goobtiina ugu geeriyooday.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Boosaaso

December 28, 2007

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii lagu qaaday koox ku shir saneyd guri ku yaala dhiinaca Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo bam gacmeed lagu tuuray gurigaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Sideed qofood oo midi haweeney tahay inta kalena rag ay ahaayeen, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso.

Wararku waxay sheegayaan in raggan ku sugnaa guriga la weeraray ay ahaayeen xubno taageersan Ururka ONLF ee ka dagaalama deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isla markaana weerarkooda uu yimid xili ay ku shirsanaayeen guri ku yaala xaafada Biyo Kulule ee dhinaca bari Boosaaso.

Dhamaan dadka dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen Soomaalida dhulka ismaamulka Ogaadeen ee kililka shanaad, kuwaasi oo qaarkood qaab ganacsi ku soo gala Puntland sida uu sheegay mid ka mid ah raggii ku dhaawacmay qaraxaasi oo diiday in magaciisa la xusi, isagoo intaa raaciyay in uu ka ganacsado Ariga.

Dadkan ayaa sheegay in aysan garaneyn cida soo weerartay balse maamulka Puntland ayaan ilaa iyo weli wax war ah ka soo saarin weerarkaan bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa magaalada Boosaaso waxaa ku soo kordhayey falalka amaan daro ee ay geysanayaan maliishiyooyinka hubeysan kuwaasi oo qalqal gelinaya amniga deegaanada Puntland, iyadoo xiligan kooxo hubeysan ay afduub ku heystaan shaqaale ka tirsan hey’adda MSF Spain.

Meydad laga helay goobo shalay ilaa iyo Xalay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho.

December 28, 2007

Meydadka Afar ruux oo rayid ah ayaa waxaa saaka laga helay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, halkaasi oo shalay ilaa xalay gelinkii dambe ay ku sugnaayeen.

Afarta meyd ee saaka laga helay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa la sheegay in ay shalay toogteen ciidamada Itoobiyaanka xili lagu weeraray deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo Afartaas ruuxna ay ahaayeen Dad degan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Deegaannada u dhow, waxaana xusid mudan in meydadkaas ay ka muuqdeen rasaas iyo beynaad lagu dilay.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay xalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Deegaanka Suuqa Xoolaha iyagoo dib ugu laabtay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax oo ay markii hore ka soo baxeen, iyadoo saaka ay deegaankaas ay si tartiib ah ugu soo noqonayeen dad shalay halkaas ka cararay.

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xeradii Maslax ayaa waxay xireen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyadoo taasina ay keentay in ay istaageen gaadiidkii rakaabka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba gaadiidkii caanaha keeni jiray.

Xirnaashaha Wadadaas ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwo ku tiirsanaa Caanaha laga keeno Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay Degmada Balcad ka mid tahay, waxaana shalay iyo maanta la arkayaa Hooyooyin badan oo ka cabanaya caano la’aan la soo deristay Caruurtooda.

Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna dadka deegaankaas sheegeen in sababta ay halkaas u yimaadaan ay tahay iyagoo doonaya in ay gudubsadaan sahay uga imaaneysa qaar ka mid ah talisyada kale ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

28 December 2006 dii ayay ahayd markii Ciidamada Itoobiya oo barbar socda Dowladda Soomaaliya soo galeen Caasimadda Muqdisho, waxaana qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ka socda dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Kacdoonka kaga soo horjeeda.

Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Guriceel oo isaga baxay siina daayay labadii

December 28, 2007

Wararka naga soo gaaraya degmda Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Askarta Itoobiyaanka ee halkaasi ku sugani ay sii daayeen labo nin oo ganacsato ah kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa milkiilihii shirkadda Beder ee Guriceel kaasoo ay habeen hore ka qabteen goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen.
 
Askartan Itoobiyaanka ah ayaa sii daayay labadaasi nin, iyadoo aan la sheegin sabab ay markii hore u qafaasheen iyo sababta haatan keentay inay sii daayaan, inkastoo ay jireen dedaalo ay sameeyeen odayaal iyo waxgarad degaanka ah oo uu wehlinayay guddoomiyaha gobolkaasi Galgaduud Cali Sheekh.
 
Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helno degmadaasi ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaasi ku sugnaa ay isaga huleeleen gebi ahaanba iyagoo wata gaadiidkoodii dagaalka iyo Uuraaladii ay ku daabulan jireen ciidamada,lamana garanayo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya ka bixitaanka degmadaasi ee ciidankaasi Itoobiyaanka ah.
 
Mas’uul u hadlay maamulka gobolkaasi Galagaduud ayaa sheegay in aaney ka war heyn ujeedada ka dambeysa ka bixitaanka degmada ee ciidankaasi Itoobiyaanka ah, markii horena aaney ku soo war gelin oo ay soo degayeen degmada, wuxuuna xusay in laga yaabo inay dib ugu soo laabtaan oo uu jiro kala bedel lagu sameynayo ciidamada.

War Deg Deg ah: War deg deg ah qarax ka dhacay Xaafad ka mid ah Magaalada Boosaaso iyo Booliska oo ku hareeraysan

December 27, 2007

Boosaaso: - War naga soo gaaray Magaalada Boosaaso oo ah war hor dhaceed ayaa sheegay in Magaalada Boosaaso gaar ahaan Xaafada Biyo kulule lala beegsadey qarax walow aan ilaa hadda aan la garanay qaraxaas wax uu yahay iyo cid gaysatay.

Qaraxaan ayaa la garanay iyadoo magaalada Boosaaso caawa laga dareemayo kacsanaan oo ciidanka Booliska Magaalada ay xireen goobta uu qaraxu ka dhacay ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama hayo.

Ciidaamada Booliiska ee magaalada Boosaaso ayaa weli ku hareereyey goobtii uu qaraxu ka dhacay oo lagu sheegay Xaafada agagaarka  Biyo kulule.

Masuuliyiinta dhinaca amaanka ayaa sheegay inay dilayaan cid walba oo isku dayda inay khalkhal galiso amaanka Puntlland.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers