Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee dowlada Masar ee loo yaqaano MENU ,waxaa wada hadalo yeeshay Madaxweynayaasha dalalka Faransiiska iyo Masar ,ayagoo ka wada hadlay xaaladaha kala duwan ee xiriirka labada Wadan iyo Arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa sheegay in ay dowladiisu taageersan tahay dadaalada dibu heshiisiineed ee ka socda dalka Soomaaliya ,isagoo tibaaxay in looga baahan yahay dowlada Caalamka in ay taageero siiyaan dowlada Soomaaliyeed si ay ugaarto howlaha baaxada leh ee horyaala.
Madaxweynaha Masar ayaa canbaareeyey dagaalada iyo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ,wuxuuna nasiib daro ku sheegay dagaalo waqtigan ka dhaca dalka Soomaaliya ,isagoo ugu baaqay Kooxaha dowlada Soomaaliyeed ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada & Rabshadaha ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay Qof walboo Soomaaliyeed in uu masuuliyad muujiyo si ay dalka Soomaaliya uga saaraan dagaalada iyo Rabshadaha aan laheyn meel ay hiigsadaan ee maalin walba ka dhaca ,isagoo markaasina si gaar ah ugu baaqay Madaxda dowlada Soomaaliya in ay muujiyaan tanaasulaad dheeri ah.
Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in ay dowladiisu soo dhaweyneyso dadaal walba oo nabad loogu raadinayo dalka Soomaaliya ,isagoo markaasina walaac xoog leh ka muujiyey dagaalada iyo Rabshadaha ay sheegeen in ay ka dhacaan Soomaaliya meelo ka mid ah.
Madaxweynaha France ayaa siweyn uga hadlay Waxyaabaha aan Soomaaliya ka dhici jirin ee dhawaan ka bilowday ,isagoo farka ku fiiqey Afduubka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Puntland oo uu sheegay in ay tahay wax laga naxo.
” Waxa ay ila tahay Soomaaliya umalaheyn Sinjiyad Afduub la afduubo dadka utagey howlaha Samafal ,gaar ahaan gobalada Waqooyi bari ee dalka Soomaaliya hadana la yiraahdo Puntland waxaana dhihi karnaa waa kuwa ay ka danbeeyaan gacmo Shisheeye” Ayuu yiri Madaxweynaha France.
Shirkaan ay wada qaateen Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Masar ayaa sidoo kale lugu soo qaaday arimaha Lubnaan ,Falastiin ,Daafuur iyo Xiriirka ka dhaxeeya Labadaasi wadan ,ayagoo markaasi ka dibna kala saxiixday heshiis ganacsi oo dhexmaraya dowladaha Faransiiska iyo Masar.
Waa markii ugu horeysay oo ay wada xaajoodyo ku saabsan Arimaha Soomaaliya yeeshaan Madaxda Xukuumadaha Qaahira & Paris ,balse sida ay sheegtay MENU Wada xaajoodyadan waxaa diirada lugu saaray Arinta Soomaaliya.
December 28, 2007 at 8:54 pm |
Masar iyo Fransiiska shaqo kuma lahan arrimaha Somalia, waxaa ugu sii dhow Kenya iyo Ethiopia haddii Runta la doonaayo.
Somalia Dawlad ay Shacbiga doorteen kama jirto ee waxaa ka jira Burcad iyo Moorayaan is taqaano oo ku dagallamaayo halkaas.
Farana kama qodna ee sidaas ula socoda.
Yareey Xaaji
January 1, 2008 at 6:46 pm |
TACSI WAXAAN TACSI U DIREYNAA ANAGOO AKAL AH REER SHEEKH MUQTAAR IYO REER CISMAAN JIRAC GEERIADII NAXDINTA LAHEYD KU TIMID ALA HA U NAXARIISTO MARXUUM MAXAMUUD BARQADLE XASAN KUNA GEERIYODEY DEGAMADA WAAJID WAXAAN ILAAH UGU BARYEYNAA IN UU JANADIIII FARDOWSA KA WARAABIYA EHELADIISANA SAMIR KA SIYAAN AAMIIN AAMIIN