Kulanka Madaxda Dowladaha Afrikaanka oo maanta si rasmi ah ugu furmaya Magaalada Addis Ababa.

Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia, iyadoo shirkan waxyaabaha ugu weyn ee laga yaabo inuu saameyn ku yeesho ay ka mid yihiin xaaladaha ka jira dalka kenya iyo digniinta uu Madaxda Afrika u jeediyay Madaxweynaha Liibiya Mr Qadaafi.

Arrimaha looga hadli doono shirkan waxaa ka mid ah isbedelada lagu sameynayo ururka Midowga Afrika, Xaaladaha ka jira Soomaaliya,Kenya iyo Gobolka ku yaala Galbeedka dalka Suudaan ee Indha Caalamka ku jeedaan Daafuur.

Waxaa la filayaa in shirkan uu ka qeybgalo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Maadama uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf weli liito Caafimaadkiisa.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkan, waxaana la filayaa in khudbadeeda diirada ku saarto xaaladda murugada leh ee ka jirta Kenya taasi oo ka dhalatay doorashooyinkii uu ku shubtay Madaxweyne Kibaki, sidoo kale waxay wax ka soo qaadi doonta Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Liibiya Col Qadaafi ayaa ku hanjabay haddii Midowga Afrika qaadan waayan tallooyinka uu soo jeediyay ee mustaqbalka Afrika uu ka jeesan doono Qaaradda Afrika una jeesan doono Carabta iyo Midowga Yurub.

About these ads

One Response to “Kulanka Madaxda Dowladaha Afrikaanka oo maanta si rasmi ah ugu furmaya Magaalada Addis Ababa.”

  1. Esteban Hatfield Says:

    wagering leucocytosis restitute hypokinesia cynoxylon tibourbou teleometer thermoesthesia
    SpyGuard
    http://www.alliance.org.nz/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: