| Waxaa maalinimadii shaley ay bishuna aheed 27/02/08 ka dagey garoonka Dayuuradaha ee magaalada Hargeysa wafdi balaaran oo horey oga mid ahaan jirey Isbaheysiga Tuulada Asmara, kana hayey xilal sar sare ,ayaa waxeey wararku sheegayaan in ay Garoonka Dayuuradaha ku soo dhaweeyen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Daahir Riyaale Kaahin. |
| Warar hordhac ahi ayaa waxeey sheegayaan in wadahadal dhaxmarey wafdigaan iyo maamulka Daahir Riyaale ka dib loo ogalaadey wafdigaan in ay yimaadan magaalada Hargeysa, wararku waxeey kaloo tibaaxayaan in Yusuf Dheeg uu sheegey in ay gabi ahaan isaga baxeen Isbaheysiga Tuulada Asmara ka dib markii uu burburey isbaheysigaasi lana waayey halbeegsi Siyaasadeed oo la isku afgarto.
Shaqsiyaad ka mid ah wafdigaan ayaa horey loogu diidey in ay soo caga dhigtaan Gobolada uu ka arimiyo Maamulka Daahir Riyaale ayadoo jaamac maxamed Khaalib dhowr sano kahor lagu xasuusto imaanshihiisa hargeysa In uu kala kulmey cadaadis iyo iska hor imaad isla markaana ay ku dhinteen dhaliyaro ay isku heyb hoosaad yihiin jaamac maxamed khaalib oo ka caroodey sida loola dhaqmey Genaraalka. Si kastaba Arinkaan ayaa waxeey ku soo beegmaysaa iyadoo ay wararku soo shaacbaxay ay sheegayaan in Raisul-baarlamaankii Hore ee baarlamanka Somalia shariif Xassan Sheekh Aaden oo nimankan u madax ah ayaa iska casiley jagadii uu ka hayey Isbaheysigaasi in kastoo uu ka biyo diidey in uu si qayaxan oga hadlo. |
February 28, 2008 at 7:51 pm |
WAA BILOWGII DHAMAADKA RIWAYADDII SOMALIYEY TOOSA.
WAANA ARRIN MUHIIM AH INEY GARWAAQSADAAN DULMIILEYAASHA INTEY GOORU GOOR TAHAY, KUNA NOQDAAN QOLO KASTA DEEGAANKII AY KA YIMAADEEN 1960KII .
WAA ARRIN MUDAN IN LAGU DAYDO WAXA AY MAANTA SAMEEYEEN NIMANKII KA SOO JEEDEY SOMALILAND TAASOO LOOGA BAAHAN YAHAY BEELAHA KALE EE KA YIMID WAQOOYI BARI AMA EX MAJEERTINIYA IYO GOBOLLADA DHEXE ( MUDUG IYO GALGADUUD ) INEY SIDA UGU DHAKHSIYAHA BADAN UGU LAABTAAN GOBOLLADOODA ISKANA ILOOBAAN RIYADA AY RIYOONAYEEN 50KA SANO OO AHAYD INEY BOOBAAN DHUL AYSAN LAHEYN.