Ciidamo Ethiopian ah oo ka soo ruuqaadsaday xerada Jande kundisho ayaa waxa ay ku sii jeedaan dhinaca iyo degmada Buula burde ka dib markii maanta uu ka dhacay dagaal culus oo gacan ku haynta degmada ay la wareegeen ciidamada Midawga Maxkamadaha Islaamka.Wararka Caawa naga soo gaarayo magaalada B/Weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xerada Jande kundisho ay ka soo amba baxeen iyagoo ku sii jeeda degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan.
Dadka deegan degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa Caawa waxa ay ka wal walsan yihiin ciidamada Ethiopia ee ku soo food leh sida la sheegay degmada Buula burde xili kooxaha ka soo horjeeda DFKM ay ku sugan yihiin degmada, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in uu dagaal markale uu ka qarxo degmadaasi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba geed, ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe Maxamed Cumar Jaandhay iyo Mas’uuliyiin kale oo gacan ku haynta degmada ay kala wareegeen dagaalyahanada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxa ay gaareen deegaanka Yasoooma oo 135 KM u jirta degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan.