Ra’iisal wasaaraha DFKM Nuur Cadde oo la kulmay W/Arimaha Dibada ee Dalka Saudiga Amiir Faysal

Riyad :-Ra’iisal wasaaraha DFKM Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa magaalada Riyad ee dalka Sacuudi Arabia kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wadankaasi.

Nuur Cadde iyo wafdi uu horkacayo ayaa habeen hore gaaray magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa waxay la kulmeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudiga Amiir Sacuud Alfeysal.

Intii uu socday kulankaasi, Ra’iisal wasaare Nuur Cadde iyo wafdigiisa waxay mas’uuliyiinta Sacuudiga u bandhigeen dadaalka dib u heshiisiinta ee ay waddo DFKM ah iyo sida ay u dooneyso dowladdu in boqortooyadu ay kaalin fir fircoon ka qaadato dadaalkaasi.

Nuur Cadde wuxuu Sacuudi Arabia ka codsaday inay kulamo la yeelato mucaaradka ka soo horjeeda dowladda iyo inay is arkaan dalalka arrimaha Soomaaliya ku lugta leh si ay u suurogasho in si wadajir ah loogu tallaabsado ka miro dhalinta hawsha dib u heshiisiinta.

Ra’iisal wasaaraha DFKM Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde wuxuu horey u sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay soo dhoweynta dadaal kasta oo lagu wadahadalsiinayo iyaga iyo kooxaha mucaaradka si loo hello siyaasad mideysan oo lagu hago dalka Soomaaliya.

About these ads

One Response to “Ra’iisal wasaaraha DFKM Nuur Cadde oo la kulmay W/Arimaha Dibada ee Dalka Saudiga Amiir Faysal”

  1. koyaame Iidow Says:

    WALLEE TUUGTA TUUGSI MA DHAAFTO, TALANA MA KEENTO, TAYANA ISKABA DHAAF.

    WAR NINKAAN NUUR CADDE LAGU MAGACAABO XITTA WAX YAR MA SUGI KARO MIYAA INUU KU TUUGSADO MAGACA UMMAD DHAMAATEY ?

    MA WUXU IS -LEEYAHAY KA SI GAARSII INTA GOORI GOOR TAHAY OO CALI GEEDI INTA UU KA LUNSADEY MASAAKIINTA LABA JIBAAR KA BADSO, LAAKIN WAXEY ILOWSAN YIHIIN INUU ILAAHEEY DAALACANAAYO IYAGA IYO INTA KALE EE AAMINSAN QORIGA, WALLEE WAAD EEDI DOONTAAN INSHA ALLAH.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: