Archive for April, 2008

Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe Max’ed Cumar Delle iyo ku xigeenadiisa oo ay wehliyaan Ciidamo Farabadan oo ku wajahan Degmada Jowhar

April 30, 2008
Cutubyo isugu jira ciidamada ethopia iyo kuwa Qaranka Somalia ayaa la diyaariyey si ay u galbiyaan Gudoomiyaha G/sh/Dhexe Max’ed Cumar Delle iyo ku xigeenadiisa oo dhawaan ku fool leh Degmada Jowhar.
Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe iyo ku xigeenadiisa ayaa maalmahan ku sugnaa xarunta madaxtooyada halkaa oo lagu dajinayay qorshe ay ku laabtaan iyo Ciidamo isku dhaf ah oo tababaran sidii Gobolka loogu geyn lahaa .

Socdalka ay Ciidamamada Qaranka iyo kuwa Ethopia ku ambabixinayaan Mas’uuliyiinta gobolka ayaa la sheegay sidoo kale in ay wehlin doonaan Xubno ka tirsan Maamulka G/Banadir oo uu ka mid yahay Nur daqle oo la sheegay in uu Ra’isal Wasaaraha ku sii daray.

Ciidamada Ethopian-ka ayaa wararku sheegayaan in ay saldhigyo ka sameysan doonaan Deegaanka Kongo oo ah ilinka hore ee johar laga galo Garoonka Diyaaradaha iyo Degmada Mahadaay.

Maleeshiyaadka Argagaxisada ayaa waxaa caada u noqotay in marka ay ciidamada Ethopia soo galaan in ay u dhuuntaa dhanka hawdka iyagoo aan kala hor imaan wax dagaal ah , waxaana xubnaha Maamulka ay hada diyariyeen Qorshe lagu weerarayo Argagaxisada Fariisimo ay ku leeyihiin hawdka sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo wada hindise ku saabsan isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada, ka hor shirka Jabuuti

April 30, 2008

Warar laga helay xubno ku dhowdhow madaxweynaha dowladda federaalka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaya in madaxweynuha wado qorshe uu ku doonayo in isbedel lagu sameeyo golaha wasiirada ka hor inta aanan laga gaarin bisha May horraanteeda oo loo balansan yahay in ay Jabuuti ku kulmaan xubno ka kala socda dowladda federaalka & Isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya, waxaana kulankaasi lagu wadaa in uu dhexdhexaadiyo Wakiilka QM u qaabishan arimaha Soomaaliya Mr. Ahmadu Ould AbdallahHindisahan cusub ayuu Cabdullaahi Yuusuf la kaashanayaa xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha & Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe & Dalxa.

Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga oo howl-gal ka sameeyay gudaha magaalada Jowhar

April 30, 2008

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya ee labadii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa howl-gal amniga lagu sugayo ka sameeyay gudaha magaalada.

Ciidamadaan ayaa galay goobo ay ku kulmaan kooxaha burcada ah ee dadka ku baarta xiliyada habeenkii gudaha magaalada Jowhar, iyagoo soo qabtay 5 ruux oo kamid ahaa burcadaasi.

Afhayeenka ciidamadaasi oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Cadoow ayaa Saxaafada u sheegay in raga burcada ah ay qabteen sharciga la horkeeni doono laguna xukumi doono waxa ay diinta Islaamka arrintooda ka qabto.

Waxa uu sheegay inay howl-galka sameeyeen kadib markii cabasho kasoo gaartay shacabka Jowhar oo ka cabanayay kooxaha burcadka ah ee dhaca dadweynaha muddooyinkii ugu dambeeyay caadeystay.

Ilaa hada lama oga halka ay geysteen burcada ay qabteen, iyadoo aysan gudaha magaalada Jowhar degneed ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo ku sugan duleedka magaalada balse markii ay doonaan soo gala gudaha magaalada.

War Deg Deg ah: Taliyihii Ciidanka DFKM ee G/Hiiraan Col.C/llaahi Faarax oo lagu dilay magaalada Beledweyn

April 30, 2008

Hiiran:-Waxa xalay lagu toogtay Magaalada Beledwen Col. C/llaahi Faarax oo ahaa Taliyihii Ciidanka DFKM ee Gobolka Hiiraan ,Taliyaha ayaa waxaa xalay weerar la beegsaday gurigii uu ka deganaa magaalada Beledweyn koox hubaysan waxaan ay dagaal la galeen Taliyaha iyo Ilaaladiisa.

Kooxda hubaysan oo la filayo inay yihiin ciidanka MMI ayaa ka dib toogtay taliyaha oo ila goobta ku geeri yooday, Col C/llaahi Faarax ayaa ahaa nin aad looga yaqaan Gobolka Hiiraan.

Col C/llaahi Faarax ayaa dhowr bilood ka hor waxaa ay DFKM u magacawday inuu noqdo Taliyaha Ciidanka DFKM ee Gobolka Hiiraan, ilaa hadda ma jiraan koox sheegatay dilka Taliyaha mana jiraan wax masuuliyiin ah oo ka tirsan DFKM oo ka hadlay dilka Col C/llaahi Faarax.

War Deg Deg ah: Maamul cusub oo loo dhisay Gobalka Hiiraan, kadib markii la badalay maamulkii hore ee Yusuf Dabageet.

April 30, 2008

Wareegto xil magacaabid ah ayaa laga soo saaray xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, taasoo Maamul cusub loogu magacaabay Gobalka Hiiraan.

Wareegtadan ayaa ka dambeysay wareegto xilka looga qaaday maamulka gobalka hiiraan ee uu madaxda u ahaa Yuusuf dabageet.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Maxamed Axmed Maxamed halka kuxigeena u magacaabo Saleebaan Axmed Hilowle.

Sidoo kale Maamulka Degmada Beled Weyn waxaa Gudoomiye loogaa dhigay Saalax Muumin Muuse Yacquub, halka Kuxigeen looga dhigay salaad Xasan Cabdi.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo biiriyay xubno cusub oo ah rug cadaa, isla markaana horay xilal kala duwan gobalka ugu soo qabtay, iyadoona xubinta cusub ee lagu soo kordhiyay ay tahay Duqa Degmada Beled Weyn oo loo magacaabay Aadan Garaase oo horay u ahaa Gudoomiyaha Degmada balad weyn, sidoo kale Taliyaha Ciidamada Gobolka Hiiraan waxaa loo magacaabay G/Sare Axmed Cilmi Guuto oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka guutada 19aad, iyadoona taliyaha qeybta Booliska Gobalka loo magacaabay G/Sare Cabdi Aadan caddow.

Dhamaan Xubnahani cusub ayaa waxay yihiin kuwo cusub, waxaana meesha ay ka saarayaan Maamulkii Yuusuf dabageet oo arrimo badan oo ammaanka ugu weyn tahay xilka gobalka looga qaaday.

Muqdisho: War deg deg ah: Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii Gudoomiyenimo ee Gobalka Hiiraan looga qaaday Yuusuf dabageet.

April 30, 2008

Wareegto goor dhoweyd ka soo baxday xafiiska Raysal wasaaraha soomaaliya ayaa xilkii gudoomiyenimo ee gobalka Hiiraan looga qaaday Gudoomiyihii gobalkaas Yuusuf Dabageet oo haatan ka maqan gobalka.

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Raysal wasaare Nuur xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa waxaa la sheegay xilkii Yuusuf Dabageet ee maamulka gobalka hiiraan laga qaaday.

Afhayeenka Xukuumada Mr Cabdi xaaji Goobdoon oo saxaafada u aqriyay wareegtada xilka qaadista Yuusuf Dabageed ay ka dambeeysay markii uu gudan waayay xilkii loo igmaday ee gobalka hiiraan.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dabageet uu amaanka gobalka ka shaqayn waayay isla markaana uusan ka hortagin Kooxaha ka soo horjeeda Dawlada ee soo weeraraya Magaalada Balad weyn.

Wareegtadan xil ka qaadista ayaa ku soo aadeysa xilli aan gobalka hiiraan wax maamul ah laheyn muddo ku dhow 15 maalmood, isla markaana gudoomiyihii iyo maamulkii gobalka ay magaalada isaga baxeen, markii ay caabin waayeen kooxaha ka soo horjeeda dawlada.

War Deg Deg ah: Ra’iisal Wasaare Nuur cadde oo Baydhabo tegay

April 30, 2008

Waxaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur) iyo Wafdi uu hoggaaminayay, kuwaasi oo ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu tegay Magaalada Baydhabo waxaa uu markiiba kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe, walow aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen labada mas’uul.

Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan ujeedada ka dambeysa socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Baydhabo, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaaraha doonayo in uu la hadlo Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu u faah-faahiyo arrimo ku saabsan Xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo weliba Dib u heshiisiinta ay Dowladda la geleyso Mucaaradka ka soo horjeeda.

Dhawaanahan ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxay dalbanayeen in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya, si wax looga weydiiyo halka ay u wax u marayaan Xukuumadda Federaalka iyo weliba Dib u heshiisiinta ay dooneyso in ay la gasho Mucaaradka ka soo horjeeda.

Dhanka kalena, Socdaalka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka magaaladaas uu ka dhacay Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay, kaasi oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa agagaaraha Saldhig-yaraha Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in qaraxii saaka iyo rasaas ka dambeysay oo ay fureen Ciidamada Itoobiya ay  geysteen dhimashada dad ka badan 15 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, iyadoo haatanna ay magaalada howlgallo ka sameynayaan Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo baaraya guryaha u dhow halka uu qaraxii saaka ka dhacay.

War Deg Deg ah: Qarax ay Dad badan ku dhinteen oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo

April 30, 2008

Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa saaka waxaa ka dhacay qarax aad u xooggan oo sababay in ay dhintaan dad gaaraya 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.

Qaraxan oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa nawaaxiga Saldhig-yaraha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ahaa mid si weyn looga maqlay Magaalada Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay intaas ku darayaan in Dadka dhintay ee 10-ka gaaraya ay ku jiraan kuwo ay qaraxaas kadib toogteen Ciidamada Itoobiyaanka oo qudhooda la sheegayo in ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay.

Waxaa gebi ahaanba xiran goobaha ganacsiga iyo waddooyinka  ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana gudaha magaalada soo buux-dhaafiyay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiray, kuwaasi oo howlgallo ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula beegsado Magaalada Baydhabo, waxaana jiray qaraxyo horay loogu geystay Ciidamada Itoobiyaanka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxan saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sii iftiiminayaa nabadgelyo-darrada ka jirta Magaalada, inkastoo qaraxan uu ku soo beegmay iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey uu sheegay in uu maamulkiisa wax ka qabanayo amni darrada ka jirta Gobolka Bay guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Baydhabo.

Suuqyada Magaalada Marka oo albaabada loo laabay

April 30, 2008

Waxaa saaka albaabada u laaban yihiin Suuqyada Ganacsiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in sababta Suuqyada loo furi waayay ay tahay iyadoo uu sare kac aad u ballaaran ku yimid Qiimaha Raashinka Quutul-daruuriga ah.

Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka lagu arkayaa Waddooyinka Magaalada Marka, iyagoo dadka u sheegaya in ay isugu soo baxaan  dibadbax ay uga cabanayaan sicir bararka ka jira Suuqyada Magaalada Marka.

Sicir bararka saameeyay Dadka ku dhaqan Magaalada Marka waxaa uu si gaar ah u taabtay raashinka quutul-daruuriga ah ee ay Dadka manaafacaadsadaan, kaasi oo ay ganacsatada ku jaan-gooyaan Sarifka Doollarka oo sare uga kacay Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kalena, in uu istaago ganacsigii Suuqyada Magaalada Marka ayaa waxaa qeyb ka ah diidmada lacagta duugowda ee Kunka Shilin Soomaaliga, taasi oo ay ganacsatadu diidan yihiin in ay wax ku iibsadaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, inta badan Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan sicir barar aad u baahsan oo salka ku haya sare u kac ku yimid Sarifka Lacagta Doollarka oo lagu jaan-gooyo waxyaabaha ay ganacsatada iibiyaan oo uu ugu muhiimsan yahay raashinka quutul-daruuriga ah.

Woman Makes History As 1st Somali Carlton Graduate

April 30, 2008

One woman is making Minnesota history after only being in this country for a few years. Muna Noor is one of the first Somali students ever admitted to prestigious Carlton College in Northfield.

Noor had to overcome a lot to get there.

“I came to Minnesota and everything was a discovery,” said Noor.

She and her family escaped a life of hardship in Eastern Africa when she was just 16.

“Civil war, displacement, refugee camps, settlement, and then coming to America,” said Noor.

Her older sister was already in Minneapolis and gave Noor some advice about living in the U.S.

“She said there are two streets here: One is you don’t do anything and you get dejected about the process that you’ve been through, or you get educated and contribute to society,” said Noor.
Four days later Noor enrolled at Minneapolis Edison High School. In just six months she was taking classes at the U of M.

“I knew about American education. I knew about higher education and the opportunities that America provides,” she said.

She asked her guidance counselor for advice on her academic future.

“She suggested many other schools including Harvard and Yale and Princeton. And I said I want to look at a place where home is not too far, but I can get an education like that,” said Noor.

She applied to Carlton College, the so-called Ivy League school of the Midwest. Noor and another woman were the first two Somali students ever admitted to the school.

“It’s a wish and it did come true,” said Noor.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers