Warar laga helay xubno ku dhowdhow madaxweynaha dowladda federaalka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaya in madaxweynuha wado qorshe uu ku doonayo in isbedel lagu sameeyo golaha wasiirada ka hor inta aanan laga gaarin bisha May horraanteeda oo loo balansan yahay in ay Jabuuti ku kulmaan xubno ka kala socda dowladda federaalka & Isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya, waxaana kulankaasi lagu wadaa in uu dhexdhexaadiyo Wakiilka QM u qaabishan arimaha Soomaaliya Mr. Ahmadu Ould AbdallahHindisahan cusub ayuu Cabdullaahi Yuusuf la kaashanayaa xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha & Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe & Dalxa.
April 30, 2008 at 5:14 pm |
WAXAA NASIIB DARRO AH IN SHACABKA UU FAHMI LA’YAHAY RIWAAYADAHA MAR KASTA LOO SAMEYNAAYO MAXAA YEELEY DADKA LA LEEYAHAY WAA HISHIINAYAAN WAA KUWII ISKU HAYSTEY JAGOOYINKA SIDA AADAN MADOOWE IYO SHARIIF XASSAN , DHALXA IYO SULEYMAAN COLAAD , CABDULLAHI YUUSUF IYO SHEIKH SHARIIF OO KULLIGOODA MAS’UUL TOOS AH KA AH BUR BURKII LOO GEYSTEY DALKA IYO DADKA SOMALIYED.
WAXAA SIDAAS SI LA MID AH QEYB WEYN KA QAATEY BUR BURKA SOMALIA QARAMADA MIDOWDEY AMA UNka OO 16 SANO KA HAGAAYEY QASKAAS IYAGOO FADHIYA XAFIISYO KU JIRA QABOOJIYEYAAL IYO GAWAARI CASRI AH KU ISTICMAALI JIREY DALKA KENYA, KANA SAMEEYEY MALAAYINN DOLLAR MUSIIBADA KU DHACDEY DALKA IYO DADKA SOMALIYED IYAGOO MAR KASTANA U ADEEGSANAAYEY NGOyada AY U DIRSADAAN SOMALIYA IYO BURCAD BADEEDKA KA HAWL GALA XEEBAHAAS.
WAXAA SIDOO KALE IYANA SI TOOS AH UGA FAA’IIDEYSTEY BUR BURKA SOMALIA DAWLADAHA DERISKA AH KUWASOO DHAQAALE BADAN KA SAMEEYEY DHIBATAADA SOMALIA , DANNA UGU JIRIN MAR KASTA IN DHIBAATADAAS XAL WAARA LOO HELO.
MAR WAA ARRIN U TAALO UMMADDA SOMALIYED INEY ISKA QABTAAN MUJRIMIINTAAS OO AY UGU HOREEYAAN QAB QABLEYAASHA DAGAALKA , 275 EE KU JIRA BAARLAMAANAKA, DAWLADDA NUUR CADDE, MADAXWEYNAHA IYO INTII LA SOO SHAQEYSEY IYO NGOyada.