Suuqyada Magaalada Marka oo albaabada loo laabay

Waxaa saaka albaabada u laaban yihiin Suuqyada Ganacsiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in sababta Suuqyada loo furi waayay ay tahay iyadoo uu sare kac aad u ballaaran ku yimid Qiimaha Raashinka Quutul-daruuriga ah.

Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka lagu arkayaa Waddooyinka Magaalada Marka, iyagoo dadka u sheegaya in ay isugu soo baxaan  dibadbax ay uga cabanayaan sicir bararka ka jira Suuqyada Magaalada Marka.

Sicir bararka saameeyay Dadka ku dhaqan Magaalada Marka waxaa uu si gaar ah u taabtay raashinka quutul-daruuriga ah ee ay Dadka manaafacaadsadaan, kaasi oo ay ganacsatada ku jaan-gooyaan Sarifka Doollarka oo sare uga kacay Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kalena, in uu istaago ganacsigii Suuqyada Magaalada Marka ayaa waxaa qeyb ka ah diidmada lacagta duugowda ee Kunka Shilin Soomaaliga, taasi oo ay ganacsatadu diidan yihiin in ay wax ku iibsadaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, inta badan Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan sicir barar aad u baahsan oo salka ku haya sare u kac ku yimid Sarifka Lacagta Doollarka oo lagu jaan-gooyo waxyaabaha ay ganacsatada iibiyaan oo uu ugu muhiimsan yahay raashinka quutul-daruuriga ah.

About these ads

One Response to “Suuqyada Magaalada Marka oo albaabada loo laabay”

  1. inas Says:

    reer marko wan idin jeclahay qasatan bula jan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: