Koox dhallinyaro ah oo aan la garanayn ayaa xalay dil toogasho ah u gaystay masuul nabadda u ololayn jiray oo dadka Gaalkacyo deggeni ay aad u yaqaaneen.
Allaha u naxariistee Yaasiin Cali Barre ( Fintilig) ,waxaa dilay niman wajiyadu uxiran yihiin waxaana lugu dilay isagoo joogey goob Shaaha laga cabo oo uu leeyahay wiil uudhalay ,mana jirin cid qabatey dadkii dilay.
Falkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli ammaanka Gaalkacyo uu muuuqdo mid aad u qasan , dilalka shirqoolanna ay aad ugu badan yihiin.
Tan & wixii ka dambeeyey dhamaadkii 2007-dii ilaa iyo waqtigan gobalka Mudug wuxuu ka mid yahay gobalada Puntland ee ay ka dhacayeen falal amaan daro ee baahsan ,waxaana socda dadaalo badan oo ay wadeen Isimada & Waxgaradka gobalka oo aan wali waxba ka soo bixin.
Gobalkan Mudug wuxuu ka mid ahaa gobalada dalka Soomaaliyeed ee ay wada dagaan beelo Soomaaliyeed ,waxaana beelaha gobalka wada dagen uyaala Sharci kala qeexaya sida ay udhacayaan ,waxa ayna dhamaanba ka heshiiyeen dagaaladii adkaa ee dhexmaray & joojinta dilalka kala duwan ee Qabaa’ilka ku saabsanaa.
Bilihii ugu dambeeyey waxaa gobalka Mudug ka taagnaa falal amaan daro ,waxa ayna dad badan ka walaacsan yihiin dilalka & dhaca ka taagan Magaaladii Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ,waxaana socda falal umuuqda kuwa ay Siyaasad ka dambeyso luguna dilayo cid walba oo loo arko ka shaqeynta danta Umada Soomaaliyeed.
Bishan June gudaheeda Magaalada Gaalkacyo waxaa lugu dilay dad badan ,inkastoo aan la heyn tiro koob rasmi ah hadana goobaha caafimaadka ayaa ku sheegay tirada dhimashada bishan gudaheeda 10 in ka badan.
Dadkan qaarkood waxaa lugu dilay Qaraxyo & Bistoolado lamana yaqaan cidii dishey ,waxa ayna dadku ku sheegayaan cidii dishey niman Madaxyada xiran ,inkastoo ay dad badan shakiweyn ka qabaan Madax Duuban.
Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa lugu dilay Magaalada Gaalkacyo dad caan ka ahaa oo nabadda ka shaqeyn jirey ,cidii dilkooda ka dambeyseyna cid ilaa hada shaacisay ma jirto marka laga reebo shakiga ay dad badan wada qabaan.
Maalmo kooban ka hor qarax weyn ayaa lala beegsaday Nabadoon (kawarqabe) oo ka mid ahaa Nabadoonada gobalka Mudug ,isna cidna ma sheegan dilkiisa lugumana sameyn wax baaritaan ah oo Saxaafada loo sheegay.
Dilalkaasi & Qaraxyadu waxa ay noqdaan wax caadi ah ,waxaan jirin marnaba cid loo qabtey dilalkaasi oo dhamaantood ahaa kuwa isku xiran oo silsilad umuuqda ,waxa ayna dadka Magaaladu uga hadlayaan Siyaabo kala duwan.
Dadka ugu badan waxaa loo tirinayaa in ay dilalkan geysanayaan Kooxo diidan nabadgalyada Soomaaliya ,gaar ahaan gobalka Mudug kuwasoo Mashaariic lacageed ay unoqotey dilalka dadka aan waxba geysan.
Qaar kale oo dadweynaha ka mid ah falalkaan waxa ay ku sheegayaan kuwa ay Siyaasad ka dambeysay ayna wadaan Kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Joogitaanka ciidanka Itoobiya ,balse taasi waxa ay su’aal lid ku ah imaaneysa marka la dilay dad aan siyaasad shuqul ku laheyn.
Maamulka Puntland ee gobalkan Jooga noocuudoono ah noqdee ma jirin wax talaabo oo ay qaadeen ,marka laga reebo Kulamo la qabtey & Isku baaraarujin wax ka qabashada amaanka ee gobalka Mudug.
Isimada Gobalka & Waxgaradka ayaa qaatey tub ay wax uga qabanayaan xaaladan amaan daro ee ka taagan gobalka Mudug & falalkaan aan horey looga aqoon Magaalada Gaalkacyo & guud ahaan Puntland waxaana kulamadii ugu horeeyey looga dhawaaqey gudiyo ka kooban Waxgaradka ,Culumada ,Aqoonyahanada & Ganacsatada waxa ayna wada shaqeyn toos ah la yeelan doonaan golaha Isimada ee gobalka Mudug & Maamulka gobalka Mudug.