Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw gudaha Suuqa bakaaraha waxa ay ku dileen Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada ee degmada Afgooye siyaad oorow xili uu marayay gudaha Suuqa Bakaraha bakaaraha iyadoo aan la ogeyn ujeeda loo dilay Mas’uulkaasi.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bisatoolad , waxaana kooxaha dilka geystay ay isaga tageen goobta ay ku dileen Mas’uulkaan.
Mas’uulkaan ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa goobta lagu dilay waxaa ka qaaday dad aqoon saday meydkiisa,waxaana xabada uga tiilay madaxa.
Ma aha markii ugu horeysay oo dad rayid ah lagu dilo gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo Suuqa Bakaaraha dowr jeer lagu dilay dad rayid ah oo aan la garan ujeeda loo dilay dadkaasi, iyadoo aysan jirin hadal ka soo baxay maamulak Gobolka Sh/Hoose oo ku aadan dilka maanta loo geystay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliya ee Gobolka Sh/hoose.
January 12, 2010 at 6:57 pm |
inta dhimatay alaha unaxa riisto
January 12, 2010 at 6:57 pm |
inta dhimatay alha unaxariisto
January 12, 2010 at 7:00 pm |
dilaayow dilbaa kuudam beeyo
May 21, 2012 at 9:45 pm |
Allah ku naxristo aabe mcn