Wadayaasha gaadiidka Blka ah ee ka shaqeeya inta u dhexeeysa suuqa Bakaaraha iyo degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayaan sida ay sheegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo dhac iyo baarasho kula dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka rakaabka ah.
Darawalada gaadiidka Blka ah ee isaga kala goosha Suuqa Bakaaraha iyo degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhac xoogan ay u geeytaan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa ku sugan agagaarka Sono Key ee degmada Hodan iyo kuliyadii hore ee Jaale Siyaad kuwaasi oo sheegay in ay maanta oo kaliya ay dhac u geeyteen dadka fara badan oo wadadaasi ku safrayay.
Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka Blka ah oo idaacada shabelle u waramayay ayaa sheegay in kooxahaasi ku libisan dareeyska ciidamada dowlada ee ku sugan agagaarka kuliyadii hore ee leyliga saraakiisha ee Jaale Siyaad kuwaasi oo uu sheegay in maanta oo kaliya ay dheceen dadkii saarnaa gaadiidkaasi iyo weliba wadayaasha gaadiidka intaba.
Inta badan darawalada gaadiidka Blka ah ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahani ka soo yeerayay cabasho xoogan oo ku aadan dhac ay u geeysanayeen ciidamada dowlada mana jiraan talaabo ay ka qadaan masuuliyiinta ciidamada dowlada.