Barakaca Balaaran ayaa waxaa uu ka biloowday degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaasi oo ay ka barakacayaan dadkii markii hore degmadaasi barakaca ku haa kuwaasi oo ay duunyadii ay ku dhaafeen abaaro deegaanada hoos taga degmadaasi ka dhuftay.
Dadkani qaar ka mid ah ayaa waxaa ay sheegeen barakacooda in uu salka ku hayo sidii ay isaga diiwaan galin lahaayeen xeryaha qoxootiga ee ku yaala gobolka W/Bari ee dalka Kenya.
Max’uud Geel Qaad oo ka mid ah dadkii bilaabay in ay ka qaxaan degmada Cabudwaaq ayaa waxaa uu idaacada shabelle uga waramay waxa ku kalifay in uu ka guuro halkaasi waxaana uu sheegay in wax ugu weyn ee ay geediga ka yihiin ay tahay abaarata ka jirta halkaasi iyo sicir bararka wada Saameeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah wadayasha gaadiidka Rakaabka ah ee isaga kala goosha degmada Cabudwaaq iyo gobolada Konfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dadkani ay waayadani danbe ahaayeen kuwa si weyn u qulqulayay isla markaana ay u badnaayeen kuwo reer miyi ah safarkoodana uu ku jeheeysnaa xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.
Ma’ahan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo kaliya halka ay dadkani ka barakacayaan ee waxaa jira gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ahaa oo dadkii deganaa ay bilaabeen in ay isaga Barakacaan abaaro,dagaalo iyo sicir barar ka jiran guud ahaan dalka Soomaaliya oo wada Saameeyay.
September 30, 2009 at 11:59 pm |
wariye abdirashiid oo ka so waramaayo gobolka galguduud ee magaalad cabud waaq wxuu rabaa inuu ogaado waxa kukalifey iney dadku ka soqaxaan wadan kooda oo ey u sokacaan wadan shishiye