Muqdisho: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska DFKS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)ayaa maanta lagu casilay taliyihii qeybta ciidanka booliska maamulka G/Sh/hoose Cali Adan Cali(Ganey) iyo ku xigeenkiisii Nuriye Cali Fara.
Wareegtadaan oo uu ku saxiixnaa Cabdi Qeybdiid isla markaana uu u aqriyrey saxaafada Afhayeenka ciidanka booliska DFKS C/llahi Xasan Bariise ayaa waxaa lagu sheegay in xilkoodii laga qaaday ragani kadib markii ay gudan waayeen waajibaadka xilalkoodii.
Saraakiisha ciidanka Booliska maamulka Sh/hoose ayaa waxaa lagu eedeey sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka booliska mr Bariise hub sharci sharci daro ah iyo iyaga oo qortay ciidamo aaney Dowlada ka warqabin sida uu hadalka udhigay.
Sidoo kale wareetadaan maanta kasoo baxaday xafiiska taliyaha ciidanka booliska DFKS ayaa waxaa shaqadoodii loogaga eryey 3 sarkaal oo kale oo ka tirsanaa ciidamada Booliska DFKS kuwaas oo qaarkood horey usheegay in ay iska casileen xilalkodii.
Sadexdaasi nin ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Banaadir qeybta Bari C/qaadir Beebe iyo labo sarkaal oo kale.
arintaan ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xilli maalin ka hor uu Ra,isulwasaaraha XFKS uu xilkii ka qaaday Gudoomiyhihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
July 31, 2008 at 5:28 pm |
KUWAAN AWALBA CIDNA UMA DHIIBANIN XILALKAAS LAGA QAADAAYA, MAXAA YEELEY WAXEY AHAAYEEN MOORAYAANTII YUUASUF INDHO CADDE EE SH. HOOSE XOOGGA KU HAYSTEY.