Ciidul Fitriga maanta ayaa magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay sidii la rabay looga ciidin, iyadoo magaalada xaaladeeda ay aad u kacsantahay ka dib markii qarax uu dhacay ciida markii laga soo baxay..
Waxaa maanta magaalada baydhabo ee xarunta gobolka ahna xarunta baarlamaanka KMG soomaaliya oo si fiican looga Ciidin, iyadoo dadka qaar baydhabo degan ay soomanyihiin, walaw dadka badankooda ay wada Ciideen.
Ilaa iyo dhowr masaajid oo ku yaala gudaaha magaalada baydhabo ayaa saakay laga tukaday salaada Ciida Fitriga, Takbiirta Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar laga maqlayay maajidada qaarkood, walaw aan masaajida kale aan wax takbiir ah laga aqrin.
Salaada Ciida Fitrig markii laga soo baxay ayaa waxaa Xaafad ka mid ah magaalada baydhabo si xoogan looga maqlay Qarax miinada meelaha fog fog laga maamulo oo lagula beegsaday ciidamo booliis ah oo gaari rooneed ah fuusahnaa xilligaasi.
Qaraxani oo si aad ah looga maqlay gudaha magaalada iyo daafadeeha ayaa shacabka reer baydhabo oo maanta farax iyo reen reen intuba isugu jirtay durbadiiba niyada ka jabay, iyadoo aan macquul ahayn in ay sidii ay rabeen maantay noqon oo magaalada xaaladeeda aan sahlaneen.
Waxaana magaalada baydhabo gudaheeda qaraxa ka gadaal laga maqlayay xabado oo aan lagareeneenin cida lagu ridayo, taasi oo qal qal ku abuurtay shacabka reer baydhabo oo maanta Ciida Fitriga ku gudaha jiro, dadka ay ka nasanayaan 29-kii maalmood ay bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku dhexjireen.
Sikastaba ha`ahaatee, arinta ayaa waxay ku noqotay shacabka reer baydhabo mid fajac ah iyo colool xumo taasi oo aan ku farxar saneen ciida ay maatan ciidayaan.
Salaad Ciida Fitriga ka dib mar aan la sheekaystay dhaliyaro iyo caruur oo deegaan ku aha magaalada baydhabo ayaa iiga warbixiyay inaysan isu mid ahayn ciidaan iyo ciidihii ka horeeyay, taasi oo ay ku tilmaamay in magaalada oo dhan aan wax amaan ah kajirin ayna guryadooda isaga laabanayaa markii ay saaladda Ciida ay soo tukadaanba.
“Mar arkin wali ciidan ciida la mid ah oo aan qarax iyo xabad aan maqalno, waxay nala noqotayba maalmaha kale oo caadiga ah oo qarax iska dhacayay” hadalkaasi ayaa waxaa yir mid ah mid ah dhalinyarta ku dhaqan baydhabo oo si gaar ah aan ula sheekaysay.
ugu dambeyntii, Sidoo kale magaalada ayaa dadkii ka batay oo ka soo qaxay dagaalada muqdisho ka taagan marka xili walba magaalada xaaladeeda ma qiyaasna, iyadoo ay dadka iska dukaamayanayaa ayaa qarax aad la kulmaysaa waa si uu yiri Axmed Cali oo ah dadka dagan magaalada baydhabo baydhabo ee xarunta gobolka Bay.