Nairobi: Xarunta Shirarka ee KICC ee Bartamaha Nairobi ayaa maanta waxaa ka soconaayey Shirar is xig xiga oo ay soo qaban qaabiyeen Wadamada IGAD, Shir kii ugu horeeyey ayaa waxaa wada yeeshay Wasiirada Arimaha Dibada Shirkaasna waxa uu ahaa Shir Albaabadu uxiran yihiin oo aana la ogayn Waxa ay uga wada hadleen.
Shirkii Labaad ayaa waxaa wada yeeshay Masuuliyiinta ugu sareeya Dawlada Somaaliya iyo Wasiiro Arimo Dibadeedka Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kulankaan ayaa ahaa kulan wada tashi ah oo Madaxda Somaalida iyo Wasiirada IGAD ay wada lahaayeen ayadoona sida ila lagu kalsoon yahay laga soo xigtay Kulankaan lagu dhaleeceeyey Madaxda Sar sare ee Dawlada Somaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Ahmed.
Shirka Sedexaad ayaa la is kugu soo noqday Bacdo Qado shirkaas oo saacado soconaayeyna waxaa wada yeeshay Xubnaha Barlamaanka Somaaliya, Wasiirada Arimaha Dibada IGAD, iyo Madaxda ugu saraysa Dawlada Somaaliya, Shirkaas ayaa ahaa shirkii ugu kululaa Shirarkii maanta ka dhacay Xarunta Shirarka ee Kenyatta International Conference Centre-( KICC).
Shirkaan oo bilowday 5:00 Galbnimo waqtiga Nairobi ayaa ahaa shir aad uxasaasi ahaa aydoona ay kasoo qayb galeen Guud ahaan Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya ee Nairobi Kenya ku sugan, Shirkaan ayaa Qudbooyinkii laga soo jeediyey aad loogu weeraray Siyaasad Xumida Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Habacsanaanta Dawlada la dagta mudooyinkii u dambeeyey.
Waxaa shirka hadalo kala duwan ka soo jeeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha dibada ee Kenya Musas Watangula, wasiirka arimaha dibada Ethiopia Siyum Musfin, wasiirka arimaha dibada DFKMG Cali Axmed Jaamac Jangali, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, iyo wakiilo ka socdey urur Goboleedka IGAD.
Musas Watanugula (Wasiirka arimaha dibada Kenya)
Wasiirka oo hadley wuxuu shirka ka sheegay in ujeedadu ay tahay in la eego waxyaabihii u qabsoomay dawlada iyo waxyaabah u dhiman, wuxuu sheegay in arimaha shirka sidoo kale ay door ku leeyihiin madaxda wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD kuwaasi oo uu sheegay in shirka maalinta beri ah ku soo biiri doonaan.
Siyuum Mesfin (Wasiirka arimaha dibada Ethiopia)
Musfin wuxuu ka hadley arimaha ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha dalka, wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya ay ku tahay dhibaato, wuxuuna sheegay in ay ku dhib qabaan joogitaankaasi, waxaana sidoo kale uu xusey in dhibaatada Soomaaliya aanay aheyn mid xaga amaanka ah oo kaliya, balse ay tahay tan ugu weyn dhanka siyaasada, isagoo xusey in hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaalida ay ku fashilmeen hawlihodii taasina ay tahay halka dhibaatadu u badan tahay. Wasiirka Arimaha Dibada ayaa intii ay qudbadiisu socotay dhawr jeer kusoo cel ceshay Fashilka iyo Habacsanaanta la dagtay Dawlada Somaaliya, Waxa uuna aad uwareeray Madaxda ugu saraysa Dawlada Somaaliya Asagoona sheegay in ay kudan waayeen Waajibaad koodi.
Wasiirka Arimaha DIbada Ethopia ayaa sheegay Fashilka Dawlada Somaaliya ku yimid in ay marqaati ka yihiin Xubnaha Barlamaanka Somaaliya oo markaas hor fadhiyey, isagoo farta kusii fiiqaya ayuuna yiri Idinkaa marqaati ka ah Fashilka iyo wax yaabaha jira.
Axmadu Walde Cabdallah (Wakiilka Qaramada Midoobay)
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Axmed Walde Cabdallah oo isagu ka hadley ayaa wuxuu sheegay in uu shirkan ku faraxsan yahay, waxaana uu ka warbixiyey arimahii ugu dambeeyey ee dhanka dib u heshiisiinta gaar ahaan shirkii dhawaan ay ku yeesheen magaalada Jabuuti dhinacyada DFKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo heshiis ku gaaray halkaasi.
Maxbuub Macalin (Xoghaynta IGAD)
Maxbuub Macalin wuxuu ka hadley shirkan iyo ahmiyada uu leeyahay, waxaana uu sheegay in IGAD ay shirkan uga dan leedahay in la isku soo dhaweeyo dhinacyada siyaasada ee Soomaalida ee isdiidan, waxaana uu farta ku fiiqay in la doonayo in laga gaaro arimahaasi heshiis guud.
Bari ayaa la sadalinayaa in ay dhacaan Kulama kale oo isla Arimahaan lagu falan qayn doono ayada oo aana la ogayn go’aanka kama dambaynta ah ee Shirkaan laga soo saari doono.
Shirarkaan IGAD ay iclaamisay ayaana ilaa iyo haatan la ogayn waxa dhabta ah ee ay ku saab san yihiin, ayadoona Shirar-kaan warar kala duwan oo is qilaafaya ay kasoo baxayaan, wararka Qaar ayaa sheegaya in Shirar kaan Bari soo gaba gaboobaya in xilalka looga xayuubin doono Madaxda sar sare ee Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya, sidoo kale waxaa jira warar kale oo soo baxaya oo sheegaya in uu xilka Madaxweyne nimo is ka casili doono Madaxweynaha Dawlada Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed kadib wax qabad la,aan Afartii sano ee uu xilka hayey iyo is qab qabsi iyo qilaaf joogtaa oo ka dhex abuurmay xubnaha sar sare ee dawlada Somaaliya.
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo haatan ay ku sugan yihiin Xubnihii Sar sare ee Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Xubnaha Barlamaanka ayaa waxaa soo baxaya sidoo kale warar tibaaxaya in Xubno aad utiro badan oo ka mid ah Barlamaanka Somaaliya ay Wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaaliya oo ay xilka uga xayuubinayaan kadib Arimo is biirstay oo uu ku kacay C/laahi Yuusuf.
Raysalwasaarihii hore ee Somaaliya ee xilka is ka casilay haatana ah Xubin Barlamaan ka ka tirsan Prof Cali Mohamed Geedi ayaa lagu xasuus-taa in tii uu xilka Raysalwasaare nimo hayey Wax qabad lawada dareemay,Horumar muuqda,Ammaan, Ayadoo in tii uusan Xilkaas is ka casilin Ay Dawlada Federaalka Ku meel gaar ka ah ee Somaaliya ay ka talinaysay inta badan Gobolada Dalka Somaaliya, Amniguna uu ahaa mid aad uwanaagsan oo nabad lagu wada farxay uu dhaliyey kadib dagaalo xoogan oo Awoodoodi lagu wiiqay Kooxihii kasoo hor jeeday Dawladnimada ee Argagixisada Caalamiga ah Gacan saar ka la lahaa.
Mudooyinkii udambeeyey ayaa Dawlada Federaalka Ku meel gaar ka ah ee Somaaliya laga dareemayey Habacsanaan Baahsan iyo Wax qaban la,aan ayadoo ay xoogaysteen Kooxaha Nabad diid ka ah ee ka soo hor jeeda Qaran nimada Somaaliya.