Archive for November, 2008

Ceelbarde-Bakool: Degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool oo Hay`adda WFP raashiin qeybin ka bilwoday

November 29, 2008

Dadkani ku dhaqan degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool ayaa waxa ay yihiin kuwa ku tiirsan mucaawinada ay ka helaan hay`adda cunnada aduunka ee WFP sida uu sheegay guddoomiyaha maamulka degmadaasi.

Dadka reer deegaankani waa kuwo si aad ah u saameysay abaarihii dalka ka jiray ayadoona ilaa iyo iminka ay ka muuqato raadkii abaarihii gobolka Bakool ku dhuftay gaar ahaana dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde.

Hasa yeeshee inkastoo dhitoobo xoogan oo dhanka nolol xumida ay heysato dadka reer deegaankaasi ayaa waxaa howlo cunna qeybin oo gar gaar ah ka bilaabay hay`adda cunnadda aduunka ee WFP.

Mucaawinadani qeybintooda WFP ay ka bilowday degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxa ay isugu jiraan Galay, Salii, Digir iyo Boorish, kuwaasi oo loogu talagalay dadka ku ceertoobay abaarihii ka dhacay gobolka oo aan maanta noloshooda meel aan ku tiirsaneen.

Qaar ka mid ah haweynka raashiinka la siiyay oo aan goobta raashiin qeybinta ka socotay aan kula sheekaystay ayaa waxa ay ii sheegeen in ay ku faraxsan yihiin talaabadii WFP ay qaaday.

Kuxigeenka WFP soomaaliya haweyneyda lagu magacaabo Daines prown ayaa waxa iyaduna ka hadashay deeq qeybinta ay ka bilaabeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bakool,waxayna sheegtay in mucaawinadani loogu talagalay dadka saameysay abaarihii gobolka Bakool ku dhuftay.

Afhayeenka WFP soomaaliya Maxamuud Xasan Guuleed oo isna qeyb ka ahaa saraakiisha WFP ee degmada Ceelberde kormeerka ku yimid ayaa waxa uu isna sheegay in deeqdani la siiyay 28,800 oo qoys oo 4800 ay yihiin caruur.

Mr.Guuleed ayaa waxa uu intaasi ku daray in talaabadani ay tahay mid sii socon doonta isla markaasina loogu gargaarayo dadka tabaalaysan ee iyagu ku dhaqan degmooyinka iyo deeganada gobolka Bakool.

Dadka raashiinka la siinayay ayaa meel fagaara ah ee degmada Ceelbarde ka tirsan laysugu yeeray, ayadoona goob jooga ay ahaayeen sida sawirada ay ka muuqdaan ku xigeenka WFP soomaaliya, Afhayeenka WFP iyo haweynayda ku xigeenka ka ah UNICEF.

Ugu dambeyntii, sakastaba ha`ahaatee, raashiin qeybintani WFP ay ka bilowday qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli inta badan dadkaasi ay la daala dhacayaan abaarihii gobolkaasi ku dhuftay.

Sh. Shafiif oo Dalbaday Ciidamo Dheeri ah

November 29, 2008

Hogaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya ayaa waydiistay Midowga Afrika in ay soo diraan ciidamo dheeraad ah oo gacan ka gaysta xasilinta dalka.

Hogaamiyaha Islaamiga ah ee Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in loo baahan doono ciidamo dheeraad ah maadaama ay hadda Itoobiya go’aansatay in ay dalka isaga baxdo sannadka dhamaadkiisa.

Waxa uu u sheegay mas’uuliyiin sare oo Kenyan ah in la soo dhawayn doono ciidamadaas dheeraadka ah.

Dhinaca kalena, kooxda xag-jirta ee Al-shabab ayaa sheegatay in ay mas’uul ka tahay weerar madfac oo lagu soo qaaday maanta xarun ku taal agagaarka Muqdisho oo ay dagan yihiin ciidamada Itoobiya.  Wax khasaare ah halkaas lagama soo sheegin.

Itoobiya ayaa kumanaan ciidamo ah  u dirtay si ay u taageeraan xukuumadda Soomaaliya ee taageerada ka haysata reer Galbeedka, kuwaaso muddo laba sano ah dagaal kula jiray xag-jirro Islaamiyiin ah.

Midowga Afrika ayaa ciidamo tira yar oo nabadda ilaaliya waxa ay hadda ka joogaan Soomaaliya.

 

Waxyaabihii looga hadlay Kulan qarsoodi ahaa oo C/llaahi Yuusuf la yeeshay Issimada & siyaasiyiinta Puntland(Khudbad la yaab leh oo uu jeediyey C/llaahi Yuusuf)

November 29, 2008

Madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhowaan gaaray Puntland, ayaa maalinimadii dorraad wuxuu ka qeybgalay caano-shubkii loo sameeyey boqorka cusub ee beelaha Daarood boqor C-llaahi Muuse Boqor (King Kong), waxaana khudbadii uu halkaasi ka jeediyey uu ku sheegay in ujeedada socdaalkiisa Puntland ay laheyd 2 ujeedo,.
1) Ka qeybgalka caleema saarka boqorka cusub
2) Inaan la-tashi la sameeyo siyaasiyiinta & issimada Puntland.
C/llaahi Yuusuf ayaa magaalada Garoowe kulan habeen hore kulan kula yeeshay siyaasiyiin, issimo & aqoonyahano ka soo jeeda beelaha Puntland, waxaana uu kaga hadlay khudbadiisa arrimo fara badan oo ku saabsan halka ay mareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana hadaladiisa ka muuqtay rajo xumo dhinaca siyaasadda.
Hadaladii uu C/llaahi Yuusuf ka jeediyey madashaasi ayaa ahaa sidatan:-

“Haddii aan warbixin idinka siiyo howlihii aynu isku ogeyn ee ayno ka wadney Muqdisho iyo koonfur, wax badan baa isbeddel ku yimid, waana lagama maarmaan inaanu ka tashano wixii aanu ka qaban karro; aan idiin sheegee waxa Jabuuti ka socda waa wax lagu mija-xaabinayo dowladda si gobolladiina khalkhal loo geliyo weeye, burburintaasina haatan wey socotaa, waxaana wax ka wada reer galbeedka, hade haddii dowladda dhexe ay dhacdo musiibada ka timaada arrintaas iyada ah wey soo gaareysaa halakan, burburinta dowladda waxaa wada dowlado shisheeye waxayna u adeegsadeen qaar kamida dowlada oo uu ugu horeeyaan raysal wasaaraha iyo gacanyarayaashiisa”

” Waxay ila tahay in aad og tihiin nimanka Jabuuti waraaqaha ku kala saxiixday iney dhamaantood isku beel yihiin, Hawiyoo qaarna mucaacad iska dhigay qaarna muxaafad iska dhigay, waxay iyagu isa siiyeen 275 kuri baarlamaan, kii horena qeyb bey ku leeyihiin, arrintaasi maaha mid la qaadan karo, waa in la helaa qaab kale oo looga hor tago soo laba-kacleynta iyo isbalaarinta Hawiye”.

” Dowlada Itoobiya waxaanu la lahayn xiriir wanaagsan, hadaanu nahay reer Putland, waxaan aaminsanahay xiriirkaasi weli waa jiraa, Itoobiya nama dayicin, waxaase jira culey kaga yimid dhinaca reer galbaadka, runta markaan idiin sheego waa leynooga dheereeyey reer galbeedkii, waxaana guul-darradaas keenay ninkii Dhulbahante ee ina Jingeli eed idinku ii keenteen in aan ka dhigo wasiir dibedeed, weligey ma shalaayin laakiin arrintaa waan ka shallaayey”.
” Maanta Putland waa ka go,doon Soomaaliya iyo reer galbeedkaba, waxaadna ka garan kadhaan waxa ka socda Jabuuti, Hade anigu xiniinyahayga waan dadaaley, adinkana waxaan idinku dhaliilayaa inaad wax badan ka gaabiseen, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay”

`Maanta anigu da` baan joogaa anigii ayaaba teyda la ciir ciiraya oo halkaan gaari doono aan la ogeyn, laakiin mid ogaada Hawiye eed baynu ka galnay oo Itoobiyaan baan maatidoodii ku leynay, maanta iyagii oo aanan Xabbad inooga guuleysan ayeey siyaasad inagaga guuleysteen, halka iminka loo socdana waa in baarlamaanku isugu tago Baydhabo deetana la ansixiyo heshiiskii Jabuuti, kadibna baarlamaanka laga dhigo 550 xubnood, beesha caalamka ay taageerto Shariif Xasan Sheikh Aadan sidaana looga dhigo madaxweyne, iyagu dan kasta ha ka lahaadaane, laakiin innagu markaa waa in aan is abaabulnaa oo aan ka shaqeynayaa sidii aynu siyaasaddaas u kala furfuri laheyn, waxaadna ogaataan in Hawiye aanu maanta Daarood kale u ciil qabin balse uu u ciil qabo Harti, marka waxaan idin oran lahaa midooba, oo isku tashada anigu bil sii dhaceysaan ahaye“

War Deg Deg ah: Ciidamo Ethiopian-ah oo wata gaadiidka dagaalka oo saakay ka soo taalabay xadka Ethiopia iyo Soomaaliya oo soo gaaray gobolka Bay.

November 29, 2008

Ciidamo Ethiopian-ah oo wada in kabadan 100-gaari oo nuucad dagaalka ah oo ka soo gudbay xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa ay soo gaareen qeybo ka mid ah gobolka Bay.

 

Ciidamadaan cusub ee ka tirsan miletariga Ethiopia ee cagta soo saaray gobolka Bay ayaa waxaa ay wataan baabuurta gaashaaman ee loo yaqaan Uuraalada kuwaasi oo kor u dhaafaya ilaa 100-gaari,waxaana la sheegay in ay ciidamadaan ka soo gudbeen degmada Bardaale ee gobolka Bay sida ay idaacada Waajidpress u sheegeen dadka deegaanka Bardaale.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ku soo wajahanyihiin magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah ay u tahay Barlamanka KMG Soomaaliya balse su’aalaha la is weydiinayo ayaa waxaa ay tahay waxa ka dhalan kara marka ay ciidamadaasi ka soo gudbayaan inta u dhaxeysa Bardaale iyo Baydhabo halkaasi oo la sheegayo in ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia.

 

Dadka degaanka  Bardaale ayaa saakay oo idil waxaa ay  qabeen wal wal fara badan markii ay ciidamada Ethioipian-ku soo galeen halkaasi inkstoo haatan xaaladu ay tahay mid dagan,waxaana dib u furmay dhamaan ganacsiga ka jiray degmada Bardaale ee gobolka Bay kadib markii ciidamada Ethiopia ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Baydhabo halkaasi oo aan la ogayn in ay ku nagaanayaan iyo ay u soo talaabayaan dhanka Magaalada Muqdisho.

 

Soo galida ciidamada cusub ee Ethiopia ayaa imaanaya xili heshiis ay dhawaan  ku wada saxiixdeen isbahaysiga dib u xorayta garabka Jabuuti iyo dowlada KMG magaalada Jabuuti uu dhigayay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale ay ku soo aadayaan xili war ka soo baxay dowlada Ethiopia lagu sheegay in dabayaaqada bisha December ay ciidamada Ethiopia ka wada bixi doonaan dalka Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab oo saakay Aroor hore Madaafiic ku weeraray xeradii hore ee ciidanka Asluubta iyo nawaaxigeeda oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

November 29, 2008

Ururka Al Shabaab ayaa saakay aroor hore waxaa ay Madaafiic ku weerareen xeradii hore ee ciidanka  Asluubta iyo nawaaxigeeda oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

 

Madaafiicdaan oo gaaraysa dhowr iyo toban hoobiye ayaa Xarakada Ururka Al Shabaab waxaa ay saakay ku weerareen fariisin ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin xeradii ciidanka Asluubta Soomaaliyeeda iyo nawaaxigeeda oo ay haatan fariisimo ku leeyihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya sida ay sheegteen saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo intaa ku daray in ay khasaare u geysteen ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

 

Gabar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada Waajidpress u sheegtay in madaafiicdaasi ay ku hoobteen gudaha Xareda Asluubta iyo contarolka Sarkuusta oo ay lacago baad ah ciidamada Dowlada uga qaadaan gaadiidka BL-ka ee isticmaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

 

Si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen madaafiicdaasi marka laga tago sheegashada Ururka Al Shabaab ee ah in ay khasaare u geysteen ciidamada fariisimaha ku lahaa halka ay weerarka madaafiicda ah ku qaadeen.

 

Ma’ahan markii ugu horeysay ee Ururka Al Shabaab ay weerar nuucani oo kale ah ku qaadaan fariisimaha ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Hogaanka gudaha ee Maxkamadaha islaamiga oo ka soo horjeestay heshiiskii isabahaysiga iyo dowlada ay ku gaareen Jabuuti.

November 29, 2008

Hogaanka gudaha ee maxkamadaha islaamiga ayaa ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay dalka Jabuuti ku gaareen isbahaysiga dib u xoraynta Jabuuti iyo dowlada KMG Soomaaliya kadib bayaan ay maanta soo saareen.

 

Afhayeenka dhanka howlgalada maxkamadaha islaamiga C/raxiin Ciise Cadow oo oo bayaanka u aqriyay Saxaafada gudaha Muqdisho ayaa sheegay in Bayaanka ay maanta soo saareen hogaanka gudaha ee maxkamadaha islaamiga uu si weyn uga soo horjeedo heshiiskii dhawaan magaalada Jabuuti ay ku gaareen isbahaysiga dib u xoraynta garabka uu hogaamiyo shiikh shariif shiikh Axmed  iyo dowlada KMG Soomaaliya.

 

Waxaa bayaanka lagu sheegay in maxkamadaha islaamiga ay barri ka yihiin in heshiis lala gaaro kooxda dalka Soomaaliya cadow ku soo hogaamisay islamarakaana ciidamadii ay keeneen ay wali ku suganyihiin gudaha dalka Soomaaliya sida bayaanka lagu qoray.

 
Qodobada ugu muhiinsanaa bayaanka ay maanta Soo saareen hogaanka maxkamadaha islaamiga ayaa waxaa ka mid ahaa.

 

(1)    “Waxaan berri kannahay in wax lagu darsado qoladii dalka ku soo hogaamisay cadowga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed iyagoo aan ka toobad keenin falkaasi,iyo cadowgii oo dalka wali heysta ciidamo horlehna soo galinaya”

(2)    “Waxaan si buuxda u taageersanahay qaabkii ay u macneeyeen culumada musaabaxada heshiiskii Jabuuti oo ay ku sheegeen in uusan waafaqsanayn shareecada islaamka heshiiskaasi”

(3)    “Waxaan sii wadi doonaan Jihaadka iyo muqaawamada tan iyo inta ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan dalka Soomaaliya”

 
Bayaankan ayaa waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay falalka kooxaha burcad badeedu ay ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo howlgalada ay ciidamada shisheeye ka dhex wadaan biyaha Soomaaliya kuwaasi oo lagu sheegay in ay si sharci daro ah badda Soomaaliyeed ugu kaluumaysanayaan.

 

Kadib markii uu bayaanka saxaafada uu u aqriyay C/raxiin Ciise Cadoow Afhayeenka howlgalada ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa waxaa ay saxaafadu su’aalo ka weydiisay Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo ah madaxa  hogaanka gudaha maxkamadaha islaamiga iyadoo su’aalaha la weydiiyay ay ka mid ahaayeen sida ay u arkaan in heshiis lala gaaro dowlada KMG Soomaaliya hadii ay Ethiopia ka baxdo dalka.

 

Waxaa uu ku jawaabay sheikh C/qaadir Cali Cumar madaxa  hogaanka gudaha maxkamadaha islaamiga in Soomaalidu ay dhexdooda heshiin karaan islamarakaana ay wax wada qeybasan karaan umadda Soomaaliya balse waxaa loo baahanyahay ayuu yiri in cadowga dalka laga Saaro.
 
Bayaanka ay maanta soo saareen hogaanka gudaha maxkamadaha islaamig  ayaa imaanaya xili maalintii shalay bayaan midkan la mid ah ay soo saareen culumaa’udiinkii u istaagay xalinta qilaafka xoogaga Muqaawamada kuwaasi oo bayaankooda ku sheegay in heshiiskii Jabuuti uusan waafaqsanayn diinta islaamka. 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka hadlay heshiiska Jabuuti iyo arrimaha awood qeybsiga Dowladda iyo Dib u xoreynta

November 28, 2008

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii dhowaan dalka Jabuuti ay ku kala saxiixdeen guddiyada Dowladda iyo mucaaraadka, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay kordhinta ballaarinta Golaha Baarlamaanka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde khilaafka madaxda sare ee dowladda KMG u dhaxeeya, wuxuuna meesha ka saaray in khilaafkaasi aanu wax saameyn ah ku yeelaneynin heshiisyada iyo go’aanada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda.

“Dabcan waxaan filayaa in heshiiska Jabuuti ka soo baxay uu fure u yahay dhabaha nabadda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sheegay in dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku heshiiyeen in xubno gaaraya ilaa 200-Mudane oo dhinacooda ay ka mid noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay in kooxaha kale ee ka horjeeda dowladda ay iyagana dhinacooda ilaa 70-Mudane ay ku biirin karaan Baarlamaanka oo tirade intaasi la’eg iyaga uun laga sugayo.

Mar uu ka hadlayay saameynta ay ku yeelan karaan heshiisyada noocaan oo kale ah khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxa uu sheegay Nuur Cadde taasi inaanay wax saameyn ah ku yeelan doonin, waayo buu yiri waxa laga shaqeynayo waa maslaxadda dalka iyo dadka.

Culumaa’udiinkii u istaagay xalinta qilaafaadka xoogaga Muqaawamada oo heshiiskii jabuuti ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn Diinta islaamka.

November 28, 2008

Culumaa’udiinkii dhawaan u istaagay xalinta qilaafaadka soo kal dhex galay xoogaga Muqaawamada ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay  heshiiskii jabuuti ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn Diinta islaamka.

 

Bayaankaan ay soosaareen maanta culimaa’udiinkii u istigaay xalinta khilaafaadka soo kala dhaxgalay xoogaga wax iska caabinta ayaa waxa uu ahaa mid intiisa badan looga hadlayay shirkii Jabuuti iyo wax yaabihii kasoo baxay.

 

Waxa uu ka koobmaa  bayaankan qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen xubno katirsan isbeheysiga dib u xoreynta iyo dowlada KMG in uusaan waafaqsaneyn diinta islaamka taasi oo culimada daliil ay kaga dhigteen labo arimood oo midda koowaad ay tahay in aysan banaaneyn in kooxi ay isku gaar yeesho ka talinta Aayaha Umadda Soomaaliyeed.

 

Arinta  kale ayay culumadu ku sheegeen  in aan heshiis lala yeelan Karin koox culumadu ay ku tilmaamtay in ay cadow dalka u soo hogaamiyeen sababna u noqotay burburka dalka iyo baabi’inta dadka iyagoo aan kalaaban waxyaabihii lagula dagaalamay iyo ciidamadii ay keeneena wali ay  joogaan islamarkana aysan muuqan saasaanta bixitaankooda.

 

Bayaanka culamada ayaa sidoo kale lagu xusay in heshiisku uu sababikaro isku dhac dhaxmari xoogaga wax iska caabinta  sida uu qabo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha culumada soo saartay bayaankan.

 

 Culumada ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in xubnaha isbeheysiga Jabuuti iyo kuwii heshiiska ku raacay aysan  banaaneyn in diinta laga saaro oo labaneeysto dhiigooda iyo maal kooda iyadoon loo marin shareecada islaamka waxaana ay sheegeen in ay ka xunyihiin in kooxda Jabuuti ay ka dhaga adeegtay  baaq culumada ay ujeediyaan.

 

 

 

Hadalka ka culimaa’udiinka u isataagay xalinta qilaafaadka ka dhexe taagan xoogaga Wax iska Caabinta ayaa imaanaya xili dhawaan heshiis awaad qaybsi ah ay dalka Jabuuti ku gaareen xubno ka tirsaan is beheysiga dib u xorynta iyo dowlada KMG Soomaaliya,waxaana ay noqonayaan Qeeybtii ugu horeeyay ee qaadaca heshiiskaasi.

Meles Zenawi oo shirjaraa,id ku qabtay dalka Yemen kana hadlay arimo badan

November 28, 2008

 Yemen:-Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa diiday in uu sheego xili cayiman oo ay Ciidamadiisa uga baxayaan gudaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in arinkaas loo bandhigi doono xukuumadiisa.

Meles Zenawi ayaa waxaa uu sheegay in uu taageerayo wadahadalada u socda ARS iyo DFKM si xal loogu helo arimaha Soomaliya.

Meles Zenawi ayaa shalay ku qabtay shir jaraa,id xarunta madaxtooyada dalka Yemen waxaa uuna sheegay in uu Yemen u yimid in uu waxyaabo badan kala tashto kuwaas oo khuseeya arimaha Soomaliya sida khilaafka DFKM ,Burcad Badeeda iyo arimo kale.

Meles Zenawi ayaa mar la weydiiyey in uu la baxayo ciidamadiisa waxa uu sheegay in ay la baxayaan isaga oo carabka ku adkeeyey in ay la tashan doonaan ciidanka AMISOM waxaa uuna cadeeyey in Itoobiya aysan awood u lahayn in waligeed ay joogto Soomaaliya.
Meles Zenawi ayaa ka hadlay dalka Eritareya waxuuna yiri  “Eritrea waxay noqotay mid sababaysa degenaansho la’aanta Geeska Afrika waxay xiriir la leedahay Argagixisada Geeska Afrika, wuxuuna xusay in ay taageerto Mucaaradka DFKM .

LABA SHARIIF SHARAF AYAA USIYAADAY, WAAYOO SHACABKA SOOMALIYEED SHIDADDII WAA KA YARAATAY.

November 28, 2008

Wali Soomaliya gaar ahaan caasimada Soomaliya ee muqdisho waxaa ka taagan shidadii aheyd bac, bug iyo baaruud qiiqeysa oo lagu soo jiray sideed iyo toban sano (18) ka badan, balse waxa Alle mahaddiisa ah inay shidadii  hore  soo yaraanayso afartii (4) billood ee la soo dhaafay,  ka gadaal markii ay laba Shariif oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Sharif Hassan Sheekh Aden ay aqbaleen inay lagalaan wada hadalo nabaddeed  dhammaan dhinacyada ay quseyso arrinta murugsan ee Somaliya  sidii xal nabaddeed loogu  helilahay.
 
 
Dhibaatadaan Soomaliya oo dhan ay wada eeday soona socotay  siddeed iyo toban  (18) sano  ka badan, waxaa  dhibsaday kana  dhiidhiyay laba Shariif oo sii eegan waayay bil-kasta boqollaalka dhimanaysa, boqollaalka dhaawacmeysa, boqollaalka barakaceysa ee iyagoon haysan baco aay roobabka ka galaan, biyo nadiif ah, baad la cuno iyo bukaan eeg haba sheegin ee  bilqan laga billaabo Ceelasha Biyaha ilaa Carbiskii Afgooye, Ceel-macaan ilaa Cisaley, boqollaalka meydkoodu dul-sabey-naayo  badaha adduunka iyo  balaayo kale oo ku cusub  Soomaliya oo ah isbaarooyinkii badnay ee biriga ooli jiray oo hadda loo wareejigay Badaha.
 
Waxaa nasiib darro ah, waxaas oo dhibaato ah waxaa wada kooxo yar iyo shaqsiyaad ku heyb ah dhibanayaasha reer koofureedka, gaar ahaan Hawiye iyo Raxanweyn (victims), laakin  dhibka masaakiinta ku dhacaaya waxaa kala weyn, dantooda qaas ah markasay marba shaati cusub usoo gashadaan  sidii ay shido hor leh u abuuri lahaayeen, iyagoo naftooda iyo shacabka Soomaliyeedba been qaawan u sheegaaya sida Diin ayaan daafacaynaa iyo Ciidamada Itoobiya ayaan wadanka xabad uga  saareynaa iyo quraafadyo la mid ah.
 
Sida lawa ogsoon yahay kooxahaan yar iyo shaqsiyaadkaan danas-tayaalka ah, diin-difaac waxay uyaqaanan nin masjid Ilahay gelaaya, amba ka baxaaya, amba nin u xamaalahaaya curruurtiisii, labadiisii waalid oo indhoolayaal ah iyo agoon walalkiis amba walashiis ka dhinteen in gaadmo lagu soo dilo.
 
Waxaa kaloo kooxahaan fidno wadayaalka ah ku andacoodaan waxaan wadanka ka saareynaa Ciidamada Itoobiya, markasey xerooyinka ciidamada  degan yihiin  wax  aan micno laheyn ku tuuraan, dibadeedna ku kala dhuuntan xaafadaha ay degan yihiin masaakiintu, markasey Ciidamadii shisheeye xaafadihii wax laga soo tuurey ay u qeybiyaan madaafic siman ah, markaasa boqollaal dhimataa, boqollaal kalana dhawacman, boqollaalna barakacaan.
 
Haddii aysan arrintu aheyn “ninkii meel u caddahay meel ayaa ka madow” kooxahaan yar ee danastayaalka ah ee doon-doonaaya derejo aan Rabbiba u qorin, runto waxay tahay in aysan kooxahaan yar wadin  Diin sax ah, Itoobiyana aysan xabad wadan uga saari karin, balse ay wadaan oo qura caburin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dan-yarta, dhinaca   dhaqaale iyo nabadgelyadaba.
 
Kooxahaan yar, malaha awood ay ku saaraan Ciidamada Itoobiya, laakin waxay shacabka Soomaliyeed qalabka warbaahinta ka maqashiiyaan wax xaqiiqada aad uga fog, balse waa Alle mahaddiise sid lagu sheegay qalabka warbaahinta, inay Itoobiya dhowaan Ciidamadeeda kala bixi-doonta Soomaliya, laba (2) sababood  aawadood:- 1) isbedelka Madaxtinimo ee dhowaan ka dhacay wadanka Mareykanka, iyadoo xan hooseed la helaayo, ay sheegeyso in maamulka cusub ee Madaxweynaha la doortay  Barack  Obama  uusan kharash ku bixin doonin dagaalada micni darada ah ee ka soconaaya meela badan oo ay soomaliya ka mid tahay, 2) Mucaaradka garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo dalka Jabuuti heshiis kula saxiixday Dawladda Itoobiya inay la baxaan Ciidamooda marka la fuliyo dhowr qodob, heshiiskaas waxaa goob joog ka ahey beesha caalamka, Wakiilka Q.M. Ahmadul WAlid Abdalla, IGAD iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismali Omar Geele oo ah kama daalaha dabiibida Soomalinimada jiran.
 
Soomalidu waxay rejo fiican oo nabad buuxda lagu gaari karaayo u aragtaa heshiiska awood-qeybsiga  ah ee dhowaan dalka Jabuuti ku dhex marey Dowlada FKM iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed garabka uu u hogaamiyo  Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, inkastoo 550 xildhibaan ay aad & aad  utahay xad-dhaaf ( too much) waayoo Dowladda Shiinaha oo dadkeeda lagu qiyaaso 1,321,851.888 ayan lahayn 550 Xildhibaan, macaada laahiye Soomaliya oo ka yar 9890.000, si kastaba ha ahaatee dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay shacabka Soomaaliyeed wuxuu dareemaayay saxan saxan nabadeed, sidaas awgeed laba shariif sharaf ayaa usiyaaday, waayoo shacabka Soomaliyeed shidadii waa ka yaraatay, insha’allaahi Itoobiyana oo aad loo wada dhibsadayna wadankeyna dhowaan waa nooga baxaysaa sababa kor ku xusan aawadood.
 
Laakin shacabka Soomaliyeed wuxuu aad iyo aad wel wel uga muujinayaa, khilaafka ba’an ee u dhexeeya Madaxweyne A/llahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Nur Hassan Hussein, marka aad weydiiso dadweynaha Soomaliyeed labada Mas’uul kan qaldan iyo kan saxan, waxay ku xiran tahay hadba qofka aad weydiiso sida uu asigu wax u rabo amba uu u arko, sidaas darteed arintu waa ” Ali-na gar leh, Ceydiidna gar leh”.
 
Waxaa loo wada qirsan yahay, in uu R/W Nur Hassan Hussein yahay siyaasi qun yar socod ah, sharci yaqaan ah, nabad jacel uuna sii amba qaaday geedi socodkii nabadeed ee ay bilowda Xukuumaddii ka horeysey ee Prof. Ali Mohamed Ghedi oo wadanka Jabuuti wada hadalo nabadeed la bilawday  xubna ka tirsanay  taageerayaashii midowkii Maxaakimta Islamig iyo ganacsato caanka ka ah Soomaliya oo dhan gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho sida: Xaji Abuker Xaji Cumar Caddaan, Dahir Farax Jimale, Bashiir Raage Shiirar iyo qar kale,  laakin R/W Nur cadde waxaa lagu xantaa inay dhegta wax ugu sheegaan niman aan rabin in Soomaliya ay Dowlad ka dhalato, runtusa waxay soo bixidoontaa marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers