Waxyaabihii looga hadlay Kulan qarsoodi ahaa oo C/llaahi Yuusuf la yeeshay Issimada & siyaasiyiinta Puntland(Khudbad la yaab leh oo uu jeediyey C/llaahi Yuusuf)

Madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhowaan gaaray Puntland, ayaa maalinimadii dorraad wuxuu ka qeybgalay caano-shubkii loo sameeyey boqorka cusub ee beelaha Daarood boqor C-llaahi Muuse Boqor (King Kong), waxaana khudbadii uu halkaasi ka jeediyey uu ku sheegay in ujeedada socdaalkiisa Puntland ay laheyd 2 ujeedo,.
1) Ka qeybgalka caleema saarka boqorka cusub
2) Inaan la-tashi la sameeyo siyaasiyiinta & issimada Puntland.
C/llaahi Yuusuf ayaa magaalada Garoowe kulan habeen hore kulan kula yeeshay siyaasiyiin, issimo & aqoonyahano ka soo jeeda beelaha Puntland, waxaana uu kaga hadlay khudbadiisa arrimo fara badan oo ku saabsan halka ay mareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana hadaladiisa ka muuqtay rajo xumo dhinaca siyaasadda.
Hadaladii uu C/llaahi Yuusuf ka jeediyey madashaasi ayaa ahaa sidatan:-

“Haddii aan warbixin idinka siiyo howlihii aynu isku ogeyn ee ayno ka wadney Muqdisho iyo koonfur, wax badan baa isbeddel ku yimid, waana lagama maarmaan inaanu ka tashano wixii aanu ka qaban karro; aan idiin sheegee waxa Jabuuti ka socda waa wax lagu mija-xaabinayo dowladda si gobolladiina khalkhal loo geliyo weeye, burburintaasina haatan wey socotaa, waxaana wax ka wada reer galbeedka, hade haddii dowladda dhexe ay dhacdo musiibada ka timaada arrintaas iyada ah wey soo gaareysaa halakan, burburinta dowladda waxaa wada dowlado shisheeye waxayna u adeegsadeen qaar kamida dowlada oo uu ugu horeeyaan raysal wasaaraha iyo gacanyarayaashiisa”

” Waxay ila tahay in aad og tihiin nimanka Jabuuti waraaqaha ku kala saxiixday iney dhamaantood isku beel yihiin, Hawiyoo qaarna mucaacad iska dhigay qaarna muxaafad iska dhigay, waxay iyagu isa siiyeen 275 kuri baarlamaan, kii horena qeyb bey ku leeyihiin, arrintaasi maaha mid la qaadan karo, waa in la helaa qaab kale oo looga hor tago soo laba-kacleynta iyo isbalaarinta Hawiye”.

” Dowlada Itoobiya waxaanu la lahayn xiriir wanaagsan, hadaanu nahay reer Putland, waxaan aaminsanahay xiriirkaasi weli waa jiraa, Itoobiya nama dayicin, waxaase jira culey kaga yimid dhinaca reer galbaadka, runta markaan idiin sheego waa leynooga dheereeyey reer galbeedkii, waxaana guul-darradaas keenay ninkii Dhulbahante ee ina Jingeli eed idinku ii keenteen in aan ka dhigo wasiir dibedeed, weligey ma shalaayin laakiin arrintaa waan ka shallaayey”.
” Maanta Putland waa ka go,doon Soomaaliya iyo reer galbeedkaba, waxaadna ka garan kadhaan waxa ka socda Jabuuti, Hade anigu xiniinyahayga waan dadaaley, adinkana waxaan idinku dhaliilayaa inaad wax badan ka gaabiseen, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay”

`Maanta anigu da` baan joogaa anigii ayaaba teyda la ciir ciiraya oo halkaan gaari doono aan la ogeyn, laakiin mid ogaada Hawiye eed baynu ka galnay oo Itoobiyaan baan maatidoodii ku leynay, maanta iyagii oo aanan Xabbad inooga guuleysan ayeey siyaasad inagaga guuleysteen, halka iminka loo socdana waa in baarlamaanku isugu tago Baydhabo deetana la ansixiyo heshiiskii Jabuuti, kadibna baarlamaanka laga dhigo 550 xubnood, beesha caalamka ay taageerto¬†Shariif Xasan Sheikh Aadan¬†sidaana looga dhigo madaxweyne, iyagu dan kasta ha ka lahaadaane, laakiin innagu markaa waa in aan is abaabulnaa oo aan ka shaqeynayaa sidii aynu siyaasaddaas u kala furfuri laheyn, waxaadna ogaataan in Hawiye aanu maanta Daarood kale u ciil qabin balse uu u ciil qabo Harti, marka waxaan idin oran lahaa midooba, oo isku tashada anigu bil sii dhaceysaan ahaye“

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: