Archive for December, 2008

War Deg Deg ah: Qarax Bambaano oo saaka lala eegtay Gaari Bus ah oo marayay Isgoyska Ceel Gaabta Xamar Jajab.

December 30, 2008

Qarax aad u xoogan ayaa saaka lala beegsaday Gaaru Bus ah oo kuwa dadweynaha, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray.

Gaarigan Bus-ka ah oo marayay agagaarka Isgoyska Ceel Gaabta Xamar Jajab ayaa dad rakaab ah ka soo qaaday Dekeda Muqdisho, isagoo u waday Xaafadaha kale ee Mqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigan lala eegtay Qarax miino oo dhulka la geliyay, iyadoo qaraxan uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac labo Boolis ah oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu sheegayo goobjooga ku sugnaa Isgoyska Ceel Gaab ee degmada Xamar jajab waxaa uu indhihiisa saaray ninkaas goobjooga ah Baskii oo mar kaliya qarax helay, wuxuuna sheegay ninkaas inuu arkay meydka hal qof oo rayid ah kaas oo la garan waayay iyo dhaawac labo Boolis ah oo Baska saarnaa.

Ilaa iyo hadda cidna ma sheegan qaraxaas lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad rayid oo ay kula wehliyeen askar ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaase bartilmaameedku ahaa Askarta saarneyd Gaariga

Laakiin ma aha wax lala yaabo Qaraxyada lala beegsado gaadiidka ay la socdaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, sida aynu la socono horaantii sanadkan ayay ahayd markii Bas ay la socdeen Dumar ka ganacsada Qaadka Miino kula qaraxday agagaarka Dugsiga 21-Octobar ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay dhimasha in ka badan 10 haweenkii qaadka.

Abuu Mansuur “Anaga lama dagaaleyno Ahlu Sunah waxaan la dagaalameynaa qolo daba dhilif u ah Ethiopia oo ay soo hubeeyeen”

December 30, 2008

Gudoomiyaha dhaq dhaqaaqa Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) isaga oo jooga Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay dagaalada ka socda Gobolka G/gaduud ee ay ku lug leeyihiin Xoogaga Alshabaab, waxaana uu sheegay in dagaalkaas aanu u dhaxeyn iyaga iyo Culimada Ahlu Sunah, laakiin ay la dagaalamyaa  kuwo daba dhilif u ah Ethiopia.

Gudoomiyaha  Al-Shabaab Abuu Mansuur oo saaka shir jaraa’id ee uu ku qabtey Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay soo hubeeyeen qolo daba dhilif ah, isagoona daaha ka rogay waxa uu ugu yeeray hagar daamo ay damacsan yihiin inay isaga hor keenaan Mujaahidiinta iyo kuwa ay soo adeegsadeen.

“Culimo kulama dagaaleyno G/gaduud, waxaan la dagaalameynaa qolo daba dhilif u ah Ethiopia oo ay soo hubeeyeen, dagaalkaas wuxuu u dhaxeeya Cadawga Ilaahey iyo kuwa ay soo adeegsadeen oo daba dhilif u ah”ayuu yiri Abuu Mansuur oo ka digay inaan dagaalkaas lagu tilmaamin mid dano siyaasadeed ama wax kale.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab ay ula dagaalamaan Ururka Suufiyada ama Dariiqada Ahlu Sunnah Waljamaacah, laakiin waxaa uu u sheegay Culimada ku doodaya inay dagaalka Guriceel iyo kan Dhuusa Mareeb baadi yahay waa inay ka laabtaan buu yiri Abuu Mansuur oo u muuqday mid digniin ugu jeedinayay Culimaa’udiin Muxaadaro ka jeediyay Masaajidka Abuu Hureyra ee magaalada Muqdisho.

Culimaa’udiinka ka hadlay Masaajidka Abuu Hureyra ee dhahaya Dagaalkaas waa baadil, waa kuwo dhiiga mujaahidiinta ku raaxeysanaya, hadii ay ka fariisteen Jihaadka haka aamuseen Mujaahidiinta”ayuu si kulul u yiri Abuu Mansuur.

Sheekh Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanay joogsan doonin dagaalka hadii ay baxaan Ciidamada Ethiopia, isagoona cadeeyay in ay jiraan kuwo Kursi doonayaal ah oo dhiiga mujaahidiinta raba inay daadiyeen, wuxuuna balan ku galay in ay sii wadayaan dagaalka inta dalkaan loogaga xukumayo Shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay

Ururka Alshabaab waxaa uu ka mid yahay kooxaha u dagaalamaya sidii Diinta Islaamka loogu xukumi lahaa dalka Soomaaliya, waana ujeedada ugu weyn ee shabaabka u dagaalamayaan waa midaas.

Madaxda Dalalka Isbaheysiga Sanca oo maanta kulan uga furmay Khartum ee Sudan (Nuur Cadde oo ka qeyb galaya)

December 30, 2008

madaxda kulanka iskaashiga sancaa ayaa maanta shir madaxeed uga furmay magalada khartoum ee dalka sudan.

madaxda sar sare ee dalalka ku bahoobay kulanka iskaashiga sancaa ayaa maanta shir madaxeed uga furmay hoolka shirarka alsadaaqa ee ku yaala magalada khartoum ee dalka sudan, kadib markii ay soo gaareen magalada garoonka khartoum subaxnimadi maanta kadibna waxa loo gudbiyay hoolka shirka uu kadhacayay.

waxa kamida madaxta ka qeeb geleesa shirka kulanka iskaashiga sancaa madaxweynaha jamhuuriyada yaman cali cabdala saalax, madaxweynaha jamhuuriyada sudan cumar xasan albashiir, ra’isal wasaaraha dowlada kmg somaliya nuur xasan xuseen, re’isal wasaaraha dowlada itoobiya malaz zanawi, iyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti ismaaciil cumar gele oo shirka uga qeeb galaya qaab goob joognimo, waxana madaxda uga hadlidoonaa shirkooda arimaha geeska afrika guud ahaan ,arimaha somaliya ee ugu horeeso sidii loo taageeri lahaa dadaalada nabadeed ee wado r;isal wasaare nuur cade, iyo arimaha gobolka daarfuur ee kuyaalada galbeedka dalka sudan.

waxa furay shirka madaxweynaha jamhuuriyada sudam cumar xasan albashiir oo xiligan madax ka ah dalalka kulanka iskaashiga sancaa waxana uu ku dheeraaday arimaha somaliya waxana uu sheegay inay taageersanyahiin dadaalada ra’isal wasaare nuur cade gacana ay kageesanayaan waxi ay awoodaan, waxa uuna kahadlay burcad badeeda somaliyed waxane uu sheegay in dhibaatada burcada sii badaday markii ciidamo badan lakeenay biyaha somaliya waxana ay ku dhiira galisay inay sii wadaan howladooda afduubka maraakiibta maraya biyaha somaliya.

waxa kale oo kahadlay sa;isal wasaaraha dowlada itoobiya malaz zinawi oo shegay in ciidamada itoobiya ee jooga gudaha somaliya ugala bixidoonaan sida ugu dhaqsaha badan iyo waqtiga loogu talagalay in lagu bixiyo ciidanka siloo helo buu yiri nabad ka dhalata geeska afrika gaar ahaan dalka somaliya.

shirka oo inta badan looga hadlayay arimaha gobalka goobaha geeska afrika ay dhibatada kajirto waxa inta badan laga hadlayaa dhibatada burcadeeda somaliyed, dhibatada gobalka daarfuur, iyo dhibatada ka dhexjirta dalalka jabuuti iyo eritaria, waxane isku raaceen madaxweyne yaasha jamhuuriyada jabuuti iyo yaman inan xoog iyo maquunis wax looga qaba karin burcad badeeda somaliya balse wax looga qabto dublumaasiyad.

ra’isal wasaaraha dowlada kmg somaliya nuur cade aya kelamadiisa xooga ku saaray qaabka ay utaageeri karaan dadaalada nabadeed ay wado xukuumadiisa madaxda kulanka iskaashiga sancaa, waxana uu intaa ku daray in dhibatada burcad badeeda somaliyed iska dhamaaneeso hadii lahelo xukuumad dhexe, waxana uu ka codsaday madaxda in ay taageeran arimaha nabada ay wado xukumadiisu ayna garab istaagaan shacabka somaliyed ee dhibatada ku jiray in ku dhaw labaatan sano.

Dibed bax lagu soo dhoweynayey iscasilaada madaxweynihii hore ee Somalia oo ka dhacay degmada Wadajir ee magaladan Muqdisho

December 30, 2008

Banaanbax balaaran oo lagu soo dhoweynayey iscasilaada uu maalintii shalay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kaga dhawaaqay madaxweynihii hore DF C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maantaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo ay soo abaabuleen maamulada degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne boqolaal gaarayey oo ka ku dhaqan labadaasi degmo kuwaasoo iskugu jiray haween caruur iy dad waaweyn, iyagoo ku qeylinayey ereyo ay ku soo dhoweynayeen is casilaada madaxweyne Yuusuf oo ay sheegeen iney nabad u horsedi karto dalka Somalia.
Dadweynahan oo ku soo wareegay qeybo ka mid ah labadaasi degmo ayaa ugu dambeyntii iskugu yimid xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho halkasoo ay khudbado uga soo jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada degmo oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada ee degmada Wadajir Xuseen bootaan Xasan iyo gudoomiyaha degmada Dharkeynley Macalin C/llaahi Cali ilowle oo dadkii isu soo baxay u sheegay iney sidoo kale taageeraan ku simaha madaxweyanaha Somalia Sheekh Aadan Madoobe ahna guddoomiyaha baarlamanka Somalia, kana shaqeeyaan nabada.

War Deg Deg ah: In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay dagaalo iyo madafiic culus oo maanta la isku weydaarsaday degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

December 30, 2008

Waxaa soo baxaya faafhaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalo qaraar oo maanta ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meelo ay ka mid yihiin fagaaraha Tarabuunka, xaafada Taleex iyo isgoyska Km4, iyadoo dagaaladaasina ay dhexmarayaan xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah

Dagaalkan oo bilowday ka dib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Fagaaraha Tarabuunka, xaafada Taleex iyo isgoyska Km4 ayaa la isku adeegsaaday hubka noocyadiisa kala geduisan oo ay ku jiraan madaafiic kuwaasoo ku dhacaya meelo ka mid yihiin isgoyska Km4 iyo xaafadaha ku dhow iyo Suuqa bakaaraha oo qasaaooyin xoogan ay ka geysteen.
Madaafiicda ku hoobatay gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa goobaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah isgoyska Bakaaraha iyo qeybaha caanaha iyo Qudaarta oo ku yaala dhinaca bari ee Suuqaasi iyo weliba qeybo kale oo ka mid ah bartamaha Suuqa sida Bacadlaha, iyadoo hase ahaatee qasaaraha ugu badan uu ka dhashay madfac ku dhacay maqaayad ku taala Suuqa Bakaaraha xili duhurnimo ah oo ay fadhiyeen dad badan oo doonayey iney ka cunteeyaan waxaana ku geeriyooday goobtaasi illaa 7 ruux oo iskugu jiray dadkii cunteynayey oo ay ku jireen saddex nin oo walaalo ah iyo qaar ka mid ah shaqaalihii maqaayada, iyadoo tiro kale ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Sidoo kale madfac ku dhacay guri ku yaala xaafada 1-da Maajo ee degmada Waaberi ayaa ku geeriyooday illaa 3 ruux oo rayid ah, waxaana sidoo kale jira dad aad u badan oo ku dhaawacmay dagaalkaasi oo ku sii qulqulaya isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa hadda aan la,ogeyn qasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay waxaa hada degan xaalada goobihii ay dagaalkaasi ka dhaceen ee degmada Hodan.

War Deg Deg ah: Guriga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah

December 30, 2008

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa maanta waxay la wareegeen guriga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Ciidamada ayaa markii ay halkaas tageen waxay la wareegeen oo ay gacanta ku dhigeen hub yaalay guriga Guddoomiyihii hore, iyadoo xiligaasna uu guriga ka maqnaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.

Lama oga ilaa iyo haatan sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u tageen Guriga Guddoomiyihii hore, waxaase jira warar sheegaya in la doonayo in gurigaas uu dego Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu saaxib dhow la ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay is-casilay, waxaana la xusuustaa in xil-ka-qaadis uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku sameeyay Maxamed Dheere ay keentay in ay is-khilaafaan Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, ilaa ugu dambeyntii ay xaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay halka ay maanta taagan tahay.

Warsaxafadeed maanta ay soo sareen Mudanayaasha Baarlamanka kusugan Magaalada Gaalkacyo oo ku saabsa

December 30, 2008

Gaalkacyo: Xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo saaray Warsaxaafadeed aay uga hadlayaan ujeedka Socdaalkooda iyo suuragalnimada kulan ay u wada dhanyihiin Mudanayaasha Barlamnka Somalia.iyo Ilaalinta axdiga KMG ah.
Warsaxafadeedkaan oo ahaa mid aay u wada dhanyihiin dhamaaan Golaha Baarlamanka gaar ahaan Xilibaanadii soo gaaray Magaalada Gaalkacyo maalin ka hor ayaa  dhamaan Xilibanadaan ahayeen kuwa isku fikir ka ah arintaa amaan darida ah ee ka jirta Magaalada Baydhabo sida ay hadlka u dhigeen.

Xilibanadaan ayaa soo dhaweeyay Iscasiladii Madaxwaynihii hore ee Soomalia C/llahi Yuusuf Axmed waxeyna ku tilmaameen tilaabadii uu qaaday Yuusuf mid geesinima ah oo waxtar u leh umada Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Warsaxafadeedkaan ayey ka soo saareen Qodoba dhoor ah oo inta badan kaga hadlayeen amaandarida ka jirta Magaalada Baydhabo iyo suura galnimada goob amaan ah oo lugu qabto kulan ay isku yimdaan dhmaan Xilibanada KMG ah waxena warsaxafadeedkaan lugu cadeeyay in Mudanayashaan ku sugan Magaalada Gaalkacyo kala siman yihiin Xilibanada kale tageerida dib u heshiisiinta Soomalia

Mudanayshaan ayaa ka codsaday QM ,EU,IGAD,Jaamacda carbta, Ururada Islaamka, iyo dhamaan beesha caalmka, in aay dib u eegto xaladaha adag ee ka jira dalka Soomalia islamrkasna aay u qabtaan Shir caalami ah oo lugu qabto goob amaan ah oo aan ka jirin amaandaro goobta aay doonto ha noqotee.

Caydiid C./allhi Ilka Xanaf oo ka mid ahaa Mudanayshii Shirkasi Jaraa,id wax ka qabtay ayaa ka digay in xadgudub lugu sameeyo axdiga KMG ah waxuuna tilmaamay in ay haboontahay in la dhooro axdiga oo aan lugu xadgudbin waxa uu iska fogeeyay in aysan xilibanada uu ka midka yahay aysan jabin axdiga balsa uu jabiyay Gudoonka Barlamanka.

Waxa uu ugu danbeentii ugu baaqay Masuuliyiinta Barlamanka in aay ilaaliyaan axdiga muda bil gudaheedana uu Gudoonka oo haatan ah kusimaha Madaxwaynaha soo magacaabo Madaxawayne waxuuna sheegay in magacabista ay ahaata  buu yiri mid waafaqsan dastuurka oo aan la garab marin.

Diyaarado maalintii labaad garoonka adan cade international airport ka daadgurayna qoysaskii iyo xigtadii cabdulaahi Yuusuf Axmed

December 29, 2008

Warka ayaa sheegaya kuwii ugu dambeeyey  dhamaan dadka ay xigtada yihiin maaxweynaha iyo xulafadooduba oo weliba lagu daray shaqaalahoda ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho .

Laba diyaaradood ayaa ka qaaday garonka Muqdisho ciidamo dhaawac ah iyo dad kale oo rakaab ah ayna ka buuxaan haween iyo caruur Waana maalintii labaad ee ay arintani dhacdo Dhasnka kale waxaa suuqyada magaalada buux dhafiyey qalabka gurhaya oo iib ah iyo kuwa xafiisyada oo loo malaynayo in ay leeyihiin saraakiilsha markii hore ka timid gobolada puntnland oo hada dib ugu noqonayo ka dib laba sano oo ay ku jireen xarbi jogto ah.

Arintaa ayaa waxaa soo dedejiyey cabsi laga qabo in ay la kulmaan aano qabiil, dil, dhac iyo wax la mid ah waxayna wararku shegayaan in aysan naftooda ku amini karin Magaalada Muqdisho mar hadii ay ka baxeen ciidamad Ethioipia oo ay harsanayeen hoskooda .
“xulafadii aan isku halaynaynay ayaa baxaysa marka waxaan rabnaa in aan xaasaskeena kala baxno mugdisho ka hor inta aysan talo faro ka bixin ayuu yiri sarkaal sare oo diiday in magaciisa la soo xigto sababa amaan dartood wuxuuna intaa raaciyey “anagu waxaan muqdisho u joognay in aan difaacno madaxweynaha hadii uu isagii baxayna sabab aan u sii jogno ma jidho ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey iyada oo wajigiisa laga dareemayo caro xoog leh oo ku aadan sida uu uga xun yahay is casilaada “ madaxweynihii hore ee dowladii TFG ee dhamaatay oo haantan ku sugan magaalo madaxda dowlad goboleedka puntland ee garowe.

Waxaa loo malaynayaa in ay puntlad dalbo doonto gooni isu taag sida tii Somaliland markaana laga warsugi doono waxaa ay sameyso koofurta oo lagu xanto in ay diidaan waxwalbo wanaag iyo samaanba arintaan ayaa waxay ku so beegmeysaa xili labadii maalmood ee tagay ay baxayeen xigtada madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed oo u badan haween iyo caruur waxaana sidoo kale la socdo sida ay shegayaan warar xogogaal ah ay la socdaan qaar dhaawacyo ah.

War Deg Deg ah: Madaxweynha Soomaaliya Ahna Afhayeenka Baarlamanka oo Goor dhow Muqdisho soo gaaray

December 29, 2008

Sheikh aden Maxamed Nuur { Madoowe } Madaxweynaha Dastuuriga ka dib iscasilaadii Madaxweynahii hore C/laahi Yuusuf Maxamed ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa uu gaaray magaalada muqdisho, waxuuna degey Madaxtooyada – Villa Soomaaliya  saacado ka dib markii uu la wareegay xilka ugu sareya ee masuuliyada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa  dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiinta Dawlada si weyn ugu soo Dhaweeyey Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweynaha Cusub Sheikh Aadan Madoobe ayaa qorshahiisa ah sidii uu wadanka nabad uga dhalin lahaa.

»Kusoo dhowoow madaxweynaha Cusub ee DF, waa Sh. Aadan Madoobe.

December 29, 2008

Waa madaxweynaha cusub, waa magaca iyo muuqaalka hor leh, wuxuu noqonayaa Soomaaligii 10 aad ee magacaasi iyo mansabkaasi madaxweyne ka sheegta jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa xusid muddan in uu noqonayo kii ugu horeeyey ee daraja Sheekh watta ee waligiis madaxweyne ka noqda Soomaaliya.

Sh. Aadan Madoobe 2004 tii wuxuu u tartamay xilka gudoomiyenimada baarlamaanka, balse waxaa kaga guuleystey Shariif Xassan Sh. Aadan, balse isla xilkaasi ayuu qabtay sanad kadib markii Shariif Xassan xilka laga direy si xoog ah.

Sh. Aadan Madoobe waxay xulufo dhow ahaayeen Cabdullaahi Yuusuf oo manta xilka madaxweynenimo ku wareejiyey is casilaadiisa kadib sida uu qabbo dastuurka DF, balse waxay ninkani kala fogaadeen markii Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaam ay soo galeen saaxada siyaasada kalana fogeeyey labbada nin ee mar ologa ku ahaa hogaamiye kooxeednimada.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers