Waa madaxweynaha cusub, waa magaca iyo muuqaalka hor leh, wuxuu noqonayaa Soomaaligii 10 aad ee magacaasi iyo mansabkaasi madaxweyne ka sheegta jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa xusid muddan in uu noqonayo kii ugu horeeyey ee daraja Sheekh watta ee waligiis madaxweyne ka noqda Soomaaliya.
Sh. Aadan Madoobe 2004 tii wuxuu u tartamay xilka gudoomiyenimada baarlamaanka, balse waxaa kaga guuleystey Shariif Xassan Sh. Aadan, balse isla xilkaasi ayuu qabtay sanad kadib markii Shariif Xassan xilka laga direy si xoog ah.
Sh. Aadan Madoobe waxay xulufo dhow ahaayeen Cabdullaahi Yuusuf oo manta xilka madaxweynenimo ku wareejiyey is casilaadiisa kadib sida uu qabbo dastuurka DF, balse waxay ninkani kala fogaadeen markii Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaam ay soo galeen saaxada siyaasada kalana fogeeyey labbada nin ee mar ologa ku ahaa hogaamiye kooxeednimada.
December 29, 2008 at 6:20 pm |
ACWB, WAA MADAXWEYNIXII LABAAD EE SHEEKH EE SOMAALIA WAXAA KA SII XOREEYAY SHEEKH MUQTAAR OO SHEEKH ADAN WALAALO YIHIIN OO KA SOO JEEDA BAKOOL, TAAARIIKHDA WAY SOO LABALAABATAA