Warka ayaa sheegaya kuwii ugu dambeeyey dhamaan dadka ay xigtada yihiin maaxweynaha iyo xulafadooduba oo weliba lagu daray shaqaalahoda ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho .
Laba diyaaradood ayaa ka qaaday garonka Muqdisho ciidamo dhaawac ah iyo dad kale oo rakaab ah ayna ka buuxaan haween iyo caruur Waana maalintii labaad ee ay arintani dhacdo Dhasnka kale waxaa suuqyada magaalada buux dhafiyey qalabka gurhaya oo iib ah iyo kuwa xafiisyada oo loo malaynayo in ay leeyihiin saraakiilsha markii hore ka timid gobolada puntnland oo hada dib ugu noqonayo ka dib laba sano oo ay ku jireen xarbi jogto ah.
Arintaa ayaa waxaa soo dedejiyey cabsi laga qabo in ay la kulmaan aano qabiil, dil, dhac iyo wax la mid ah waxayna wararku shegayaan in aysan naftooda ku amini karin Magaalada Muqdisho mar hadii ay ka baxeen ciidamad Ethioipia oo ay harsanayeen hoskooda .
“xulafadii aan isku halaynaynay ayaa baxaysa marka waxaan rabnaa in aan xaasaskeena kala baxno mugdisho ka hor inta aysan talo faro ka bixin ayuu yiri sarkaal sare oo diiday in magaciisa la soo xigto sababa amaan dartood wuxuuna intaa raaciyey “anagu waxaan muqdisho u joognay in aan difaacno madaxweynaha hadii uu isagii baxayna sabab aan u sii jogno ma jidho ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey iyada oo wajigiisa laga dareemayo caro xoog leh oo ku aadan sida uu uga xun yahay is casilaada “ madaxweynihii hore ee dowladii TFG ee dhamaatay oo haantan ku sugan magaalo madaxda dowlad goboleedka puntland ee garowe.
Waxaa loo malaynayaa in ay puntlad dalbo doonto gooni isu taag sida tii Somaliland markaana laga warsugi doono waxaa ay sameyso koofurta oo lagu xanto in ay diidaan waxwalbo wanaag iyo samaanba arintaan ayaa waxay ku so beegmeysaa xili labadii maalmood ee tagay ay baxayeen xigtada madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed oo u badan haween iyo caruur waxaana sidoo kale la socdo sida ay shegayaan warar xogogaal ah ay la socdaan qaar dhaawacyo ah.
December 29, 2008 at 6:41 pm |
ASCW, WAXAA LA YAAB LEH IN ARRINTA SOMALIA FILIM AAD U DHEER NOQDAY FILIMKAAS WAXAA LA YIRAXDAA ( QAX SOMALI) , IYO TAN KALE EE CAJIIBKA BADAN AY TAHAY SOMALIDA INAY KU MIDOOBI KARAAN GANACSI ILAA 10 QOFOOD. IYO XADDANA WADANKOODA KU SHIRAAKOOBI KARIN WADANKOODA, WAXAAN ARAGNA IN SOMAALIDA XAWAALADAHA IYO SOMALIDA MAALKA LEH INTAY WADANKOODA DHISI LAHAAYEEN AY WADAN KALE DHISAAYAAN , KUWA MAALKA LEH WAXAA LA RABAY INAU JUXDI BADAN KU BIXIYAAN INAY FIKIR IYO MAAL AY WADANKOODA GASHAN LAHAAYEEN.