madaxda kulanka iskaashiga sancaa ayaa maanta shir madaxeed uga furmay magalada khartoum ee dalka sudan.
madaxda sar sare ee dalalka ku bahoobay kulanka iskaashiga sancaa ayaa maanta shir madaxeed uga furmay hoolka shirarka alsadaaqa ee ku yaala magalada khartoum ee dalka sudan, kadib markii ay soo gaareen magalada garoonka khartoum subaxnimadi maanta kadibna waxa loo gudbiyay hoolka shirka uu kadhacayay.
waxa kamida madaxta ka qeeb geleesa shirka kulanka iskaashiga sancaa madaxweynaha jamhuuriyada yaman cali cabdala saalax, madaxweynaha jamhuuriyada sudan cumar xasan albashiir, ra’isal wasaaraha dowlada kmg somaliya nuur xasan xuseen, re’isal wasaaraha dowlada itoobiya malaz zanawi, iyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti ismaaciil cumar gele oo shirka uga qeeb galaya qaab goob joognimo, waxana madaxda uga hadlidoonaa shirkooda arimaha geeska afrika guud ahaan ,arimaha somaliya ee ugu horeeso sidii loo taageeri lahaa dadaalada nabadeed ee wado r;isal wasaare nuur cade, iyo arimaha gobolka daarfuur ee kuyaalada galbeedka dalka sudan.
waxa furay shirka madaxweynaha jamhuuriyada sudam cumar xasan albashiir oo xiligan madax ka ah dalalka kulanka iskaashiga sancaa waxana uu ku dheeraaday arimaha somaliya waxana uu sheegay inay taageersanyahiin dadaalada ra’isal wasaare nuur cade gacana ay kageesanayaan waxi ay awoodaan, waxa uuna kahadlay burcad badeeda somaliyed waxane uu sheegay in dhibaatada burcada sii badaday markii ciidamo badan lakeenay biyaha somaliya waxana ay ku dhiira galisay inay sii wadaan howladooda afduubka maraakiibta maraya biyaha somaliya.
waxa kale oo kahadlay sa;isal wasaaraha dowlada itoobiya malaz zinawi oo shegay in ciidamada itoobiya ee jooga gudaha somaliya ugala bixidoonaan sida ugu dhaqsaha badan iyo waqtiga loogu talagalay in lagu bixiyo ciidanka siloo helo buu yiri nabad ka dhalata geeska afrika gaar ahaan dalka somaliya.
shirka oo inta badan looga hadlayay arimaha gobalka goobaha geeska afrika ay dhibatada kajirto waxa inta badan laga hadlayaa dhibatada burcadeeda somaliyed, dhibatada gobalka daarfuur, iyo dhibatada ka dhexjirta dalalka jabuuti iyo eritaria, waxane isku raaceen madaxweyne yaasha jamhuuriyada jabuuti iyo yaman inan xoog iyo maquunis wax looga qaba karin burcad badeeda somaliya balse wax looga qabto dublumaasiyad.
ra’isal wasaaraha dowlada kmg somaliya nuur cade aya kelamadiisa xooga ku saaray qaabka ay utaageeri karaan dadaalada nabadeed ay wado xukuumadiisa madaxda kulanka iskaashiga sancaa, waxana uu intaa ku daray in dhibatada burcad badeeda somaliyed iska dhamaaneeso hadii lahelo xukuumad dhexe, waxana uu ka codsaday madaxda in ay taageeran arimaha nabada ay wado xukumadiisu ayna garab istaagaan shacabka somaliyed ee dhibatada ku jiray in ku dhaw labaatan sano.
December 30, 2008 at 5:05 pm |
Ascwb, xorta waxaan leenahay ummadda somali waa inay garataa cadowgeeda iyo saaxiibkeeda , walaalayaal 20 xildhibaan ee daarood maxay u raaceen oo maxay isu casileen sidii 19 wasiired ee ka danbeeyay is casilaada ? teeda kale oday qaribe waa inay ka fiirsataa ummada somali, barlamaanka cusub waxaan rajaynayaa in la soo xusho dhalinyaro waxgaranaaya ileen odayaal qabiliste ah waan aragnay. waxaan dhixi karna jebinta baarlamaanka looma xarin reer bunduqland kama ahayn somalinimo oo waxay ka ahayd qarbudaad rer koofureed waxaa si fiican u gartay aw oday gaabow noor. sheekadaan waa la soo qorsheeyay oo ahayd anagu waxaan nahay oday qarbudaad intaan wax qarbudaynanana bunduq land xorumar xa gaarto suaasha la is weydiinaayo meeyay gobolada koofureed iyo federaalkooda?