Archive for January, 2009

War Deg Deg ah:Maxkamadaha Islaamiga ah Garabka Asmara oo ka hadlay aragtidooda ku wajahan doorashada madaxweynaha cusub ee DF Somalia

January 31, 2009

Maxkamadaha Islaamka garabka magaalada Asmara ugu qaabilsan gudaha Somalia Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho kaasoo uu kaga hadlayey xaaladaha ka socda Jabuuti, gaar ahaan mowqifka ay dhinacooda ka taagan yihiin xilka madaxweynenimo ee xalay Baarlamanka isku dhafka ah ee DF u doorteen inuu qabto Sheekh Shariif sheekh Axmed, kaasoo isla maantana xilkaasi loo dhaariyey.
Waxaa uu sheegay in Dowladda xalay madaxweynaheeda loo dhaariyey Sheekh Shariif iyo tii C/llaahi Yuusuf ee sida uu sheegay ay horey ula dagaalameen ay yihiin kuwo isku mid ah oo uusan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya “Dowladdii C/llaahi Yuusuf ee aan la dirirnay iyo tan Sheekh Shariif madaxda looga dhigay waa isku mid Waayo C/llaahi waxaa uu ku dhaartay inuu ilaalinayo dastuurka gaaladu soo qorqortay ee Mbaghati, Sheekh Shariifna sidoo kale ayuu ku dhaartay” ayuu intaa ku daray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sidoo kale xusay in shacabka Somaliyed aysan nabad iyo cadaalad ka heli karin wax aan aheyn ku dhaqanka shareecada Islaamka, horeyna loogu soo daalay waxyaabo sida uu sheegay ay ka mid yihin Dimoqraadiyad shuuciyad IWM.

“Mas’uuliyintan hadda lala leeyahay madax baa loo doortay, waxaa horey loogu aaminay mabaadidii Islaamka, waxay iclaamiyeen Jihaad, waxaana ku dhintay kumanaan mujaahidiin ah, kumanaan kale waa ku dhaawacmeen, qaarkoodna xubnaha muhiimka ah ee jirkooda ayey ku waayeen, nasiib daro balankii ay ALLE la galeen ee ahaa iney difaacayaan kitaabka ALLE waa ka baxeen, balankii ay mujaahidinta la galeena sidoo kale waa ka baxeen waxayna qaateen dastuurkii Mbaghati ee aan la dagaalameynay” ayuu yiri sidoo kale mas’uulkan ka tirsan maxaakiimta Islaamiga ah garabka magaalada Asmara ee uu gudoomiyaha u yahay Dr. Cumar Iimaan Abubakar.

“Waxay ku cisoobeen, Magacaas ay maanta leeyihiina ku gaareen, iyagoo aan la aqoonin waa shareecada Islaamka, haddey ka tanaasuleena Alle waa duleyn doonaa dhinaca kale waxaan cadeynaynaa in jihaadka dalka ka socdana uusan joogsan doonin arintana waxba u dhimi doonin, mujaahidiintana wey dagaalami doonaan illaa ninka ugu dambeeya uu ka shahiido ama ay ka taam noqoto shareecada Islaamka” ayuu yiri sidoo kale yiri Sheekh Muuse Cali Caraale.

Waxaa uu ugu dambeyntii baaq u diray shacabka Somaliyed isagoo u booriyey ineysan ku dagmin wax uu ugu yeeray shirqoolka ka soo socda magaalada Jabuuti oo uu xusay inuusan wax xal ah ugu jirin, isagoo dhinaca kalena mujaahidiinta ka dagalameysa gudaha dalka Somalia ugu baaqay iney sii wadaan dagaalka illaa sida uu hadalka u dhigay ku dhaqanka shareecada Islaamka ay ka taam noqoto “Waxaan sidoo kale baaq u dirayaa ciidamada shisheeye ee dalka jooga iney si deg dega dalka isaga baxaan, kuwo kalena waa ineysan imaan, xalka waxa uu ku jiraa gacanteena, umana baahnin xal dibeda laga keenay oo gaalo wadato, maxaa yeelay ILAAHAY ayaa ina siiyey diin dhameystiran oo wax walba lagu kaamilay” ayuu hadalkiisii ku soo afjaray Ku-xigeenka 1-aad ee madaxa maxkamadaha Islaamka garabka Asmara ugu qaabilsan gudaha Somalia Sheekh Muuse Cabdi Caraale.

War Deg Deg ah: Madaxweyne Shariif oo isku diyaarinaya in maalinta berri ah uu safar ugu ambaboxo dalka Itoobiya si uu uga qeyb galo…

January 31, 2009

Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa saacadaha soo socda isu diyaarinaya inuu ka ambaboxo dalkan Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo ku sii jeeda magaalada Addis abab ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisan ku wehlin doona xubno ka kala tirsan dowladdii TFG iyo isbaheysigiisii ARS, waxaana xubnahaasi ka mid ah Sharif Xasan Sheikh Aadan iyo Prof. C/raxmaan Ibbi, iyadoo haatana ay sugayaan waraaqihii casuumaada shirka oo la filayo inay soo gaaraan saacadaha soo socda, inkastoo xubno ku dhow dhow ay ii xaqiijiyeen in maalinta berri ah uu ka ambobixi doono Jabuuti.
Madaxweyne Shariif ayaa safarkiisan ugu horeeya ee Addis ababa ,waxaa la filayaa inuu kaga qeyb galo halkaasi shirkii madaxda wadama midoobay ee Africa tiradooduna kor u dhaafeyso 24 wadan oo ay ku jirto Somalia, waxaana galabta daqiiqadihii ugu dambeeyey si hoose loo shaaciyay dib u dhac ku yimid safarkiisii la filayay inuu munaasabadda dhaarintiisa kadib ka dhoofo Jabuuti sababo lagu sheegay dhinac farsamada.

Safarkan madaxweyne Shariif ayaa noqonaya haddii uu tago Addis, markii ugu horeysay abide e uu gaari Sheekhu caasimadda Itoobiya, waxaana si weyn loogu xusuustaa Shariif-ka khilaafkii xooganaa ee kala dhaxeeyey xukuumada uu hogaamiyo Meles Zenawi, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in Meles la filayo inuu garoonka ku soo dhoweeyo madaxweyne Shariif, si caalamka loo tuso in la dhameeyey khilaafaadkaasi.

Ciidamo ka tirsan DF oo saaka falal iskugu jira qabqabasho, dhac saf mareen ah iyo jirdilba ka geystay agagaarka Hotelka Ambasador

January 31, 2009

Ciidamo ka tirsan milateriga iyo Booliska DF Somalia ayaa saaka falal iskugu jira dhac baahsan iyo jirdilba ka geystay qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdiso gaar ahaan agagaarka Hotelka Ambasador. Xili aysan halkaasi ka jirin wax shaqaaqooyin oo ah looga soo horjeedo.

Sida dadka deegaanku sheegeen ciidamadan oo tiradoodu ay gaareysay illaa 10 askari oo ku hubeyssan qoryaha fudud ayaa galay isla markaana dhac saf maareen ah u geystay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee halkaasi ku yiilay iyagoo ka qaatay lacago badan mobilo iyo hanti kale, waxaana ka mid ah goobahaasi xarun lagu magacaabo Farayare Travel Agency, iyagoo jirdil xoogan u geystay horeyna u kaxeystay mas’uul ka tirsanaa shirkadaasi oo magaciisa lagu sheegay Mahdi.
Sidoo kale, ciidamadan ayaa dhac iyo baarasho saf mareen ah kula kacayey dadweynaha isticmaalayey wadada, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyska KM4 ilaa hotelka ambasador ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayey ciidamdaan oo baaranaya dadka ka soo baxa wadooyinka xaafadaha, waxaana falalkaasi ay argagax xoog leh geliyeen dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi oo iyagoo firka naxsan ku cararayey xaafadaha.Arintan ayaa ku soo beegantay xili dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay saaka u dabaal degayeen xilka madaxweynaha cusub ee DF Somalia oo xalay loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif oo u duuli doona dalka Ithopia maalinta berri ah.

January 31, 2009

Madaxweynaha cusub ee dowlada midnimada qaran ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo xubno kale ayaa maalinta berrito waxa uu u duuli doona magaaalada Adis Ababa halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda midowga afrika.

Madaxweyne cusub oo maanta gellinka hore loo sameyn doono xaflad dhaarin ah oo ka dhaxeyso Hotelka Kambiski ee jabuuti ayaa xafladaasi ka dib waxa uu isku qaban qaabin doonaa sidii uu uga qeyb geli lahaa shirkada madaxda midowga afrika.

Xaflada dhaarinta ayaa waxa lagu wada anay ka soo qeyb galaan diblumaasiyiin shisheeye kuwasoo ka kala socda Africa midowga yurub iyo wadamada carabta.

Shariifka ayaa marka uu ka soo laabto shir madaxeedkaasi ayaa waxaa horyaala arimo badan oo ay ka mid tahay sidii dowlada uu hogaamiyo loogu celin lahaa gudaha dalka islamarkaana ay u howl geli laheyd.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inuu weydiisan doono madaxda afrika ee kulankaasi ka soo qeyb galaya inay taakeeraan dowladiisa islamrkaana waxaa laga yaabaa inuu codsado ciidamada nabad ilaalinta ahe ee ka socda midowga afrika sidii loo soo dhameystiri lahaa.

Ahmedou Ould-Abdallah oo ah u qeybsanaha arimaha soomaliya ee qaramada midoobay ayaa waxa uu ku baaqay taageero caalami ah ka dib markii ay soo dhamaatay doorashada habeenkii xalayto.

“Waxaan rajeynayaa oo aan hubaa in beesha caalamka ay taageero buuxda siin doonto dadaaladii dib u hishiisiineed iyo dowladii ka soo baxday si ay u soo celiso kala danbeyntii dalka”

Sheekh Shariif Madaxweynaha cusub ee soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale laga sugayaa inuu soo magacaabo ra’isal wasaare kasoo soo dhisi doona xukuumad loo mideysan yahay.

Qodobo muhim ah oo uu madaxweynaha uu kaga hadlay qudbadii uu ka jeediyay xafladii dhaarinta.

January 31, 2009

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu qudbo muhim ah uu ka jeediyay madasha ay ka socotay dhaarinta isagoo soo hadal qaaday arimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa waxa ka hadlay xiriirka uu la sameyn doono wadamada deriska ah isagoo sheegay inay kula dhaqmi doonan siyaasad fur fururan oo aan aheyn faro gelin balse iskaashi ah waxuuna shegay inay aaminsan yihiin mabda’ dersi wanaaga tasoo ay ka dhabeyn doonaan.

Wuxu kaloo sheegay in wadamada Igad ku jira ay kula dhaqmi doonan si ka wanaagsan sidii dowladihii hore ee dalka soo maray isagoo xusay in wixi qilaaf ah la dhameyn doono taasna ay ka shaqeyn doonaan.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha burcad badeeda ayaa waxa uu Madaxweynuhu sheegay in ay arintaasi xooga saari doonaan islamarkaana ay wax ka qaban doonaan sida ugu macquulsan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu mar kale ku soo celiyay hadalkiisa ahaa inuu bedeli doona sumcad xumada loo soo jiiday diinta islaamka isagoo shegay in taasi u waji doonaan sida diinta ay qabto iyo dhaqan suuban ee soomaalida.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu u mahadceliyay nuur xasan xuseen nuur cadde iyo shariif xasan sheekh aadan oo uu labadooda ku aamanay dadaalka ay ka soo galen in dib loo hishiiyo isagoo xusay in baal dahab ah taariikhdooda lagu qori doono.

Isku soo duubow xafladii dhaarinta ayaa waxa ay ku dhacday jawi wanaagsan oo farxad ay ka muuqatay.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Soomaaliya

January 31, 2009

Waxaa goor dhaweyd la dhaariyay Madaxweynaha DFKMG ah ee soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo haatan madaxweynahay uu jeedinayo qudbadiisa madaxwenenimo ee ka dib markii la dhaariyay.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo badan oo ka kala socda beesha caalam iyadoo sidoo kalena uu goob joog ahaa Ra’isal wasaaraha jabuuti Dileyte axmed Dileyte.

Dowlada jabuuti ayaa waxa u hadlay wasiirka ka tirsan xukuumada jabuuti oo wakiil ka ahaa madaxweynaha Jabuuti oo ku sugan magaalada Adis ababa halkaasoo ay kaga qeyb galayo shir madaxeed midowga afrika.

wasiirka ayaa waxa codsi u soo jeediyay beesha caalamka isagoo ugu baaqay in ciidamo shisheeye aysan dalka waxba ka qaban karin lakiin loo baahan yahay in ciidamada dalka soomaaliyeed la aas aaso oo qarashka laga bixiyo.

Waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo ugu baaqay inuu kalsooni ku abuuro shcabka soomaaliyeed oo ku tilmaamay in la baray dadka soomaaliyeed wax kasta oo la soo aas aaso inaysan shaqeyneynin balse taasi in la beeniyo loo baahan yahay.

“waa in aan lagu jirin rajo xumada shacabka la baray waa in kalsooni la abuuraa’ ayuu yiri wasiir xaamud oo qudbo qiimo leh halkaasi ka jeediyay.

Madaxweynaha Somaliya ayaa haatan uu wadaa qudbadiisa iydaoo aan idiin soo gudbin doono qodobada ugu muhimsan ee madaxweynaha ka hadlo.

Bushada reer Baydhabo oo aragti kala duwan ka bixiyay doorashadii madaxtinimada Jabuuti ka dhacday

January 31, 2009

Baydhabo: Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay horeyna u ahaan jirtay xaruntii baarlamaanka KMG soomaaliya ayaa waxaa ay aragti kala duwan ay ka bixiyeen doorashadii madaxtinimada ee xalay Jabuuti ka dhacday.

Dad badan oo ka mid shacbiga reer Baydhabo oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, waxgaradka, Odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha ka duwan ee bulshada oo maanta microfanka aan la dhexqaadnay ayaa wax ay ka waremeen fikradaha ay ka aaminsanyihiin sheekh Shariif oo isagu xalay ku guuleystay xilka madaxtinimada.

Maxamed Cabdi Isxaaq waxa uu ka  mid yahay aqoonyahanada reer Baydhabo waxa uu sheegay in sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dalka ku soo kordhin doono arimo farabadan dhibaatadana uu ka bixin karo shacbiga soomaaliyeed.

Dadka badan kooda waa kuwa taageyrsan Doorashadii madaxweynaha lagu dooranayay ee xalay ka dhacday Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti xilkaasi oo ku guuleystay guddoomiyihii isbaheysiga dib u xureynta soomaaliy garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Laakiin waxaa jira tiro reer Baydhabo ah oo iyagu qaba fikrado kale oo ah in madaxweynahani cusub waa Sheekh Shariife waxba soo kordhin Karin,isla markaasina marayo wadii ay mareen kuwii ka horeeyay sidaasina waxaa qaba Maxamed wali Xaashi oo waxgaradka reer Baydhabo ka tirsan.

Hadaba su`aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay madaxweynaheena cusub ee xalay lagu doortay dalka Jabuuti muxuu is badal ah uu ku sameyn doonaa Dalka soomaaliya oo in ka badan labaatan sano burbur iyo dhibaato kale uu dalka uu ku jiray.

Ugu dambeyntii, sheekh Shariif Sheekh Axmed Maxadweynaha cusub ee dalka soomaaliya qaab ceynkee  ah uu ula macaamil karaa garabyada hubaysan oo siyaasadda dowladda cusub ka soo jeeda sida dhaq dhaqaaqa AL-shabaab oo xaruntii baarlamaanka soomaaliya ee gacanta ku dhigtay iyo kuwa kale oo mucaaradka ah.

Isku Soo bax lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Maanta ka dhacday inta badan gobolka Banaadir

January 31, 2009
Isku Soo bax lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacday inta badan gobolka Banaadir.
Dibaxyadani lagu soo dhaweeynayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ay maanta ka dheceen inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Dadweyne gaarayay boqolaal qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada isla markana wejiyadooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin qabashada hogaanka dalka ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta isugu soo baxay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Goobaha ay dadkani isugu soo bexeen ayaa waxaa ka mid ah garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho Stadium iyo degmooyinka Yaaqshiid,C/siis,Shangaani,Shibis iyo degmooyin farabadan oo ka tirsa gobolka Banaadir waxaana ay dadkaasi ku qeylinayeen erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha cusub,waxaana ay wateen boorar ay ku asteesan yihiin Magaciisa iyo sawirada Madaxweynaha.

 

Tan iyo markii xalay saqdii dhexe uu ku guuleeysatay madaweyna doorashadii ay ku tartamayeen in ka badan 15-musharax isla markana ugu danbeeyntii ay isugu soo bexeen Madaxweynaha iyo Maslax Max’ed Siyaad taasi oo guusha ay ugu danbeyn ku raacday Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dowlada Soomaaliya waxaa guud ahaan dalka ka dhacay dabaal degyo lagu soo dhaweynayo arintaasi waxana magaalada Muqdisho xalay ka dhacayay kadib doorshada Rasaas farabada taasi oo u muuqatay mid loogu dabaal degayo waxana saakay marka uu waaga barayay dibaxyo ay dhigayeen dad iskooda isku soo abaabulay.

 

War Deg Deg ah: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo doorashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tilmaamay mid aan micno laheyn.

January 31, 2009

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo hogaamiya isbahaysiga dib u xoreynta garabka fadhigiisu yahay magaalada Casmara ee xarunta wadanka Eretria ayaa doorashada sheikh shariif Sheekh Axmed waxaa uu ku tilmaamay mid aan micno laheeyn sida uu hadalka u dhigay.

 

Xasan Daahir ayaa doorshada Sheikh Shariif waxaa uu ku tilmaamay mid isaga iyo kooxdiisaba aan micno weyn ugu fidhanin isagoo intaa ku daray in gushaasi aysan shaqo ku laheeyn isaga iyo kooxda uu hogaamiyu.

 

Sheikh Xasan oo wareysi gaaban siinayay TV-ga afka carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa waxaa uu sheegay in arinta u dhaxaysa isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed aanan aheeyn codeyn ee ay ku qotonto mabaadii sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu sheegay  in iyagu ay muhiimadda siinayaan mubaadii’da iyo danaha guud isagoo sheikh shariif ku eedeeyay in uu ka weecday afkaartii  u taalay isbahaysiga dib u xoraynta.

 

Waxaa uu sidoo kale ku tilmaamay Xasan Daahir Aweys kursiga uu doonayo in uu ku fadhiisto sheikh Shariif mid dhalanteed ah oo caga adag aan ku taagnayn isagoo ku cel celiyay in sheikh Shariif uu yahay nin ka weecday mowqifkii uu lahaa isbahaysiga.

 

Hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ku soo aadyaa xili habeenimadii xalay gudoomiyihii isbahaysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo doortay in uu yahay madaxweynah Soomaaliya kadib markii uu ku guulaystay cod aqlibiyad leh oo uu ka helay Barlamanka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif sheekh Axmed oo loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya.(

January 31, 2009

Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay  barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray dalka Jabuuti.

 

Musharixiinta uu la tartamay  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Qaliif Galeyr oo helay cod gaaraya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaaraya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

 

 Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo horay 6-daasi musharax iyadoo ay hareen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga haray Cali Qaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga haray tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka haray tartanka iyadoo uusan  goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen  in uu ka haray tartanka.

 
Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in

wareegii labaad loo badalayo  kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hareen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed Siyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

 
Kadib markii ay in mudo ah socotay codeynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaaraya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay  293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii xalay ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii xalay ka dhacday Jabuuti.

 

Maslax Max’ed Siyaad Barre oo goobat ka hadlayay ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay sida ay doorashdu u dhacday isagoo carabka ku dhuftay in uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

 

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay  rasaas xoogan oo mar qura is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 nsubaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta kadibna laga sugayo madaxwaynaha Somalia in uu ka qayb galo kulanka 12aad ee dalalka Africa oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midawga Africa.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers