Bushada reer Baydhabo oo aragti kala duwan ka bixiyay doorashadii madaxtinimada Jabuuti ka dhacday

Baydhabo: Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay horeyna u ahaan jirtay xaruntii baarlamaanka KMG soomaaliya ayaa waxaa ay aragti kala duwan ay ka bixiyeen doorashadii madaxtinimada ee xalay Jabuuti ka dhacday.

Dad badan oo ka mid shacbiga reer Baydhabo oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, waxgaradka, Odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha ka duwan ee bulshada oo maanta microfanka aan la dhexqaadnay ayaa wax ay ka waremeen fikradaha ay ka aaminsanyihiin sheekh Shariif oo isagu xalay ku guuleystay xilka madaxtinimada.

Maxamed Cabdi Isxaaq waxa uu ka  mid yahay aqoonyahanada reer Baydhabo waxa uu sheegay in sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dalka ku soo kordhin doono arimo farabadan dhibaatadana uu ka bixin karo shacbiga soomaaliyeed.

Dadka badan kooda waa kuwa taageyrsan Doorashadii madaxweynaha lagu dooranayay ee xalay ka dhacday Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti xilkaasi oo ku guuleystay guddoomiyihii isbaheysiga dib u xureynta soomaaliy garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Laakiin waxaa jira tiro reer Baydhabo ah oo iyagu qaba fikrado kale oo ah in madaxweynahani cusub waa Sheekh Shariife waxba soo kordhin Karin,isla markaasina marayo wadii ay mareen kuwii ka horeeyay sidaasina waxaa qaba Maxamed wali Xaashi oo waxgaradka reer Baydhabo ka tirsan.

Hadaba su`aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay madaxweynaheena cusub ee xalay lagu doortay dalka Jabuuti muxuu is badal ah uu ku sameyn doonaa Dalka soomaaliya oo in ka badan labaatan sano burbur iyo dhibaato kale uu dalka uu ku jiray.

Ugu dambeyntii, sheekh Shariif Sheekh Axmed Maxadweynaha cusub ee dalka soomaaliya qaab ceynkee  ah uu ula macaamil karaa garabyada hubaysan oo siyaasadda dowladda cusub ka soo jeeda sida dhaq dhaqaaqa AL-shabaab oo xaruntii baarlamaanka soomaaliya ee gacanta ku dhigtay iyo kuwa kale oo mucaaradka ah.

About these ads

2 Responses to “Bushada reer Baydhabo oo aragti kala duwan ka bixiyay doorashadii madaxtinimada Jabuuti ka dhacday”

  1. unsile aboosheey Says:

    Aswb , shekh shariif xaduu durbadiiba ka dego oo wada xadal la yesho shekh muqtaar roobow , waa tii la rabay oo ay wada xadal furaan , laakiin xduu iska fariisto xamar oo waxba aan samaynin waa dhibaato.

  2. unsile aboosheey Says:

    waa inuu durbadiiba ka degaa baydhabo , iyo waa inuu ixtiraafa mamulada ka dhisan shabeelaha hoose iyo jubooyinka , laakiin dadka qaarkood xaduu xadaladooda yeelo waa fashilmaya ,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: