Sheikh Xasan Daahir Aweys oo hogaamiya isbahaysiga dib u xoreynta garabka fadhigiisu yahay magaalada Casmara ee xarunta wadanka Eretria ayaa doorashada sheikh shariif Sheekh Axmed waxaa uu ku tilmaamay mid aan micno laheeyn sida uu hadalka u dhigay.
Xasan Daahir ayaa doorshada Sheikh Shariif waxaa uu ku tilmaamay mid isaga iyo kooxdiisaba aan micno weyn ugu fidhanin isagoo intaa ku daray in gushaasi aysan shaqo ku laheeyn isaga iyo kooxda uu hogaamiyu.
Sheikh Xasan oo wareysi gaaban siinayay TV-ga afka carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa waxaa uu sheegay in arinta u dhaxaysa isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed aanan aheeyn codeyn ee ay ku qotonto mabaadii sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in iyagu ay muhiimadda siinayaan mubaadii’da iyo danaha guud isagoo sheikh shariif ku eedeeyay in uu ka weecday afkaartii u taalay isbahaysiga dib u xoraynta.
Waxaa uu sidoo kale ku tilmaamay Xasan Daahir Aweys kursiga uu doonayo in uu ku fadhiisto sheikh Shariif mid dhalanteed ah oo caga adag aan ku taagnayn isagoo ku cel celiyay in sheikh Shariif uu yahay nin ka weecday mowqifkii uu lahaa isbahaysiga.
Hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ku soo aadyaa xili habeenimadii xalay gudoomiyihii isbahaysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo doortay in uu yahay madaxweynah Soomaaliya kadib markii uu ku guulaystay cod aqlibiyad leh oo uu ka helay Barlamanka Soomaaliya.
January 31, 2009 at 6:54 pm |
waxaa mucjiso ah aw xasan daahir waa tii sheesh shariif uu ahaa xogaamiyaha maxkamadaha , markaasi raali ayuu ka ahaa , laakin xadda waa ka soo xorjeeda reewinwayba eraase ( xilibkaa fadee fuutka fanfane) , waxaan ula jeeda markaasiba raali ayuu ka ahaa xada muxuu u taageeri waayay somalia way daashay oo xaraarug bay joogta , xadalka ka soo yeeraro awoow awees waa nabadaan aniga keenin nabad ma noqoto, somaalida waxaan u sheegayaa xadda ka dib inqof kasta oo la soo dooranaayo waa in la weydiiyaa muxuu u qabtay shacbiga somalia? waxaa aan soo dhaafnay in qofkii dhiiga shacbiga daadiyo madaxweyne noqdo
October 13, 2009 at 4:55 pm |
gaalkacyo waankusalaamay eeweli mawxaadjoogtaa greega mise waadka baxday