Maxkamadaha Islaamka garabka magaalada Asmara ugu qaabilsan gudaha Somalia Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho kaasoo uu kaga hadlayey xaaladaha ka socda Jabuuti, gaar ahaan mowqifka ay dhinacooda ka taagan yihiin xilka madaxweynenimo ee xalay Baarlamanka isku dhafka ah ee DF u doorteen inuu qabto Sheekh Shariif sheekh Axmed, kaasoo isla maantana xilkaasi loo dhaariyey.
Waxaa uu sheegay in Dowladda xalay madaxweynaheeda loo dhaariyey Sheekh Shariif iyo tii C/llaahi Yuusuf ee sida uu sheegay ay horey ula dagaalameen ay yihiin kuwo isku mid ah oo uusan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya “Dowladdii C/llaahi Yuusuf ee aan la dirirnay iyo tan Sheekh Shariif madaxda looga dhigay waa isku mid Waayo C/llaahi waxaa uu ku dhaartay inuu ilaalinayo dastuurka gaaladu soo qorqortay ee Mbaghati, Sheekh Shariifna sidoo kale ayuu ku dhaartay” ayuu intaa ku daray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sidoo kale xusay in shacabka Somaliyed aysan nabad iyo cadaalad ka heli karin wax aan aheyn ku dhaqanka shareecada Islaamka, horeyna loogu soo daalay waxyaabo sida uu sheegay ay ka mid yihin Dimoqraadiyad shuuciyad IWM.
“Mas’uuliyintan hadda lala leeyahay madax baa loo doortay, waxaa horey loogu aaminay mabaadidii Islaamka, waxay iclaamiyeen Jihaad, waxaana ku dhintay kumanaan mujaahidiin ah, kumanaan kale waa ku dhaawacmeen, qaarkoodna xubnaha muhiimka ah ee jirkooda ayey ku waayeen, nasiib daro balankii ay ALLE la galeen ee ahaa iney difaacayaan kitaabka ALLE waa ka baxeen, balankii ay mujaahidinta la galeena sidoo kale waa ka baxeen waxayna qaateen dastuurkii Mbaghati ee aan la dagaalameynay” ayuu yiri sidoo kale mas’uulkan ka tirsan maxaakiimta Islaamiga ah garabka magaalada Asmara ee uu gudoomiyaha u yahay Dr. Cumar Iimaan Abubakar.
“Waxay ku cisoobeen, Magacaas ay maanta leeyihiina ku gaareen, iyagoo aan la aqoonin waa shareecada Islaamka, haddey ka tanaasuleena Alle waa duleyn doonaa dhinaca kale waxaan cadeynaynaa in jihaadka dalka ka socdana uusan joogsan doonin arintana waxba u dhimi doonin, mujaahidiintana wey dagaalami doonaan illaa ninka ugu dambeeya uu ka shahiido ama ay ka taam noqoto shareecada Islaamka” ayuu yiri sidoo kale yiri Sheekh Muuse Cali Caraale.
Waxaa uu ugu dambeyntii baaq u diray shacabka Somaliyed isagoo u booriyey ineysan ku dagmin wax uu ugu yeeray shirqoolka ka soo socda magaalada Jabuuti oo uu xusay inuusan wax xal ah ugu jirin, isagoo dhinaca kalena mujaahidiinta ka dagalameysa gudaha dalka Somalia ugu baaqay iney sii wadaan dagaalka illaa sida uu hadalka u dhigay ku dhaqanka shareecada Islaamka ay ka taam noqoto “Waxaan sidoo kale baaq u dirayaa ciidamada shisheeye ee dalka jooga iney si deg dega dalka isaga baxaan, kuwo kalena waa ineysan imaan, xalka waxa uu ku jiraa gacanteena, umana baahnin xal dibeda laga keenay oo gaalo wadato, maxaa yeelay ILAAHAY ayaa ina siiyey diin dhameystiran oo wax walba lagu kaamilay” ayuu hadalkiisii ku soo afjaray Ku-xigeenka 1-aad ee madaxa maxkamadaha Islaamka garabka Asmara ugu qaabilsan gudaha Somalia Sheekh Muuse Cabdi Caraale.
February 2, 2009 at 1:22 pm |
Somalida boqolkiiba 70 waxay taageersanyihiin dhalinyarada muqaawamada ayaga dagaalamay oo ka saaray itobia shiirtooy , awoow aweys iyo shariifow due bistoole labadiina midna wuxuu ag fadhiyaa Afkawere sharifoow due bistole adigana waxaad ku dhaaratay inad dastuur nin binicaadam sameeyay qaramada midoowayna way kuu sacbatuntay oday waxgartana way kuu codeeyeen ,mar xadii arintu sidaasi tahay sheekadu ma waxay noqon doonta inta xawiyaha joogo uunba madax u ahaanayaa inta kale dagaal ayaan ku qaadayaa miya sidii abdulahi yusuf sameeyay oo kale .