Doha(Waajidpress)- Hogaamiyaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hor hadlay hogaamiyaasha Carbeed ee wada xaajoodyada ku leh magaalada Doha ee dalka Qadar, wuxuuna ujeediyey khudbad ku aadan xaalka dalka Soomaaliya,
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa usheegay dalalka Carbeed in ay ubaahan yihiin taageero caalami ah oo lasiiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,ayadoo laga taageerayo dhinacyada dibu dhiska dalka, amaan soo celinta iyo dhaqaalaha.
Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in ay dawladiisu mudadii ay jirtay ay waxyaabo ka qabatay magaalada Muqdisho, oo ah magaalo madaxda dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo amaan daro, isagoo cadeeyey in ay hada wadaan dhismaha ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed.
” Waxaan idinka baahanahay hadii aan nahay dawladda faderaalka ee Soomaaliya in aad naga taageertaan waxyaabaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu dhisi laheyn Soomaaliya, amaankeedii usoo celin laheyn iyo dhaqaale aad nagu taageertaan waayo waxaan ubaanahay in dhaqaale badan aan helno dalkeenuna maleh, dhaqaalaha aan ubaanahay” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.
Shariif wuxuu ka codsaday dawladdaha carbeed in ay isku dayaan in kooxaha wali ka dagaalamaya dalka Soomaaliya ay la hadalsiinayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in kooxahaasi laga mid dhigo dawladda Soomaaliya, si loo gaaro buu yiri ” xasilooni waarta oo ka dhacda dalka aan daganaanshaha badan ka jirin ee Soomaaliya” Ayuu yir Shariif Sheekh Axmed.
Waa hadaladii ugu horeeyey oo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka horjeediyo madaxda dalalka carbeed tan iyo markii lugu doortay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana hadaladiisan ay ku soo beegmayaan xili dawladda Soomaaliya ay dooneyso in ay wax ka qabato amaanka Muqdisho.