Doha: Madaxweyne Shariif oo la hadlay Hogaamiyaasha Carbeed

Doha(Waajidpress)- Hogaamiyaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hor hadlay hogaamiyaasha Carbeed ee wada xaajoodyada ku leh magaalada Doha ee dalka Qadar, wuxuuna ujeediyey khudbad ku aadan xaalka dalka Soomaaliya,

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa usheegay dalalka Carbeed in ay ubaahan yihiin taageero caalami ah oo lasiiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,ayadoo laga taageerayo dhinacyada dibu dhiska dalka, amaan soo celinta iyo dhaqaalaha.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in ay dawladiisu mudadii ay jirtay ay waxyaabo ka qabatay magaalada Muqdisho, oo ah magaalo madaxda dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo amaan daro, isagoo cadeeyey in ay hada wadaan dhismaha ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed.

” Waxaan idinka baahanahay hadii aan nahay dawladda faderaalka ee Soomaaliya in aad naga taageertaan waxyaabaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu dhisi laheyn Soomaaliya, amaankeedii usoo celin laheyn iyo dhaqaale aad nagu taageertaan waayo waxaan ubaanahay in dhaqaale badan aan helno dalkeenuna maleh, dhaqaalaha aan ubaanahay” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.

Shariif wuxuu ka codsaday dawladdaha carbeed in ay isku dayaan in kooxaha wali ka dagaalamaya dalka Soomaaliya ay la hadalsiinayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in kooxahaasi laga mid dhigo dawladda Soomaaliya, si loo gaaro buu yiri ” xasilooni waarta oo ka dhacda dalka aan daganaanshaha badan ka jirin ee Soomaaliya” Ayuu yir Shariif Sheekh Axmed.

Waa hadaladii ugu horeeyey oo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka horjeediyo madaxda dalalka carbeed tan iyo markii lugu doortay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana hadaladiisan ay ku soo beegmayaan xili dawladda Soomaaliya ay dooneyso in ay wax ka qabato amaanka Muqdisho.

About these ads

One Response to “Doha: Madaxweyne Shariif oo la hadlay Hogaamiyaasha Carbeed”

  1. sheekhal gordhow Says:

    Ilaaheey swt wuxuu ku yiri Kitaabkiisa kariimka ah ” Innal munaafiqiina fii darakil asfali minannaari” qowli ayaa run ah, taasoo mecnaheedu uu iska cad yahay.

    Waxaa kaloo aan ognahay in munaafaqa uu leeyahay calaamooyinkani:

    b) Haddii uu hadlo been buu sheegayaa.

    t) Haddii uu ballan qaado, wuu ka baxayaa balantu

    j) Haddii wax lagu aamino, wuu khayaanayaa.

    Sifaalooyinkaas oo dhan waxaa yeeshey ninka aad hadda leedihiin waa madaxweyne ama mas’uul ummadeed iyo nimanka aad ku tilmaameysaan madaxda carbeed oo kulligooda ah wada khaa’imiin oo dantooda keliya halkaas u fadhiya iyadoo ay ummaddii sugeysey kumayaal maalin kasta korkooda lagu tijaabinaayo hubka hadba kii cusub.

    Bal ila eega ninkii shaleyto afka macaa oo iska dhigaayey wali loo soo direy somalidu inuu durbadiiba bilaabey inuu tuuro qamiiskii cadaa , cimaamadii iyo tusbaxii uu beentu ugu sheegi jirey ummadda , illeen Ilaaheey been looma sheegi karee maxaa yeeley wax ka qarsoon baan jirin sw.

    Shariifka waa ninkii hawlihii maxaakiim ku sheegta ka leexiyey in wax laga qabto dhibaatada ka jirtey Jubada hoose , tan dhexe iyo sh. hoose isagoo si buuxda uga xishoonaayey amaba ka baqaayey beesha ceyr oo iyada soo abuurtey viruskan shariifka loo yaqaan ka dib markii meel fagaaro ah waa beerta shiikh saayid ee afgooye dhexdeeda ku yiri ” sh. hoose iyo jubboyinka wax dhibaato ah ma jiraan, waxaana mas’uul ka ah indha cadde oo ah nin awliyo ah” waa arrin duuban cod ahaan iyo muuqaal ahaan, waana la haaya.

    waxaa kale uu sameeyey oo iyana ah markhaati ma doonto ‘ inuu har cad uga soo cararey kooxdii ay dulmiga ha ahaadee ay ku heshiiyeen iyagoo diyaarado garaacaya ayaa isagana diyaarad khaas ah ee mareykanka leh lagu geeyey safaaradda mareykanka ee nairoobi/kenya, taasna waa la hayaa caddeynteeda, waxaana laga soo saxiixdey inuu ka takhalluso teamkiisa iyo inu ummadda somaliyed u baneeyo dhiiggeda iyo sharafteeda ciidamo shisheeye iyo kuwa beeshiisa iney dhammeystiraan waxii dhaawac ah, waana socotaa.

    Wuxuu ku biirey isla teaamkiisa lana aadey asmara isagoo ugu dan lahaa inuu soo basaaso, kursina magacooda ka helo, ka dibna la soo goosto intii isaga oo kale ahaa ee ay ugu weyn yihiin shariif xasankii baarlamaanka , ibbi, fawsiyo, maxamed acbdi, suleymaan olaad iyo kuwo fara badan oo xariif ku noqdey iney iska dhuuqaan dhiigga somaliyed xitta iyagoo meyd ah.

    Waxey ahayd dorrad markii uu yiri waxaan raacayaa go’aanka culimada somaliyed oo ahaa inaan ciidamo shisheeye dalka la keenin, iyo in 120 maalmood gudahooda ay ku baxaan kuwa jooga ee AMISOM iyo inuu sharecada dalka ku dhaqi doono

    Maxaa ka dambeeyey taasii in ciidamo ay baxaan iska daayee in kumanaan kale ay maalin cad ka soo degaan muqdisho, intaas looguma harinee ee waxaa la farey inuu idaacadda ka sheego ineysan AMISOM baxeynin ee la soo kordhinaayo iyo inuu ku dhaqmaayo heshiiskii djibuti oo aan la ogeyn waxa ku qoran.

    marka waxaan idinka codsanayaa inaadan kor yeelin ninkaas munaafaqa ah iyo inta la jirto maxaa yeeley ummad iyo Ilaaheey ayey doonayaan iney khiyaamaan mana noqoneyso maxaa yeeley Ilaaheey wuxuu kitaabkiisa ku yiri ” Yukhaa dacuuna allaha walladiina aamanuu, wamaa yukhaadacuuma illa anfusihim , wamaa yashcuruuna”.

    Bal aan eegno waxa ay somaliya u soo kordhiyaan iyo halka ay ku dambeyn doonaan insha Allah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: