Boqore “Shareecada Islaamka waxaan u hirgelin doona siduu Alle u soo dajiyay, AMISOM way baxayaan”

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Islaamiga Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka meer meeri doonin hirgelinta Shareecada Islaamka oo uu dhowaan ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Shareecada Islaamka ay ku dabaqdo sidii Alle u soo dajiyay, waxaana uu carabka ku dhajiyay in Ciidamada AMISOM ay dalka ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.

“Shareecada Islaamka waxaan u hirgelin doona siduu Alle u soo dajiyay, Ciidamada AMISOM ee la leeyahay ha baxeen way baxayaan”ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqore oo xalay la hadlayay Idaacadaha qaar ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM aanay dalka sii joogeyn, ayna ka bixi doonaan, waxaana uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in dhinacyada Soomaalida ka heshiiyaan wixii caqabad ah oo dib u heshiisiinta iyo nabada ku horgudban.

Hadalka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu adkeeyay in Ciidamada AMISOM aanay dalka ka baxeyn ilaa laga dhameystiro dib u heshiisiinta.

About these ads

One Response to “Boqore “Shareecada Islaamka waxaan u hirgelin doona siduu Alle u soo dajiyay, AMISOM way baxayaan””

  1. Mire Says:

    Waad salaaman tihiin giddigiin!

    Walaaleyaal, adinkoo mudan..

    Walaaleyaal ma jirto wax la yiraahdo diin Islaan ee waa wax dadka danyarta ah oo aqoonta guud ee dunida maanta ah saboolka ka ah ee ay Carabtu u sameysatay inay dadkeeda (oo markaas kala daadsanaa) isugu keento hal fikrad oo isla iyaga u shaqeysa.

    Runtii, diin-ku-sheeggaani waa mid ibtilo u horseedday dadkeena oo kunkii sano ee la soo dhaafay dhagaxa madow ee Sucuudiga ku yaal ay u sujuudayeen. Sucuudigu waa dalka sida ugu fooxashun ula dhaqma dadka an Carabta aheyn, waliba kuwa Carabta ah ayey quursadaan, iska illow Soomaali iyo kuwo kale oo madmadoow. Sucuudigu wuxuu diiday in dad Soomaaliyeed oo tabaaleysan uu dalkiisa ku saacido, wuxuu diiday in dad Soomaaliyeed oo dalkiisa ku geeriyooday lugu aaso ciiddiisa – ciidda ay u tukan jireen kun sannadood. Adduunyooy xaalkaa ba’!

    Anigu waxaan diintaan ka tagey oo an isaga baxay markaan muddo dheer si cilmiyeysan iyo si kaleba ugu kuurgalay. Waxaan ogaaday in duldulleelo badan oo dadkeenna iyo dalkeenna ka muuqda iyadu sal u tahay. Ha oran”diinta maahee waa dadka oo si xun u fahmay!”

    Diintaan dadku wadankooda uga cararayeen oo ay dhul gaalo ammaan bideen, oo adduunka oo dham khaati ka taagan yahay, iyadu miyeysan yeelan karin wax dhaliil ah? Ma ildho la’aan iska soco ayey arrintu tahay?

    Dhaqankeenii waa la beddelay, afkeenni, magaceennii…
    Bal eega adibna!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 30 other followers

%d bloggers like this: