Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Shariif.

Hogaamiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabkiisa Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho aya wada abaabul xoog leh oo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Shariif.

Ilo wareedyo muhim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan uu kulamo gooni gooni ah kula yeelanayo Muqdisho xubno muhim ah oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameedyo iyadoona kulamadaasi uu diiradda ku saarayo mowqif mid ah oo laga istaago xukuumadda KMG ah.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhawaan dalbaday in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Al-Shabaab iyadoona kulan saacado qaatay ay wada galeen balse aan la ogeen waxyaabihii ay kuwada heshiiyeen sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka horeeyay kulamo uu Sheekh Xasan la qaatay qaar kamid ah horjoogayaasha beelaha Muqdisho iyo ganacsatada caanka ah kuwaasi oo uu kala hadlay qaabka loo wajahayo marxaladda cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo maamul mideysan in xoogaga Islaamiga ah ay kaga dhawaaqayaan dalka Somaliya isla markaana si toos ah ay uga hortagayaan dawladda madaxweyne Shariif iyo ciidamada AMISOM.

About these ads

One Response to “Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Shariif.”

  1. Jaamac Dhurwaa Says:

    XASSAN DAAHIR WUXUU WAKIIL KA YAHAY DANAHA ERITREA AY KA LEEDAHAY SOMALIA SIDA UU SHEIKH SHARIIF WAKIIL UGU YAHAY DANAHA ETHIOPIA AY SOMALIA LA LEEDAHAY.

    MARKA WAA ISKA CADDAHAY IN LABADAAN SHAKHSI AYSAN KU HESHIIN KARIN NABAD XITTAA HADDII AY IYAGA SIDAAS RABAAN, WAANA KU QASBAN YIHIIN INEY DAGAAL JOOGTA AH OO AAN LAGU KALA ADKAAN KARIN AY KU DUL DAGALLAMAAN SHACABKA KORKIISA.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 30 other followers

%d bloggers like this: