Archive for June, 2009

War Deg Deg ah: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya .

June 30, 2009

Qarax miino oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee soomaaliya.

Qaraxani oo ka dhacay xaafada 21-ka octopar degmada Waaberi ee gobolka Banaadir islamarkaana lala eegtay gaari market two ah oo ay wateen ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa waxaa ku geeryooday inta la ogyahay ilaa 1-qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 2-kale oo iyna rayid ah .

Dakdka ku dhaqan degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah kuwaasi oo agdhawaa goobta qaraxa miino uu ka dhacay.

Lama oga wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamadii gaariga sarnaa ee qaraxa lala eegtay oo ahaa sida la sheegay ciidamada booliska dowladda KMG ah.

Dhanka kale Askari katirasanaa ciidamad dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku geeryooday degmada Dherkeenley ee gobolkaani Banaadir.

Geerida askarigan ayaa timad kadib markii sida la sheegay qarax bam la gutuuray ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliye ee ku sugan degmada Dherkeenleey ee gobolka Banaadir ,waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay askari kale oo katirsanaa ciidamada dowladda KMG oo isna goobta qaraxa lagu tuuray ku sugnaa.

Wararka laga helayo degmada Dherkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay shegaayaan in marka uu falkaasi dhacay ka dib ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan halkaasi ay xireen dhamaanba dhaqdhaqaaqi ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha ee xaafadaha degmad Dharkeenleey ka jiray, inkastoo barqanimadii maanta uu dib u soo laabtay dhamaanba isku socodka dadka iyo gaadiidka ee halkaasi ka jiray.

Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed oo u duuley Libiya

June 30, 2009

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, halkaasoo diyaarad qaas ah ka qaaday isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne Shariif ayaa ku sii jeeda dalka Libiya oo uu uga qeyb galayo Kulanka Madaxweynayaasha Afrika oo 1-da bisha July ee soo socota uga furmi doona Magaalada Sirte ee dalkaasi Libiya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Wasiiro iyo xildhibaano kala qeyb geli doona kulankaas, iyadoo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Oomaar uga sii horeeyo Sirte.
Waxaa halkaas Madaxweynaha kaga sii horeeyey oo laga casumey Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta
Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in qudbad ku aadan xaalada soomaaliya uu ka hor aqriyo kulan madaxeedka Midowga Afrika, waxaana qudbadaas uu diirada ku saari doonaa dagaalada ay ku hayaan mucaaradka iyo sida Dowladdiisa u dooneyso in la taageero.

Ururka Midowga Afrika ayaa ka fiirsanaya suurta gelnimada fara gelin milateri oo lagu sameeyo Soomaaliya, xilli Dowladda ay sii liiceyso isla markaana inta badan dalka ay kala wareegeen xoogaga Mucaaradka.

Gudoomiyaha Baarlamaan Sheikh Aadan Madoobe oo ka qeyb-galaya dabaldega xornimada Jabuuti oo ku aadan maanta Jun 27

June 26, 2009

Dowladda Federaalka KMG ah, gaar ahaanh Madaxweynaheeda Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa isagu si gaar ah uga hadlay xuska maalinta xornimada dalka Jabuuti, waxaana qoraal dheer oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya u Madaxweyne Shariif uga hadlay arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee aqristayaasheena ayaan u door bidnay inaan u soo gudbino nuqul ka mid ah warqadii uu Madaxweynaha ku nuux nuuxsaday, waana tan iyadoo sideeda u qoran:-

Warsaxaafadeed
Ref: 1505/W/WWM/09
Khamiis: 26-06-2009

Hanbalyo ku aadan Maalinta Xuriyada Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed isagoo wakiil ka ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogaba waxaa uu dhanbaal hanbalyo, u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ku aadan sanadguurada 32-aad ee xurnimada Dalka Jabuuti(June 27, 1977). Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tilmaamay iney xurnimada Jabuuti, ay farxad u ahayd dhamaan shacabka Soomaaliyeed , sida Ummada Jabuuti ay guul iyo raynrayn ugu ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanbaalkiisa hanbalyo ku sheegay in “Xiriirka ka dhaxeeya labdeena dal inuu ka qoto dheer yahay midka ummadaha kale ka dhexeeya, maxaa yeelay keenu waa mid ku saleysan dhiig, dhaqan, af iyo diin intaba.

Taasina waxay aad usii caddaatay wixii ka dambeeyey 1990; markii dowlada Soomaaliyeed uu burburku ku dhacay ee dagallada sokeeye ay dalkaygii iyo dadkaygiiba aafeeyeen”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Adan Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ay kala qeyb galayaan dabaaldaga sanadguuradii 32 aad ee ka soo wareegtay xurnimada Jabuuti taasoo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer.

Dowladda Federaalka oo Maanta Lacago u qaybisay Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii Dowlada ee ku dhintay dagaalada Muqdisho

June 25, 2009

Dowladda KMG Somalia ayaa aanta Lacago u qaybisay qoysaskii ay ka dhinteen Kontomeeyo Dhalinyara ah oo katirsanaa Maxaakimta islaamka ee dowladda ku biiray.

Saraakiil katirsan Ciidanka Maxaakimta Dowlada ku biirtay iyo Hoggaamiya Beeleedyo kasoo jeedo Beelaha Mudulood iyo Cayr ayaa maanta Lacago siisay Ehelada Askartii Maxaakimta ee ku dhintay dagaalada Muqdisho.

Dad kamid ahaa Qoysaskii lacagaha meg dhawga ah la siiyay ayaa Waajidpress.com u xaqiijiyay in Lacag katimid Madaxweyne Shariif gacanta laga geliyay islamarkaana loo sheegay in Bil walba ay heli doonaan lacago Dollar ah.

Lacagaha ugu badan ayaa loo qaybiyay Jufooyinka Ceyr iyo Agoonyar oo kawada tirsan beelaha Habar Gidir iyo Mudulood oo siweyn uga dagaalamayay Isbartiibada iyo Isgoyska Fagax.

Madaxweyne Shariif ayaa Qoys Walba siiyay lacag dhan $50 Dollar, Lacagahan ayaa la doonayaa in lagu dhiso Mooralka beelaha kadib markii qaar katirsan Beelahaasi ay bilaabeen in Wiilashooda ay kala baxaan Ciidan kadib markii ay soo bateen guul darada dowladda.

Khawaarijta oo Mucjiso la yaableh la kulmay,dumina ku hayo Masjidka Sheekh Cali Maye

June 25, 2009

Kooxaha Khawaarijta ayaa shalay waxay weerar dumina ku qaadeen Khabriyo uu ka mid yahay kan Sheekh Cali Maye,waxayna ka fagteen lafo hassse yeeshee nasiib darada ku dhacday ayaa noqotay ka gadaal markii ay lafo ay gurteen ku noqdeen dhagxaan iyo waxyaabo ay la yaabeen.
Sarkaal ka tirsan Khawaarijta fagayay khabriga Sheekh Cali Maye ayaa sheegay inaan lafahii Sheekh Cali Maye la helin oo bedelkeed khabriga la dhex dhigay dhagxaan loo soohay sida lafaha.

Masjidka Sheekh Cali Maye ee Magaaladda Marko ayey aroornimadii maanta baldoos geliyeen,waxayna casir gaabkii dhulka dhigeen Masjidka oo ay sheegeen inay ka baarayaan lafahii Sheekh Cali Maye.

Khawaarijta Shabaab waxay aroornimadii hore sidoo kale burburin ku bilaabeen Khabriga Sheekh Xasan Yuusuf oo ay isagana wax lafaa haba yaraatee ka waayeen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Mucjisada ay la kulmeen Khawaarijta,wararka qaar waxay tilmaamayaan in lafaha Sheekhyadda waaweyn laga sii saaray,laguna aasay meelo kale oo sira halka warar kalena tibaaxayaan inay dhacdadaani tahay mucjiso rabaaniya.

Dhinaca kaleKhawaarijta ayaa weerar ku qaaday siyaaro Marko loogu sameeynayay Sheekh Maxamed Sheekh Cali Maye oo isagana ah wiil uu dhalay Sheekh Cali Maye,waxayna badda ku shubeen xoolahii qalnaa halka ay kaxeeysteen kuwii noolaa iyagoo ku sheegay qaniimo.

Warbaahinta gudaha Somalia ayaa ka aamusan dhacdooyinka isdabajooga sababa la xiriiro cabsi ay qabaan.

Dadka Marko oo laga dareemayo caro xoogan ayaa warkooda ku koobay”ILAAHAA JOOGA”

Khawaarijta Shabaab la baxday waxay falalka guracan geeysanayaan xilli ay muuqato inay ku jiraan saacadihii ugu dambeyay ee lagu afjarayay tacadiyadooda ka baxsan Islaamnimada,Somalinimada iyo Bini-aadamnimada.

Mareykanka oo markab Hub ah iyo lacag u soo diray dowlada Somaliya si ay isugu difaacdo.

June 25, 2009

Dowlada mareykanka ayaa hub lagu soo raray maraakiib u soo dirtay soomaliya kuwasoo la doonayo inay isku difaacdo dowlada Soomaliya oo halis ay ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda ee ku xiran ururka Al qaacida waa sdia ay qortay wargeyska mareykanka ugu caansanee washington post.

Markabkan ayaa ku soo xirtay dekada muqdisho sida ay sheegeen saariil ka tirsan dowlada mareykanka oo sheegay inay Dowlada obama ay dooneyso in laga adkaado kooxda ay u aqoonsan yihiin inay argagixiso yihiin ee Al shabaab.

Sarkaal u hadlay washington post wuxuu sheegay in ay hubkani u direen soomaliya si aysan dowlada Soomaliya u bur burin isagoo sheegay inay doonayaan in dowlada ay shaqeyso oo ay ka adkaatao kooxaha Islaamiyiinta ee Alshabaab.

mareykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay caawiyaan dowlada Soomaliya madaama aysan dooneynin inay kooxaha dowlada ka soo horjeeda ay la wareegaan soomaliya taasoo ay u mareykanka u arkan inay hooy u noqon doonto ururka Al qaacida.

Wasiirka Arimaha Diinta ee dowlada Soomaliya oo ay Washington Post wareysatay ayaa waxa uu sheegay inay hore u sheegen inay soo dhaweynayaan cid kasta oo taakulo dhinaca meleteri ku taakuleyneysa dowlada Soomaliya.

Marka laga soo tago hubka ay Mareykanka soomaliya u soo dirtay sidoo kale Washington Post waxa ay sheegtay in mareykanka ay dowlada Somaliya siiyeen lacag gaareysa 10 milyan oo doolar oo dib loogu dhiso ciidan soomaliya kaasoo ah 1970meeyadii ciidankii ugu fiicnaa qaarada Afrika.

Wasiirka arimaha debeda ee soomaliya oo isna u waramayay wargeyskaasi ayaa sheegay in mareykanka uu dowlada soomaliya ka caawiyo dhinac walba hadii ay ahaan laheyd dhinaca dhaqaale, dhinaca meleteri iyo dhinac diblumaasiyadeed.

Xarakada Alshabaab oo saaka la wareegay Deegaanka Ceel Baraf ee G/Sh/Dhexe

June 25, 2009

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waabarigii saaka howl gallo is ballaarin ah ku gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay isku uruursanayeen Ciidamadii Maxkamadaha ee laga saaray Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Ciidamadan oo ahaa kuwo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Jowhar, kuwaasoo ka yimid dhinaca Muqdisho, waxaana ay isla xalay u dhaqaaqeen deegaano dhowr ah.

Deegaanka Ceel baraf oo ahaa saldhig weyn oo ay isku abaabulayeen Ciidamadii Maxkamadaha ayaa la sheegay inay halkaas saaka si nabad kula wareegeen Xarakada Alshabaab, waxaana la ogeyn halka ay afka aadiyeen Ciidamadii kale ee ku sugnaa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay ka wadaan deegaanka Ceel Baraf iyo deegaano kale howl galo ballaaran, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda saraakiisha hogaamineysa ay la hadlaan dadka.

GOLAHA BARLAMAANKA DAWLADA BAHRAIN OO LA KUMAY WAFDI KATIRSAN BARLAMAANKA DAWLADA KUMEELGAARKA SOOMALIA..

June 25, 2009

Saxaafada wadanka Bahrain ayaa ka hadashay arimaha Soomaliya kadibmar kii ku xigeen koowaad ee Golaha Baarlamaan Mamlakada Bahrain mudane QAANIM ABUU CAYNEEYN uu ku qaabilay shalay xafiiskiisa wafdi uu hogaaminayay xildhibaan Abdulaahi Xaaji Maxamuud (BARBAAR) oo isagu katirsan xibnahay baarlamaan ku meel gaarka soomaliya waxayna isla soo qaadeenguud ahaan arimaha Soomalia gaar ahaan xirika udhaxeeya Golaha Baarlamaanka mamlakada Bahrain iyo kan Baarlamaan Somalia .

Mudane Barbaar iyo wafdigiisa oo kusugnaa maalmihii maalmihi la soo dhaafay caasimada wadanka Bahrain ee Manama ayaa ugudbiyay fariin oo uu oga siday Godoomiiyaha Barlamaanka Soomaliyeed mudne Sheikh Adan Madoobe taasoo ku saabsaneeyd buuqasho uu soo booqanaayo Mamlakada Bahrain si uu ula kulmo dhigiisa madaxa Golaha Baarlamaan ee mamlakada Bahrain mudane KHALIIFA DAHRANI xiriirkalabdawadan oo walaaha ah udhaxeeya.
Dhinaca kale Godoomiyaha Golaha barlamanka ee wadankaasi mudane DAHRANI ayaa soo dhaweeyaya arinta booqashada kadib markii habeenkii ka horeeyay uu wafdigii uu hogaaminayay xildhibaan abdulaahi barbar taas oo muuqaalka wanaagsan tusineeysa arimaha ka jira gudha Soomaliya .ayadoo lafilaayo mardhaw in uu soo booqdo halkaasi Godoomiyaha Barlamanka Somalia mudna Sheikh Adan Madoobe .

Waana wafdigii ugu horeeyay oo booqasho kutagay mamlakada Bahrain tan iyo intii la soo doortey dawlada uu Hogamainayo madaxweynaha dowlada kumeel garka ah ee Somalia mudane sheikh shariif Sheekh Axmed .

Iska horimaad u dhexeeya ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maxkamadaha Islaamka oo ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Sh/dhexe

June 25, 2009

Dagaalo u dhexeeya ciidamada xarakada mujaahidiinta Al Shabaab iyo xoogaga maxkamadaha Islaamka ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaano Ceel baraf oo ku yaala nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe sida wararku ay sheegayaan.

Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ciidamada xarakada mujaahidiinta Al Shabaab oo saaka si amaan ah kula wareegay deegaankaasi ay is fara saareen xoogaga maxkamadaha Islaamka ee taageersan DF Somalia oo ku sugnaa meel ka baxsan degmada Ceel baraf, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gedisan.

Lama oga ilaa qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalaamay waxaana hada degan xaalada deegaanjkaasi inkadroo xiisao coladed laga dareemayo kuwaasoo u dhexeeya ciidamada xarakada mujaahidiinta Al Shabaab iyo xoogaga maxkamadaha Islaamka.

Ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa bil iyo bar ka hor la wareegay magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay ee isla gobolka Sh/dhexe oo ay maamuli jireen xoogagii midowga maxaakiimta ee taageersanaa DF Somalia, mana jiro ilaa hadda war la wareegida Ceel baraf ku saabsan ka soo baxay xoogagii midowga maxaakiimta ee taageersanaa DF Somalia.

Meles Zenawi: Waxaan u aragnaa in la taageero Dowlada KMG, balse anaga waxaan ka war sugeynaa ……

June 25, 2009

Dowladda Itoobiya Ra’iisul wasaaraheeda Atto. Meles Zanawi ayaa jawaab cad ka bixiyay hadal heynta maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay, kaasi oo ku aadan ciidamo Itoobiyaan ah inay galaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya in aanu aaminsanayn in dhinacyada ka horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ay ku guuleysteen riditaanka xukuumadda KMG Soomaaliya, isagoona sheegay in arrimaha haatan ka taagan Soomaaliya ay u arkaan in Dowladda KMG ay heystaan xaalado aad u adag.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Itoobiya waxa uu sheegay in xukuumadiisu soo dhoweyneyso dalabka Dowladda KMG Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in xilligan aanay gudaha dalka Soomaaliya u direynin wax ciidamo ah.

“Waxaan u aragnaa in Dowladda KMG ah la taageero, balse anagu waxaan ka war sugeynaa jawaabta beesha caalamku ka bixiso dalabkeedii ciidamo geynta Soomaaliya” ayuu yiri Meles Zenawi oo dhinaca kale sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay iyagu ku filan yihiin jiritaanka Dowladda KMG Soomaaliya, isagoona sheegay inay iska difaaci karaan oo ay awood u leeyihiin weerar kasta oo kaga yimaada kooxaha mucaaradka ah.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in laga yaabo ciidamada Itoobiya inay galaan gudaha dalka Soomaaliya haddii buu yiri ay u arkaan in dalkooda khatar uga imaaneyso dabka ka holcaya dalkaas mudada labaatanka sano ku dhow.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers