Dowladda Federaalka oo Maanta Lacago u qaybisay Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii Dowlada ee ku dhintay dagaalada Muqdisho

By waajid

Dowladda KMG Somalia ayaa aanta Lacago u qaybisay qoysaskii ay ka dhinteen Kontomeeyo Dhalinyara ah oo katirsanaa Maxaakimta islaamka ee dowladda ku biiray.

Saraakiil katirsan Ciidanka Maxaakimta Dowlada ku biirtay iyo Hoggaamiya Beeleedyo kasoo jeedo Beelaha Mudulood iyo Cayr ayaa maanta Lacago siisay Ehelada Askartii Maxaakimta ee ku dhintay dagaalada Muqdisho.

Dad kamid ahaa Qoysaskii lacagaha meg dhawga ah la siiyay ayaa Waajidpress.com u xaqiijiyay in Lacag katimid Madaxweyne Shariif gacanta laga geliyay islamarkaana loo sheegay in Bil walba ay heli doonaan lacago Dollar ah.

Lacagaha ugu badan ayaa loo qaybiyay Jufooyinka Ceyr iyo Agoonyar oo kawada tirsan beelaha Habar Gidir iyo Mudulood oo siweyn uga dagaalamayay Isbartiibada iyo Isgoyska Fagax.

Madaxweyne Shariif ayaa Qoys Walba siiyay lacag dhan $50 Dollar, Lacagahan ayaa la doonayaa in lagu dhiso Mooralka beelaha kadib markii qaar katirsan Beelahaasi ay bilaabeen in Wiilashooda ay kala baxaan Ciidan kadib markii ay soo bateen guul darada dowladda.

One Response to “Dowladda Federaalka oo Maanta Lacago u qaybisay Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii Dowlada ee ku dhintay dagaalada Muqdisho”

  1. Waanjeel Waajid Says:

    QOF DHINTEY AYAA DIYADIISA AY DHIGEEN $ 50 KONTON DOLLAR HALKA SHARIIF IYO MOORAYAANTIISA HABEENKIIBA AY KU JIIFTAAN HOTELLADA $ 150 , RAASHIIN IYO JAADKANA KA GOONI AH, PLUS IYAGOO MALAAYIIN KU SOO QAATEY MAGACA DADKA AY GUMAADAAN MAALIN KASTA.

    WAXAA KUWAAN TUUGADA AH MUDAN IN MID MID LOOGA ABAAL MARIYO DULMIGA GAAMUUREY OO AY JIDEYSTEEN KULANA KACAYAAN MASAAKIINTA AY MAALIN KASTA KU KHALDAYAAN INEY ISKU LAAYAAN SABAB LA’AAN.

Leave a Reply