Khawaarijta oo Mucjiso la yaableh la kulmay,dumina ku hayo Masjidka Sheekh Cali Maye

By waajid

Kooxaha Khawaarijta ayaa shalay waxay weerar dumina ku qaadeen Khabriyo uu ka mid yahay kan Sheekh Cali Maye,waxayna ka fagteen lafo hassse yeeshee nasiib darada ku dhacday ayaa noqotay ka gadaal markii ay lafo ay gurteen ku noqdeen dhagxaan iyo waxyaabo ay la yaabeen.
Sarkaal ka tirsan Khawaarijta fagayay khabriga Sheekh Cali Maye ayaa sheegay inaan lafahii Sheekh Cali Maye la helin oo bedelkeed khabriga la dhex dhigay dhagxaan loo soohay sida lafaha.

Masjidka Sheekh Cali Maye ee Magaaladda Marko ayey aroornimadii maanta baldoos geliyeen,waxayna casir gaabkii dhulka dhigeen Masjidka oo ay sheegeen inay ka baarayaan lafahii Sheekh Cali Maye.

Khawaarijta Shabaab waxay aroornimadii hore sidoo kale burburin ku bilaabeen Khabriga Sheekh Xasan Yuusuf oo ay isagana wax lafaa haba yaraatee ka waayeen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Mucjisada ay la kulmeen Khawaarijta,wararka qaar waxay tilmaamayaan in lafaha Sheekhyadda waaweyn laga sii saaray,laguna aasay meelo kale oo sira halka warar kalena tibaaxayaan inay dhacdadaani tahay mucjiso rabaaniya.

Dhinaca kaleKhawaarijta ayaa weerar ku qaaday siyaaro Marko loogu sameeynayay Sheekh Maxamed Sheekh Cali Maye oo isagana ah wiil uu dhalay Sheekh Cali Maye,waxayna badda ku shubeen xoolahii qalnaa halka ay kaxeeysteen kuwii noolaa iyagoo ku sheegay qaniimo.

Warbaahinta gudaha Somalia ayaa ka aamusan dhacdooyinka isdabajooga sababa la xiriiro cabsi ay qabaan.

Dadka Marko oo laga dareemayo caro xoogan ayaa warkooda ku koobay”ILAAHAA JOOGA”

Khawaarijta Shabaab la baxday waxay falalka guracan geeysanayaan xilli ay muuqato inay ku jiraan saacadihii ugu dambeyay ee lagu afjarayay tacadiyadooda ka baxsan Islaamnimada,Somalinimada iyo Bini-aadamnimada.

One Response to “Khawaarijta oo Mucjiso la yaableh la kulmay,dumina ku hayo Masjidka Sheekh Cali Maye”

  1. cabdiqaadir Says:

    ilaahay umada hakaqabto shayaadiinta insiga ah ilaahay ayaan oga dacwooneynaa waana ladagaalameynaa insha allahu waala jabinayaa

Leave a Reply