Dowladda Itoobiya Ra’iisul wasaaraheeda Atto. Meles Zanawi ayaa jawaab cad ka bixiyay hadal heynta maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay, kaasi oo ku aadan ciidamo Itoobiyaan ah inay galaan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya in aanu aaminsanayn in dhinacyada ka horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ay ku guuleysteen riditaanka xukuumadda KMG Soomaaliya, isagoona sheegay in arrimaha haatan ka taagan Soomaaliya ay u arkaan in Dowladda KMG ay heystaan xaalado aad u adag.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Itoobiya waxa uu sheegay in xukuumadiisu soo dhoweyneyso dalabka Dowladda KMG Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in xilligan aanay gudaha dalka Soomaaliya u direynin wax ciidamo ah.
“Waxaan u aragnaa in Dowladda KMG ah la taageero, balse anagu waxaan ka war sugeynaa jawaabta beesha caalamku ka bixiso dalabkeedii ciidamo geynta Soomaaliya” ayuu yiri Meles Zenawi oo dhinaca kale sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay iyagu ku filan yihiin jiritaanka Dowladda KMG Soomaaliya, isagoona sheegay inay iska difaaci karaan oo ay awood u leeyihiin weerar kasta oo kaga yimaada kooxaha mucaaradka ah.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in laga yaabo ciidamada Itoobiya inay galaan gudaha dalka Soomaaliya haddii buu yiri ay u arkaan in dalkooda khatar uga imaaneyso dabka ka holcaya dalkaas mudada labaatanka sano ku dhow.